Saturday, September 09, 2006

Xafladdii Maanta oo Hadda ku soo geba-gabowday si xiiso leh

Maanta gelinkii dambe ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo shirka SOPRI noqday mid lagu lafa guro arrimaha siyaadda dib dhiska dalka, aqoonsiga iyo guud ahaan nabadgelyada Geeska Afrika saamaynta ay ku leedahay Somaliland.

Iyadoo Maalinta Axadda laga soo saari doono warbixin koobaysa dhammaan waxyaabaha laga hadlay ee shirka ka so baxay. Haddana waxa ugu xiiso badnaa arrimaha aqoonsiga oo la isku jiidhay.


Su'aasha ugu xiisaha badnayd waxay timi ka dib markii Marwo Edna Adan ay bixisay warbixin ku saabsan siday dibadaha ugu dhooofi jirtay gaar ahaan inay mararka qaarkood ay qurbo-jooggu yihiin kuwa dusha u rita diyaarinta shirarka iyo kharashyada hawlaha ay qabato.

Waxa ay dadka qaar is weydiiyeen lacagta miisaaniyadda loo qoondeeyey aqoonsigu inta ay le'egtahay. Waxase la isku qanciyay in ay Somaliland tahay dal faqiir ah isla markaana aan dhaqaale u hayn arrimo fara badan oo lagu xalliyo baahida dalka.

Prof. Iqabal Jhazbahi ayaa sheegay in aan lacag la isweydiin laakiin ay tahay in ay dadka ka timaaddo waxa ay dalkooda u qabanayaan. Taasina ay tahay mid ay muwaadinka ka go'antahay.

Magan Ibrahim

Washington, DC























No comments: