
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa shallay wuxuu ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa. Warar ku dhaw Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali oo Shabakadda Somaliland.Org heshay ayaa waxay xaqiijiyeen in Safaaradda Maraykanka ee ku taalla Jibouti ay uga cudur daaratay inaanay siinaynin Visa-da dalku galka maraykanka ka dib markii ay u sheegeen inay qoraal ka heleen dhinaca Xukuumadda Somaliland, qoraalkaasi oo la sheegay inuu ku saxeexanyahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, balse Shabakadda Somaliland.Org ayaanay u suurtagelin inay ogaato waxaa ku xardhana qoraalkaasi.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in sidoo kale Visa-dii dal ku galka loo diiday Maxamed Cabdi Gaboose oo isaguna ah Siyaasi weyn oo Somaliland aad looga xurmeeyo, waxaana wararkaasi tibaaxeen in Maxamed Cabdi Gaboose uu maalinta berri ama sahan danbe ku soo guryo laaban doono Hargeysa.
Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegaya inuu ka cabsi qaatay ka dib markii uu ogaaday in Siyaasiyiin culus ay dhinaca Mucaaridka ka imanayso isla markaana ay iskugu iman karaan Shirkaasi Sopri halkaasina ay dhaliil weyn uga soo Jeedin doonaan isaga iyo Xukuumadiisaba, waxaana wararku intaasi ku darayaan inuu Madaweynahu qaatay tallaabadani isagoo dawladda Maraykankana ugu sifeeyey Siyaasiyiintani sifo kale ama waji kale.
Waxaa iyaguna dhinaca Kale ku sugan Magaalada Jibouti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jibouti Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo iyaguna ka sugaaya visa-da dal ku galka dalkaasi maraykanka.
Wixii warar ah ee arrintani ku soo kordha kala soco Somaliland.Org.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
No comments:
Post a Comment