Friday, August 18, 2006

Xildhibaanno iyo Salaadiinta Togdheer oo ka Warbixiyey Xaaladda Dalka

Hargeysa, August 17, 2006 (Somaliland Today)- Kulan balaadhan oo xubnihii baarlamaanka ee Togdheer laga soo doortay ay ugu warmayeen bulshada xaalada dalku marayo,ayna ka soo qaybgaleen Maasuuliyiinta Gobolka,Salaadiinta,Golaha degaanka,Xubno Qurbajooga, siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dadaweyne badan ayaa manta lagu qabtay Huteelka CityPlaza ee Magaalada Burco.

Sida uu qoray wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii shalay Kulankan ayaa ugu horayntii waxa ka hadlay Cali Maxamed Xasanayaa hadalkiisii waxa uu ku bilaabay,Horta waxaanu u tagnay Anagu Distoor Xidhan oowax badani qabyo ka yihiin ,dhaqan wax badan yaalay oo ah dadkii oo aan si wanaagsan u fahan sanayn Baarlaamnka ay soo doorteen waxkastana u yaqaana wasiirada,waxa uu intasi raaciyay inay hawlbadan u galeen sidii G/Togdheer looga badali lahaa lacagtan Giimbaarta balse ayna helin jawaab ay ku qancaan ,waxaanu kaloo ku dadaalnay sidii Miisaaniyada loo dagaamaynlaha si gobol kastaa uu waxa uu lee yahay halakaas uga arko,oo aanay waxkastaa ku xidhnaan gacan kaliya taasna kumaanu guulaysan ,waxaase naloo balan qaaday in sanadka dambe miisaaniyada la dagaamayn doono madaama ay idinka horaysay.

Xildhibaan Cali isagoo ka hadlaya dhinaca Hayadaha waxa uu sheegay in 72 hayadood fadhiyaan,Burcana SCF/UK,oo kaliaya waxaana noo qorshaysan sidii badhkood loo keeni lahaa maadaama caawimooyinka dalka yimaada ay qayb kayihiin,Hayada WFP,waxay bixisaa raashin loo yaqaan food for work,waxayn75%la siiyaa gobolka awdal. Anagu Gole ahaan waxaanu ka wakiil nahay dadweynaha ,hawshayaduna waxay tahay gole xeer dejineed,inaanu ilaalino siyaasada dawlada,asaxino qorshayasha dawlada,haseyeeshee xeerar badan oo aanu soosaarnay waxa is hortaagtay xukuumada waxkastoo aanu qaban lahayna waxy ku dadaashay inay carqaladayso,sidaas darteed maadaama aad tihiin dadkii na soo doortay waxaanu goaansanay inaanu idiin waramo islamarkaana wixii talo ah ee aad nagu biirinaysaana qaadano,Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Xildhibaan Maxamed Nuur caraale oo isagu ka mida xildhibaandaXisbiga Udub ee G/Saaxil lagu soo doortay oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inkastoo uu ka soo baxay Saaxil hadana uu degan yahay Gobolkan,waxaanu tilmaamay in qofkasta markii uu doorashada uu ku jiray uu sameeyay waxkasta oo uu ku soo bixi karo,bulshaduna ay rajaynaysay in baarlamaanka cusibi waxbadan u qaban doono isbadelana keeni doono,waxaase aanu ka mid noqonay dhadhaar ka mida dawladii tabarta yarayd ee dhaqaale xumadi u haysay,Ayuu yidhi Xildhibaan Duur. Waxa kale oo intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay inay markasta Taladu dhaliil waayin Anagana(Baarlamaan )ahaan xaqiiqdii naga luntay markii aanu noqonay Mcaarid iyo Muxafid sidaas darteed waxa loo baahan yahay inaynu sidii aynu si dhaba ugu waji lahaynsidaynu uga dabalan lahayn isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya ka bilabmay, isdhaiilidun ma aha Xal.Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Sidoo kale Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mida xildhibaanda Xisbiga Ucid ka soo baxay oo isaguna halkas ka hadlay ayaa sheegay inay dadaalkasta oo ay u galeen sidii Dalka iyo Dadka waxa loogu qaban ay ishortaagtay xukuumadu Awoodna isugu gaysay sidii ay Golaha khilaaf uga dhex abuuri lahayd "Xukuumadii wax qabadkeedii wuxuu noqday sidii golahayaga muran uga abuuri lahayd taasna waanu ka nabad galnay"Ayuu yidhi.Waxa kale oo Xildhibaan Jaamac intaas ku daray in siyaasadii Dibada ma cada Xaalkuna waxa weeye "Baadidaa ninbaa kula daydaya daalna ka badiya,aana rabin daain abidkaaye"Sidaas Awgeed waxaanu manta kulan idiinku qabanay inaanu idiinka warano xaalada dalku ku sugan yihiin Tala Qarana la yeesho sidii loo badbaadin lahaa,Ayuu ku soo koobay.


Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo isaguna Maanta kulankaas ka hadalay ayaa si weyn u dhaliilay Xukuumada kuna tilmaamay mid aan ku shaqaynayn rabitaanki dadka waxana uu hadalkiisi ku bilaabay Dawlad baynu dhisanay, Golayashiibayanu sameynay, dastuurkiibaynu sameynaya waxaynu ka filaynay hogaamin fiican oo nidaamkii iyo sharcigii umadu lahayad ka turjunta, laga soo bilaabo ilaa xilgii Boorama waxaynu hayna wado Qariban taa weeye xaqiiqdu.

Suldaanku waxa uu intaas ku daray Xaqiiqda Runta ahi waxay tahay in la helo Dawlada rabitaanka dadka ka turjumaysa oo ah dawlada Kooban oo tayo leh oo waxa qabanaysa isla markaan Saddexdeed qaybood ay wado shaqeyn wanaagsani ka dhaxayso hadii kale ay xilkii loo igmaday iska casilaan oo talada dadka lagu soo celiyo Talooyin baanu bixinaynay mudooyin badan kuwii ugu danbeeyay dhawaan ayaanu bixinay hadaanu nahay Salaadinta waxna kam hirgalin ee Runtu waxa weeye inaynu qiimayan sameyno halka Xaalada Dalku marayso "Ma jirto Maamul Dawladeed oo dadka u shaqeynaya halka aynu manta maraynaana waxan ku masaali kara Inay la mid tahay Doonidi Nabi Nuux ee Dagaysay Waxanan leeyahay Saddexdiina Qaybood aanigu kala saari maaye xilkii umadu idiin dhiibtay ee Salaadin ahaana Odayaasha idiinku ahayeen inaad raacaysaan iyo in kale ayan idinka fadhinaa"

Waxan Suldaan Cismaan hadalkiisi ku soo koobay kuwiinan talada jeedinayaa kun talo ayaanu jeedinee maxa laga fuliyay, ee xaqiiqdu waxa weeye inaynu qiimayan sameyno.

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "anigu waxanan garanaynin cida talada loo jeedinaayo ee Jawaabta laga sugaayo,dhawaan waxan jaraa'iidka ku arkay Xooghaye Burco laga badelaayo oo Madaxweyne Ku xigeenku soo faro galiyay taasina waa dhibaato. Suldaanku waxa uu intaas ku daray Baarlamaankii aynu dooranay way inoo warameen Warbixina way ina siiyeen, Waxa la yidhi hadii labo wadaad is qabsadaan waxa la odhan jiray soo qaata kutubtiina kadibna kii qaldanba la odhan jiray Shiikh aloow ka dhaqaaji, Dimuqraadiyada Bayskeedu waxa weeye hadii shacbigu dadkay doorteen ka waayan waxay u doorteen iyaga jawaabta bixiya, hadana waxaad moda in Baarlamaanki Jawaab sugaayo Dawladii, Guurtidii, Dadkii Jawaaba wada sugaayo hadaba cida Jawaabta laga sugayana aan la garanaynin, Aniga waxay ila tahay in dadka Jawaabta laga sugaayo. Suldaanku waxa kale oo uu intaas raciyay Salaadiintayada ayaa beri dhaweyad talo ku soo jeedisay in Dadka Mukhadaraadka keena iyo Dadkan Dilka ku xukuman ee xabsiga ku xidhan waxa laga qabto Waxa kale oo noo qarsoonayad in Badhasaabka Gobolkana la badelo Arimahaasoo dhan waxa laga qabtay ma jirto Markaa waxan la yaabanahay cidan aad Jawabta ka sugaysaan ee waxaan leeyahay aynu dib isugu noqono oo Go'aan gaadhno ayuu ku soo xidhay hadalkiisi.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isaguna halkaa ka hadalay ayaa waxa uu yidhi " Markii hore arin kaynu isugu nimi waxa uu ah inaynu is waraysano balse arinkii waxa uu isku badalay sidii Caawa Caqli keen oo kale isagoo dab jooga Hadal uu yidhi Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ah waxanan garanaynin cida talada loo geynayo ee jawaabta laga sugaayo waxa uu yidhi Gudoomiyuhu " halkii ilaahay u gartay ee aad markii hore gayseen ayaa laga sugayaa" Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray Beribaa labo nin oo mid salad sax yahay midna taarik yahay ayaa isa soo raacay markaasa cunto loo soo dhigay markaasa kii Salaad saxa aha yidhi war anigu waxaba kula wadaagi mayo ninkaagan ah taariku salaadka kii kala intuu qoslay yidhi anigabaa wxaba kula wadaageynoo waxan ka shakisanahay halkii aad markii dhaweyad gacanta galinayasay Markaa Salaadiintiinan waxan leeyahay war marka hore idinka kala qaybsane bal idinku isku mid noqda wayna jiraan Salaadin kale oo Gobolka ah oo iyagu aan siyaasadda ku dhex jirin sidaa darteed waxan idinkula talin lahaa inaad ku koobnaatan wixii laydiin doortay oo aad faraha kala baxdaan arimaha siyaasada sidaasa ayuu Badhasaabkuna ku soo koobay hadalkiisa.

Intaa kadib hadalkii waxa uu ku wareegay xubnihii kulanka ka soo qayb galay waxana halkaa isagu talo ka soo jeediyay Dr Cabdi Aw Daahir Cali taaso oo ka koobnayad dhawr qodob oo ahaa.

In golaha wakiilada miisaniyada 2007 sii dhigaan qorshe hor leh oo ka duwan kii hore ee ay iska ansixiyeen.

In la furo Dastuurka oo uu noqdo mid ina jiheeya taladana loogu horeysiiyo In aanay Wakiiladu ansixin Wasiirada ka badan 50 waa inay Madaxweyne Rayaale ku celiyaan Wasiirada uu soo dhisay oo uu keeno ugu badnaan 13 Wasaaradood. In dib loo eego xeerka Dooroshooyinka iyo ka asxaabta oo ila hada mugdiyo badan ku jiraan in Golaha Wakiiladu qaatan hogaaminta arinta ku saabsan Golaha Guurtida oo iyagu sameeyan kordhinta ilaa Dec 2007 oo isku mar dhacaan Wakhtiga Doorashooyinka dawladaha hoose Inay Reer Burco mudnaanta koobaad siiyan Jaamacadda Burco iyo Cisbitaalka Burco . Dr Cabdi intaas ayuu ku soo koobay taladiisi.

Faarax Yuusuf Xadhigle ayaa isaguna taladiisa ku soo jeediyay in Waxbarashada debeda ee Ardayda Somaliland la siiyo ay intooda badan qaatan Gobolada Galbeedku Marka loo bahan yahay in si siman Gobolada loogu qaybiyo Waxa kale oo intaas ku daray Md xadhigle in Xildhibaanda Reer Togdheer intoodi badnayand ay Hargeysa u wada Guureen taasina ayna haboonayn ee intii guurtay loo bahan yahay inay xafiisyo ka furtaan Gobolka si ay ula socdaan xaalada Gobolkooda .

Prof. Cabdisalaan Yasiin ayaa isagu taageray taladii Dr Cabdi Aw Daahir soo jeediyay balse waxa uu raaciyay in dhibaatada ugu weyn ee dalka taala tahay Qaadka taas oo loo bahan yahay in waxa weyn laga qabto sidii umada Aafada looga qaban lahaa.

Liibaan Maaweel Shire

Weriyaha Shabakadda Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland

No comments: