Saturday, August 19, 2006

Xukuumadda UK Oo Markii U Horeysay War Ka Soo Saartay Booqashada Madaxweyne Rayaale

London, UK, August 18, 2006 (Haatuf) – Xukuumadda UK ayaa markii u horeysay war rasmiya ka soo saartay booqashada Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ee dalkeeda iyadoo war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka UK maalintii Arbacadii, lagu xusay in Hogaamiyaha Somaliland oo booqasho ku maraya Boqortooyda Midowday (UK) uu marti u yahay dawladda Britain.

War-saxaafadeedkan oo lagu daabacay website-ka dawladda UK (ww.gnn.gov.uk) waxa cinwaan looga dhigay “Madaxweynaha Somaliland oo booqday Lord Triesman”.

War-saxaafadeedku wuxuu sheegay in Lord Triesman oo ah sarkaal arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Afrika uu qaabilay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Kulankaas dabadeed Lord Triesman wuxuu yidhi: “Shir aad u fiican ayaan saaka la yeeshay Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Dawladda Boqortooyada Midowday waxay xidhiidh fiican la leedahay maamulka Somaliland, kaas oo ku guulaystay inuu mandaqad qalalaasuhu aafeeyay dhexdeeda uu ka hirgeliyo xasilooni iyo hay’adaha hannaanka dimuqraadiyadda ku dhisan. Waxaanu doonaynaa in Somaliland aanu la shaqayno si waxyaabahaas ay qabsadeen loo xoojiyo, gacanna looga siiyo hawlaha horumarineed ee u yaalla.”War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in UK ay siiso dalka Somalia ₤15.5 milyan taas oo ay qayb-laxaad lihi kaga soo hagaagayso Somaliland. Mucaawinada Somaliland loo qoondeeyay waxa ka mid ah $9 (sagaal milyan oo doollar) oo loogu talo-galay in lagu xoojiyo geedi-socodka dimuqraadiyadda, iyadoo la soo marinayo hay’adaha UN-ka iyo NGOs.

War-saxaafadeedka waxa kale oo lagaga waramay doorashooyinkii sannadahan dambe ka dhacay Somaliland, isla markaana waxa lagu xusay in Somaliland ay baadi-goob ugu jirto sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.

Dhinaca kale, labada dawladood ee UK iyo Somaliland ayaa shalay soo saaray war-murtiyeed ku saabsan booqashada Madaxweyne Rayaale iyo kulamadii dhexmaray weftigiisa iyo masuuliyiinta Britain, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin isagoo marti u ah dawladda Britain waxa uu booqasho ku yimid dalka UK, wadahadalana la yeeshay wasiirka arrimaha Afrika Lord Triesman, waxaanay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal u dhexeeya iyo arrimaha ka jira mandaqada. Waxa kale oo Wasiirada Somaliland ee la socday [Mr. Rayaale] ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda, wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah, iyadoo ay si qoto dheer isula jeex-jeexeen waxyaabihii ay ka wada hadleen. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si joogto ah u wada xidhiidhaan, isla markaana ay booqashooyinka is-dhaafsadaan taas oo looga dan leeyahay sidii ay u kobcin lahaayeen iskaashigooda ku aadan arrimaha ay labada dhinacba danaynayaan. Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo dhiiri-gelin lahaa nabad, xasilooni iyo xukun dimuqraadiyad ku salaysan oo ka islaaxa Geeska Afrika si ay suurta-gal u noqoto in wax looga qabto dhibaatooyinka bina-aadamnimo iyo baahiyaha horumarineed ee ka taagan mandaqada.”

Dhinaca kale war-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale ayaa lagu sheegay in wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo weftiga Madaxweynaha ka mid ahi ay shalay la kulmeen saraakiil ka tirsan hay’adda Britain ee magaceeda la yidhaahdo Crown Agents, waxaanu war-saxaafadeedkaasi isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Isla maanta waxa ay Wasiiradii Arrimaha Debedda iyo Maaliyadda iyo Boosaha iyo Isgaadhsiintu ay si rasmiya ula kulmeen saraakiil sare oo ka socday, Ha’aydda Ingriiska ee Crown Agents, oo ku soo booqday Wasiirada Hudheelka ay deggan yihiin halkaasi lagu fallan qeeyay lagagana wada hadlay sidii Somaliland gacan looga siin lahaa dhinaca maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda khaasatan kobcinta ilaha Dhaqaalaha iyo adkeynta Maamulka, halkaas oo la isla qaatay in si deg deg ah ay Hay’addaasi u soo dirto khubaro ka tirsan Hay’addaasi, si ay isugu duba ridaan barnaamij hor leh oo kor loogu qaadayo tayada iyo Maamulka ilaha dhaqaalaha ee dalka

Xigasho: Haatuf

Hoos riix si aad u aragtaan Hotelka, Riyaale iyo waftiguusu ku degeen. Habaynkii qiimaha dhexdhexaadka ahi waa US$ 300

http://www.hotelsrus.com/search.php?ref=AFAH5&fn=hotelinfo&HotelCode=RHG

No comments: