Thursday, August 31, 2006

Waa maxay nuxurka siyaasadeed ee Maamulka Riyaale ?

Waxaa ayaan darro weyn ah in markii ay Somaliland ugu dhaweyd inay dibbeda u iib geyso aqoonsigeeda ay runtii noqotay in Siyaasaddii Dibedda hormoodkeedii oo ahayd Marwo Edna ay dibedda dhigaan maamulka Riyaale kuna bedeleen Wasiirkii hore ee Warfaafinta.

Maanta waa la wada ogsoonyahay in Wasiiradda Arimaha dibedda iyo ku xigeenka Arrimaha Afrikaba ay maamulaan laba haween ahi, taasoo runtii soo jiidan lahayd siyaasadda Dibedda iyo Aqoonsigeenaba, laakiinse nasiib darro uu maamulka Riyaale si aan nuxur iyo qorsho sugan lahayn ugu bedelay waji cusub oo aan laga aqoon saaxadda arrimaha dibedda ee dalalka reer galbeedka.

Waxaa kaloo ayaan darro ah in Wasiirkan cusubi oo shalay BBC-Laanta Af-Ingriisiga ku hadasha laga waraystay uu sheegay in Somaliland Diinteedu tahay Calmaani, taasoo macanaheedu tahay in cid waliba waxay doonto ku faafin karto, oo xataa Kiniisado laga dhisi karo. Waynu ognahay oo Diinta Islaamku waa qodobka Shanaad ee Dastuurka Somaliland kaasoo odhanaya” Diinta Islaamka oo qudha ayaa wadanka lagaga dhaqmayaa, wxaana laga qaadanyaa shuruucda dalka axkaamata Diinta Islaamka, diin aan ahayn diinta Islaamka wadanku laguma faafin karo.”

Markaas wasiirka cusub ee aan siyaasadda dibedda waxba ka aqoon iyo ta gudahaba, waxaa haboon in markuu dalka ku soo noqdo Golaha Baarlamaanka la hor keeno oo loo gudbiyo Maxkamada Sare si uu uga jawaabo eragaas dilqaafka ah ee uu ka sheegay Idaacadda BBCda, ay noqon doonto mid uu ku waayi karo masabka dadku u dhiibtay.

Arrinta kale ee la yaabka ahi waa arrinta ah Wasiiraddan cusub ee xilalka la kala wareegay iyadoon la horkeenin golaha Baarlamaanka si loogu dhaariyo masuuliyadda loo igmaday. Waxaa iyana yaab leh Madexwenaha waqti u waayey inuu la kulmo Jaaliyadda Somaliland ee Ingriiska, waqtina u helay in uu dawladda Ingriiska kala hadlay mashruuc ah in Somaliland noqto meel dadka Somaliland ee dembiga galay iyo kuwa aan weli la siin sharciga dalkaas dib loogu soo celiyo, taasoo macnaheedu tahay in wax lagaga bedelaanayo, taasoo ah ballan –qaad lacageed.
Ilmaha yare e ku dhashay Ingriiska ee Somaliland ee lagu yidhaahdo Madexwynahaagii baa ku diiday inuu ku arko waayo wuu daalanyahay, laakiinse BBCda ayuu ka hadlay, waxaan qabaa inaysan u cuntamaynin, dalkiisii hooyana uusan u riyaaqi doonin inuu ku noqdo ama ku hamiyo.

Waxaa iyana la soo xaqiijiyey in Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye iyo Madax kale oo ka socota Baarlamaanka ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland iyo ku-xigeenkiisaba loo soo diiday inay fiisa ka qaataan Safaaradda Markaynaka ee D’Jabouti iyadoo Maamulka Riyaale uusan doonaynin in Madaxda dalku ay halkaas yimaadaan oo kala qayb galaan Shirka SOPRI ee ka dhacaya Washington DC, bisha September 8-10, 2006. Taasina waxay ku tusinaysaa in Madaxda dalka ee runta ka sheegi lahaa waqabadka Maamulka Riyaale loo diidayo Fiisihii ay dibedda ugu bixi lahaayeen. Waxaa kaloo jirta in waddanka ay ka jirto cabudhinta Xoriytal qoomaka iyo ta shaqsigaba oo aan loo ogalahayn Idaacad ama Television madax-banaan, waxaa kaloo jirta in cashuurta tujaarta iyo danyartaba lagu qaali-gareeyey Dekedda Berbera, waxaa kaloo jirtay in xuduudihii aysan weli sugnayn oo lays hor-fadhiyo, waxaa kaloo jirta in dalkan aad moodo in Riyaale uusan Aqoonsi marna la soo qaadin madaexda OAU, Arab-Leaque iyo Earopean Countires, iminka oo Ingriiska marti-qaad ka helnay laga wada hadlay Qaxootiga iyo sidii Somaliland dhaqaalaha iyo tababardda looga caawin lahaa ee aysan marnaba iman ta Aqoonsigu.

Imaashaha Riyaale iyo maamulkiisu imanayaan Washington, DC, kama ah daacad ama mid ay ku doonayaan in Somaliland la aqoonsado ee waa mid lagu doonayo in ajandooyin iyaga u gaar ah ay meesha ka fuliyaa (Photo opportunity and hidden agenda), waxaanan anigu qabaa in Somaliland ay manta ku sugantahay khatar weyn oo ah in wadadanku uu yahay mid sugaya iib amaba la iibiyey ee aan la ogaynaba (Pending For Sale Or Already Sold)
Waxaan ka codsanyaa in cid walba oo meesha tagaysaa ay manta runta faraha ka saaraan maamulka Riyaale iyo dhowrka wasiir la qaba shirqoolkan loo maleegayo Somaliland inaan laga yeelaynin oo dalkan dadkii u soo shahiiday intuu nooli weli ilaashanayso, nacasnimana ay ku tahay isaga iyo khayrkiiba inay ku hamiyaan ama ku fakraan in dalkan ay iibin karyaan iyadoo dadkeedii weli noolyihiin.

Maamulka Riyaale, ma doonayo Aqoonsi Somaliland ee wuxuu doonayaa burburka Somaliland, wuxuu ku qaadi doonaa markuu socdaalkiisan ka soo noqdo dagaal Sool isagoo ku macnayndoona in nabad wax lagu waayey si halkaas ay uga dhalato qas iyo qalalaaso, isaguna ku dodo in dalku dagaal ku jiro si loogu kordhiyo waqtigiisa, taasoo ahayd fikradii ka dambeysey inuu isagu ugu kordhiyey Golaha Gurtida Waqtiga oo kaga sugan Bisha October, 2006.
Somalildu waxay ku maahmaahdaa, Ninkaan garan waxa jooga, ma garto waxa soo socdana”, Somaliland haddii aysan dadkeedu manta la baxsan, waxaa laga sheekaysan doonaa waqti dhow!!!

Salaamd,
California, USA
Maxed Cismaan

No comments: