Friday, September 29, 2006

Waxa iimuqata in maanta Dalka hadaan Laga tuuraayo Hadii aan laga Badbaadin..C/laahi Jawaan

(Waridaad)- Guddoomiye ku xigeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii Koomishanka Doorashooyinka Somaliland. Md. Cabdillaahi Jawaan, waxa uu sidaas ku caddeeyay qoraal uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Qoraalka Md. Jawaan uu isku casilay, oo aanu si rasmi ah Saxaafadda ugu qaybin, waxa uu kaga waramay sababaha ku keliftay inuu is casilo, isaga oo islamarkaana si dadbadan eedaymo ugu soo jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.


Cabdillaahi Jawaan oo ka mid ah xubnaha Koomishanka ee uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, waxa qoraalkiisa oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Geeska Afrika uu u dhignaa sedan:


“Aniga oo ah Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ah ku simaha guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaan si qadarin leh kuula socodsiinayaa in aan go’aansaday inaan iska casilo xilkii Koomishanka Doorashooyinka Qaranka ee aan u hayay umadda Jamhuuriyadda Somaliland laga soo bilaabo 18/12/2001, wakhtigaas oo la ii doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee Koomishanka Doorashooyinka Qarnaka, iyada oo la igaga wareejiyay ujeedooyin iyo qaab aanan doonayn inaan halkan hadda kaga hadlo. Laakiin aan hore u go’aansaday inaan ku shaqeeyo guddoomiye ku xigeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo aaan ku soo qabtay saddexdii doorasho ee ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland oo aynu ku gaadhnay guullo Alle loogu mahadiyo, caalamkana aynu kaga kasbanay magac-sami loogu noolaado oo aynu hananay qaybo waaweyn oo ka mid ah hadafkii himilada aynu hiigsanaynay ee aynu yoolkeena ku doonaynay inaynu ku dhisno Qaran ay saldhig u tahay A) Cadaalad iyo nabad, B), Xoriyatal Qawl iyo Qoraalba, C)Dawlad wanaag ku dhisan kuna dhalata tartan xalaal ah oo ay gallaan xisbiyo badani, D) dhisid hanaan umadeed oo si qotor dheer ugu xididaysta habka xisbiyo badan iyaga oo waafaqsan dhaqanka Diinta Islaamka iyo Anshaxa suuban ee Soomaaliyeed.


Haddaba Mudane Madaxweyne, aniga oo Koomishanka doorashooyinka Qaranka ka soo shaqeeyay muddo ah afar sanno iyo siddeed bilood una soo dhabar adaygay nooc kasta oo cadaadis, cay, cago juglayn iyo hanjabaad guulaha aan kor ku soo sheegnay aanu ku gaadhnay dulqaad ay maanta ii muuqatay:


A) Hay’adihii sharci dejinta Qaranka oo madaxa la isu geliyay (Baarlamaan),


B) Wada shaqayntii saddexda Waaxood oo ah fulinta, sharci dejinta iyo garoorka oo lagu bedelay xintan iyo is canaad,


C)Abuurid kooxo (gangs) ka dhex dhashay goleyaasha Qaranka, kuwaas oo ku salaysan gobolaysi, UDUB-aysi, KULMIYE-aysi, UCID-aysi iyo mararka qaarkood qabiilaysi. Arrimahaas oo dhaawac wayn gaadhsiiyay sumcadii iyo magac samidii jamhuuriyadda Somaliland. Haddii aan deg deg wax looga qabana keenaysa Qaran wiiqan iyo khalkhal siyaasadeed (Political Crisis).


Haddaba Mudane Madaxweyne, iyada oo uu dalkani soo maray dhibaatoyin waaweyn oo ku yimaada umadda taasi oo ay u gaysteen dadkii hoggaanka u hayay dawladda Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay Alle ha u naxariiste Janaral Maxamed Siyaad Barre oo lagu riday halgan hubaysan oo ay hoggaaminaysay Jabhadii SNM January 1991. Isla markiiba SNM, waxaanu go’aansay in dadka loo xalaaleeyo waxa ay doonayaan oo ah dib u soo celin madaxbanaanida goboladii Waqooyi ee lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland 17/05/1991, SNM-na ay goosatay inay tallada ku wareejiso dadweynaha Jamhuuriyada Somaliland labada sanno ee ugu horeeya ka dib (1991-1993), wakhtigaas oo uu Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal tallada qabtay Alle ha u naxariiste isaga oo aasaaska u sameeyay hanaanka dawladeed ee maanta ka jira Jamhuuriyadda Somaliland laakiin ay iigu muuqato in maanta laga tuurayo haadaan haddii aan laga badbaadin.


Haddaba Mudane Madaxweyne, waxaan kuu soo gudbinayaa is casilaadii uu xilka iigu magacaabay Alle ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, aniga oo jecel inaan noqdo siyaasi u hadli kara danaha umadiisa iyo tan wadanka Jamhuuriyadda Somaliland, aniga oo aan ahayn garoosre (Commisioner). Sidaas darteed waxaan kaa codsanayaa inaad iga aqbasho shaqo ka tegistan.


Source Geeska Afrika


No comments: