
Si gaar ah Reer Xadhigle, Cabdillahi Axmed iyo Xaaskiisa iyo Ayaan Ismaaciil oo dhammaan ka tirsan Jaaliyadda Cardiff. Xaajiyadda oo dhimmatay Isniintii waxa shalay oo Arbaca ah 9/08/06 lagu aasay magaaladan Cardiff.Xaajiyadu waxay ahayd ruux cibaado badan, naxariis leh, oon cidna salaan la dhaafin.,bariido iyo weji furanna cid walba ku qaabisha. Wanaag ayey ifka kaga tegtay, aakirana wanaag ayey u shaqaysatay, ee Illaahay ha u naxariisto dambigeedana ha dhaafo. Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabadii,asxaabtii Alle ha u naxariistee ISMAACIIL CABDI QAWDHAN oo si kedis ah ugu geeriyooday Isbitaalka Guud ee Cardiff salaasadii, berrito oo Jimce ah 11/08/2006 ayaa lagu aasi doonaa Cardiff haddii Eebbe idmo.
Waxaan tacsida u dirayaa xaaskiisa oo joogta Hargeysa, iyo ehelkiisa meel kasta oo ay joogaanba., Isagana waxaan Ebbe uga baryayaa inuu janatal fardoos ku manaysto.Ismaaciil mudada gaaban ee uu dalkan joogay waxuu ahaa nin firfircoon, bulsho ah oo dhalin iyo odayba kaalintooda gala. Waxuu ahaa nin waxtar ah, kaftan hufan oo dad aqoonnimo leh.
Waxaan Illaahay uga baryayaa labada marxuun dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos. Aamiin.
Axmed Carwo Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Wales,Cardiff
ahmed_arwo@yahoo.co.uk
No comments:
Post a Comment