Friday, September 15, 2006

Cade Muuse oo Sheegay in aanu doonayn in uu Togdheer Yimaado Kumaa Gulaystay Ma Rayaale Mise Cade M

Cade Muuse oo ka soo laabtay degaanka Kalabaydh oo uu ka soo jeedo Garaad Jaamaca Garaad Cali Garaad Jaamac, degaan ahaana ay u leeyihiin Beesha Baharasame. Madaxweynaha maamulka Puntland wuxuu halkaas kula soo shiray aqoonyanada iyo garaadada, cuqaasha iyo madaxda degaankaas, wuxuu kaloo soo maray Salaxdheer iyo degaano kale oo ah degaanada Nugaaleed.

Wadahadalada socdaalka madaxweynaha Puntland waxay salka ku hayeen, khilaafyo ka soo baahay beesha Dhulbahante iyo is afgarad la,aan ka taagnaa mudo degaanada beesha dhulbahante ee maamulka Puntland gacanta ku hayey, si loo xalilo khilaafaadkaas waxaa hore u soo gaadhay degaanka madaxweyne ku xigeenka Afqudhac oo ku wargeliyey in uu soo xalilay khilaafka beesha iyo maamulka Puntland u dhaxeeya, sidaas awgeed ayuu ugu baaqay madaxweynaha Puntland Cade Muuse in uu ku yimaado booqasho.


Madaxweynaha Puntland markii uu yimi Laascaanood ayaa si loo sameeyo xaal abuur oo u abeereen qolyaha maamulka ee halkaas gacanta ku hayaa in Cade Muuse ku tago Togdheer Booqasho, waxaana looga dan leeyahay in culayska siyaasadeed ee dusha ka fuulay maamulka Cade Muuse lagu weeciyo. Xaaladaas oo ah mid ka fog hanaanka wax u socdaan oo kicinaysa daweynaha reer Sool, loogana dan leeyahay in loo abuuro cadaw ku soo duulaya, si culayskaasi u kahfiifo.


Dhamaan Isimadii uu shirarka Cade muuse la qaatay waxaa u cadaatay in aan loo baahnayn xaalad colaadeed, waxaana si badheedhe ah loogu sheegay in degaankan dadka u dhashay ka talinayo, hanaankii maamulna ay muquuniyeen beesha uu ka soo jeedo, halka ay saran tahay cunqabatayn beesha Dhulbahane ee degaankooda dagaalka laga abuurayaa. Cade oo ka hadlaya xaalada booqashada ayaa sheegay in aanu isagu cade ahaan diyaar u ahayn in uu booqdo Buuhoodle, hase yeeshee ay jiraan dad ku qasbaya oo ka codsanaya in uu degaankaas booqdo.
Somaliland ciidamadeeda oo xidhay degaanada Bali-dhac oo ay marto wada isku xidha buuhoodle iyo Laascaanood, sidoo kale xidhxidh iyo degaanadaas ku baladhiyey ciidamadooda, si ay u horjoogsadaan Cade Muuse ayaa baqdin gelisay Cade Muuse, laxaadka ciidamadaasi ayaa ah kuwo si balaadhan looga faalooday, waxaana weliba intaas ka imanaya dhinaca gobolada Somaliland ee maamulka Somaliland ka dhisanyihiin ayaa ciidamo xoojin ahi aad uga imanayaan, si loo xoojiyo iska caabinta ka iman karta Puntland.


Illaa xilligii xiisadaasi bilaabantay ayaa waxaa soo baxaya dareemo aad u balaadhan oo lagu taageerayo Cade Muuse oo ka imanaya degaamo kala duwan oo Puntland inteeda kale ah, sidoo kale Madaxweynah Somaliland Daahir Rayaale ayaa u adeegsanaya xiisada ah in uu ka horjoogsaday Togdheer cade Muuse guul difaac oo uu soo hooyay, halka aanu talaabo ilaa saacadn hore ugu ruqaansan jiidaha ay weli ku sugan yihiin ciidamada cade Muuse, midaas oo uu uga jeedo in uu ku soo kasbado kalsooni shacabka, halka aanay dooda difaaca gobolada Sool iyo Sanaag marnaba meesha oolin, waxaana illa maanata jirta in aanu marqudha kala hadalin shacbiga oo aanay qaban shirar jaraa,id oo ku saabsan halka xaaladu marayso.


Su’aasha meeesha taalaa waxaa weeye dagaalada lagu soo celinayo shacbiga kalsoonidooda ee aan salka ku hayn daacada iyo wadaniyada kumaa ku guulaysan doona? Ma daahir Rayaale Mise Cade Muuse?


Somalilandfuture Online

No comments: