Shirkii SOPRI ee ka socday Washington, D.C. oo socday saddex cesho ayaa la soo gebo-gabeeyey maalintii axadii September 10, 2006.
Dadkii shirkaas kaas kasoo qayb galay waxa ka muuqatay farxad iyo wadan jecayl; shirkuna wuxuu u dhacay si wanaagsan. Dad tiradoodu ka badan tahay 900 oo qof oo adduunka meelo farabadan ka kala yimid ayaa ka soo qayb galay shirkaas. Waxaa laga dooday lagana hadlay arrimo farabadan uu khuseeya Somaliland, oo ay ka mid yihiin: Waxyaabaha ay Somaliland qabsatay iyo dhibaatooyinka ka horeeya, Siyaasada Maraykan ee ku saabsan Somaliland, sidii loo xoojin lahaa dimuqraadiyada Somaliland, nabadgelyada iyo xasiloonida Geeska Afrika, Ictiraaf raadinta Somaliland, Kaalinta dumarku kaga jiro Somaliland, Caafimaadka, Waxbarashada, Saaxafadda madaxa bannaan, Baayac mushtarka, iyo waxyaabo kale oo farabadan.
Dadkii ka hadlay arrimihaas kor ku xusni way badnaayeen waxaana ka mid ahaa:
Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Deputy Speaker, Somaliland Parliament
Mudane Nasir Haji Ali Shire, Member of Somaliland Parliament
Mr. Faysal Ali Farah, Chairman, UCID Party
Mr. Mohamed Hashi Dhamac (Gaariye)
Mr. Ahmed Haji Ali Adami, Chairman, Somaliland Election Commission
Mr. Ali Gulaid (Marshall), CPA
Mr. Abdul Rahman Awl, Senior Partner, Harington InstituteDr. Sa’ad Noor, Somaliland Repreentative in the USMr. Ahmed Hussein Esa, KULMIYE Party
Mrs. Edna Aden Ismail, Former Somaliland Foreign MinisterProf. Ibrahim Megag Samater, Tokyo International University, Japan
Mr. Abdirahim Abbey Farah, Former under- Secretary GeneralProf. Iqbal jhazbhaI, University of South AfricaMrs. Raqiya H. Dualeh Dr. Mohamoud Tani, Ottawa Community ElderDr. Adan Ismail (Beergeel), Hamilton, CanadaDr. Hussein Bulhan, Hargeisa, SomalilandMr. Abdi I. Yunis, Somaliland Community Leader, Ottawa, Canada
iyo qaar kaloo farabadan; waxaana shirka kasoo baxay go'aano fara badan oo gadaal laga shaacin doono.
Waxaa shirka su’aal farabadan lagu weydiiyey kana jawaabay Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Mr. Ahmed Haji Ali Adami, iyo Dr. Hussein Bulhan. Su’aalahaa waxa ka mid ahaa qaar ku saabsan doorashada Guurtida, Musuq-maasuqa, Dhul bixinta, iyo waxyaabo kale oo farabadan oo khuseeya bulshada reer Somaliland.
Waxa warbixintan nooso diyaariyay Hogad Ahmed Farah oo ka qayb galay shirka.
Hogad Ahmed Farah
Washington, D.C. USA.
HogadAFarah@aol.com
No comments:
Post a Comment