Saturday, September 16, 2006

Madaxweyne Rayaale Oo Baciidsanaya Inuu...

Madaxweyne Rayaale Oo Baciidsanaya InuuKuraasta Ka Tuuro Gudoomiyayaasha Labada Aqal Ee Wakiilada Iyo Guurtida.


Hargeysa, September 14, 2006 (Haatuf) – Dhawrkii Maalmood ee ina d dhaafay, waxa mudanayaasha golaha Wakiilada si weyn u uugaamiyey khilaaf ka dhashay ajande ku saabsan xeerka doorashada golaha Guurtida, kaas oo dhaliyey buuq iyo sawaxan sababay in xataa uu maalmaha qaarkood socon waayo hawl-maalmeedkii goluhu, ka dib markii ay kooxo mudanayaal ah oo ku abtirsada xisbiga talada haya ee UDUB ay si weyn uga hor-yimaadeen dood ku saabsan xeerka doorashada guurtida, kuwaas oo buuq iyo fara-fiiq-fiiq kala dhex-oogsaday madasha shirarka golaha wakiilada, taasina waxay keentay in uu ugu yaraan laba maalmood la hakiyo geedi-socodkii shirarka, dibadana lagaga wada hadlo arrimaha khilaafku ka taagan yahay, taas oo ay aakhirkii mudanayaashu golaha wakiiladu is-af-garad ka gaadheen arrimihii ay isku maandhaafsanayeen.

Kooxaha mudanayaasha ah ee sawaxanka sameeyey in kasta oo ay abtirsiimo xisbi wadaagaan, isla markaana ay dacwadooda weedho isku mid ah ku muujinayeen, hadana waxa la rumaysan yahay inay ragga qaarkood ujeedooyin intaas ka durugsan ka lahaayeen cabashada ku saabsan ajandaha miiska saaran.

Marka laga hadlayo xubnaha mudanayaasha ee ku abtirsaday xisbiga UDUB, inkasta oo ay muuqaalka guud abtirsiimo xisbi wadaagaan, hadana waxa jira xubno firfircoon oo si gaar ah uga dhex-muuqda batarka ciyaarta u dhexaysa golaha wakiilada iyo aqalka madaxtooyada.

Xubnahan firfircooni waxay had iyo goor isaga dab qaadaan madaxtooyada iyo aqalka wakiilada, waxayna ilbax ku yihiin galaangalka hulalka dhismaha madaxtooyada, sababta ay taasi ugu suurto-gashayna waxa weeyi xidhiidhka dhow ee ay la leeyihiin madaxweyne Rayaale iyo qasriga madaxtooyada.

Ragga caynkaas ahi marka ay doonayaan inay golaha dhexdiisa hawl-galo ka fuliyaan waxay inta badan ku soo gabadaan mawduucyada lagaga doodo miiska doodaha ee golaha wakiilada, waxaana ragga caynkaas ah dabeecad u ah inay si gaar ah oo ka duwan aragtiyaha ay mudanayaashu kala qabaan kabriidka ugu qabtaan, dhuxulana ugu daadiyaan mawduuca laga doodayo. Hase yeeshee marka la eego uu wararka iyo xogaha u dhuun-daloola guryaha kala duwan ee Dawladda waxa si weyn loo rumaysan yahay inay kooxaha caynkaas ahi had iyo jeer guntiga ku haystaan ajande qarsoon oo ka duwan ajandaha ay mudanayaashu ka doodayaan, taas oo ragga sida weyn ugu dhuun-daloola aqalka madaxtooyada si weyn loogu xanto in ay arinta ugu muhiimsan ee ay mudooyinkan dambe baciidsanayaan ay tahay sidii looga takhalusi lahaa shirgudoonka gudoomiyaha golaha wakiilada, waxayna dadka arimahan xog-ogaalka u ahi farta ku fiiqaan inay arinta caynkaas ahi si fiican uga turjumayso istaraatijiyad u meel taal Madaxweyne Rayaale oo ku waajahan shirgudoonka golaha wakiilada iyo xataa gudoomiyaha golaha guurtida, waxayna dadka madaxweyne Rayaale ku dhow-dhowi had iyo goor atmosfeerka wararka ku soo dhex-tuuraan tibaax odhanaysa “Is-eegganmayn aniga iyo nimanka shirgudoonada ka ah labada gole”.

Tusaale ahaan, kalfadhigii kan ka horeeyey ee golaha wakiilada waxa jiray mooshin ay golaha soo hordhigeen kooxo mudanayaal ah oo ku abtirsada xisbiga UDUB, qoraalka mooshinkaasi wuxuu guud ahaan ka hadlayay cabasho ay ka cabanayeen shirgudoonka golaha.

Waxa qodobada mooshinkaa ka mid ahaa qodob tilmaamaya in wax laga bedelo xeer-hoosaadka golaha wakiilada, laakiin qodobka caynkaas ah waxay shirgudoonka iyo rag badan oo golaha wakiilada ka tirsani ka uriyeen dareen didmo leh, waxaana turjumadihii laga bixiyey ka mid ahaa in ujeedada looga dan leeyahay qodobkaa ay tahay sidii loo yareyn lahaa tirada codadka lagu ridi karo shirgudoonka oo hadda ah saddex meelood oo meel (1/3 ) tirada golaha wakiilada oo ah 82 xubnood, taasina ay tahay istaraatijiyad lagu biciidsanayo sidii mustaqbalka dhow looga takhalusi lahaa shirgudoonka.

Inkasta oo ay rag badan oo ka mid ah mudanayaasha mooshinkaa saxeexay ay aad isaga fogeeyeen jiritaanka ujeedo caynkaas ah, tiraabtooduna ahayd wax lagu qancay, hadana ragga mooshinka saxeexay taa kama wada sinayn ee waxa jiray rag meelo badan kaga tiraabay inay qodobkaas uga dan leeyihiin sidii loo ridi lahaa shirgudoonka, waxayna ragga aragtidaa qabay xataa tiraabtooda kaga dhawaaqeen meelo fagaare ah. Taasina waxay ahayd sababta keentay dareenka saska leh, laakiin markii dambe mooshinkaa cabashada ah iyo dareenkii ka dhashay mudanayaasha golaha wakiiladu waxay kaga wada hadleen shir albaabadu u xidhan yihiin, halkaas oo ay isku qanciyeen, iskuna afgarteen, xiisadiina ku dejiyeen.

Sidoo kale, kalfadhigan u dambeeyey ee golaha guurtida waxa ajandayaashii la soo hordhigay ka mid ahaa qodob odhanaya waa in wax laga bedelo xeer-hoosaadka golaha guurtida, laakiin qodobka caynkaas ah markii dambe meesha waa laga saaray, ka dib markii laga ururiyey dareen suluf leh, isla markaana ay soo baxeen tibaaxo farta ku fiiqaya ujeedada qarsoon ee ay ka lahaayeen raggii ajandaha ku soo daray qodobkaas, taas oo la rumaysan yahay in looga dan lahaa sidii mustaqbalka dhow kursiga looga tuuri lahaa gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Marka la eego tibaaxaha iyo wararka u dhuun-daloola aqalka madaxtooyada waxay had iyo jeer waran-wariyadu soo tuurtaa inuu madaxweyne Rayaale ku taamayo sidii uu kuraasta uga tuuri lahaa gudoomiyayaasha labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida, uguna bedeli lahaa rag u jajaban ama u dhego-nugul siyaasadihiisa, taasna waxay wararku leeyihiin waa arrin uu nidar ku galay inuu meel-mariyo goor ay ahaataba, waxaana ragga ugu firfircoon ee uu Madaxweyne Rayaale arrintaa tallada kama-dambaysta ah kala leeyahay ka mid ah xubno goleyaasha ka tirsan oo ay isku gobol ka soo jeedaan. Hase yeeshee dhinaca kalena wararka iyo xogaha arrimaha golayaasha dawladda u dhuun-daloolaa waxay iyaguna farta ku fiiqayaan in aanay taasi tahay arrin aan ciyaar-ciyaar iskaga imanayn, haddii ay wax uga suurto-galaana yeelan doonta saamayn siyaasadeed oo aan midabkeeda la saadaalin karin.

Xigasho: haatuf.net

No comments: