Friday, October 13, 2006

Argagaxiso: Xasan Turki Oo Marykanku Baadigoobayo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka 3 June 2004, oo uu soo saaray ku xigeenkii afhayeenka Aqalka Cad ee wakhtigaasi Ada Ereli, ayaa ka waramaysay xeer lam. 13224 oo lagu fulinayay Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki), laguna daray liiska argagixisada, qoraalkaasi ayaa u qornaa sidan:

“Xoghayaha dawlada Maraykanku Collin L Powell wuxuu manta amray in Xasan C/laahiXersi Al Turki, oo ah hogaamiyaha kooxda argagixisada Soomaalida ah ee Al Itxaad Al Islaamiya in lagu fuliyo xeerka uu tirsigiisu yahay 13224 ee maalgalinta argagixisada". Talaabadani waxay si toosa u xayiraysaa hatidiisa u taalla dalka Maraykanka xeerkan oo u fasaxay in xoghayaha dawladu uu go’aan ka gaadho shaqsiyada ajnabiga ah marka uu la tashi kala sameeyo xeer ilaaliyaha guud, wasiirka arrimaha maaliyadda iyo wasiirka amniga gudaha, marka qofka lagu fulinayo lagu helo falal argagixiso oo lid ku ah amaanka dalka Maraykanka.

Madaxweyne Bush wuxuu cadeeyay in Al Itaxaad Al Istlaamiya inay qayb ka tahay xeerkii argagixisada ee uu hore u soo saaray ee tirsigiisu ahaa 13224.Xasan C/laahi Xirsi oo loo yaqaano Xasan Turki wuxuu xidhiidh la leeyahay Al Qaacida waxaanu taageero siyaa falalka argagixisada.Sababahaa awgeed ayuu qaraarka manta uga soo saaray xoghayaha arrimaha dibada ee Maryakanku, sababtoo ah Xasan ?Turki wuxuu xidhiidh la leeyahay Al Qaacida.Manta waxay dawlada Maraykanku weydiisanaysa in qaramada midoobay ay ku darto liiska raga ay saran tahay xayiraada ku xusan xeerka 1267 iyo 1526, gaar ahaan xayiraada dhinaca hubka iyo safarada, gaar ahaan in la xayiro dhammaan hantidiisa, iyo dhammaan ilihiisa dhaqaale, oo wadamada qaramada midoobay ku jiraana ay mamnuucaan in cid ka tirsan dalalkoodu ay u suurogaliyaan inuu helo dhaqaale iyo hanti kale.

Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) wuxuu ka tirsan yahay midawga maxkadamaha Islaamiga ah ee Muqdisho, dhawaan mar uu ka hadlay kismaayana wuxuu sheegay inay maxkadamadaha Muqdisho qorshaha ugu jirto inay weeraraan Somaliland, waxaanu qirtay in ay gadood siiyeen oo ay dagaaladooda ku jiraan dagaalyahano aan Soomaali ahayn oo u dhashay dalal shisheeye.Xasan C/laahi Xirsi (Xasan turki) wuxuu ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidamada mallatarigii ee kaligii taliyihii Siyaad Bare.

No comments: