Friday, August 18, 2006

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigiisa Oo Diiday Inay La Kulmaan Jaaliyadda Somaliland Ee UK

Ay Shabakadda Somaliland.Org heshay ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Rayaale iyo wefdigii la socday ay diideen in ay kulan la yeeshaan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiiska oo u fidisay Maalinta sabtida ah inay madaxweynaha ula kulmaan si balaadhan.

Warkani oo Shabakadda Somaliland.Org ilo lagu kalsoonyahay ka heshay ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynahu gebi ahaanba ku gacan saydhay martiqaadkani ay usoo jeediyeen Jaaliyadda Somaliland ee UK, iyadoo aan la garanaynin sababta keentay gacan saydhka madaxweynaha, Waraku waxay intaa ku dareen in weftigu soo jeediyeen in cidii doonaysa in ay la-kulanto Madaxweynaha ay ugu yimaadaan Hoteelka walibana ayna ka badan laba laba qof markiiba. wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan inuu Madaxweynahu ka war hellay dareenka cabsiyeed ee ah in Su'aalo ay jaaliyaddu ka weydiin doonto arrimaha Muddo kordhinta golaha guurtida, isku shaandhayntiisii golaha Xukuumadda, dafiraadii kabkii miisaaniyadda ee golaha wakiiladda iyo su'aalo kale.

Madaxweynuhu waxa uu doorbiday inuu la kulmo oo kaliye Gudidda Jaaliyadda Somaliland, balse Xubnno badan oo Gudida ka tirsan ayaa ka biyo diiday in ay la kulmaan Madaxweyne Rayaale iyo wefdigiisa madaama uu baajiyey shirkii Jaaliyaddu ku arki lahayd.
Gudida Jaaliyaddu waxay soo kiriiyeen madasha shirku ka dhici lahaa Sabtida. Waxaan ka baxay kharash dhan £1200 oo u dhiganta $2100 oo ay waliba dheer yihiin cuntadii iyo cabitaagi.
Wararka waxay intaa ku dareen in Madaxweynaha lagu la taliyey in aan aqbalin shirkaa jaaliyaddu soo qabqaabisay sababta oo ah waxa aad u imanaya taageerayaasha KULMIYE iyo UCID.Sidaas awgeed meesha waxa ka dhici kara buuq iyo ceeb. Taasina hadhaw waxay isku bedelaysaa suncad xumi ku timaad Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Source: Somaliland.Org,

London News Desk

No comments: