Friday, October 13, 2006

SHEEKH XASAN AL-TURKI OO DAD KU LAAYEY HARASHEEKH 1989

Shiikh Hassan Al-turki oo ku laayey dadbadan Harashiikh sanadku markuu ahaa 1989.Dadkanu waxay ahayeen dadkii ka qaxay dagaalkii dhexmaray Ururkii SNM iyo Ciidamadii keligii taliyihii Siyad Bare. Dadkan oo u badnaa Caruur, Dumar iyo dad aad u waaweyn.

Nasiibdaro markii kutadii uu watay ninka hada isgu sheegay Shiikha ee layidhaahdo Hassan Al-turki ay soo galeen Harashiikh waxay bilaabeen in ayna ukala aaba yeelin dadkii ee markiiba dadkii magaalada joogay in teey qabqabteen ayey laayaan.

Markan aan warqadan qorayo waxa ila fadhiya dadkii uu dadkooda ku laayey Harashiikh 1989. Dadkan uu dadkooda laayey waxay layaaban yihiin sida uu gacan ku dheegle uu u yidhaahdo dadkii aan laayey intii ka soo hadhay ayaan u soo gashanayaa shaadhkale oo aan doonayaa in aan xukumo dadbadeendna si ay u suurogasho in aan laayo intii soo hadhay. Dadkan uu dadkoodii laayey waxay leeyihiin waa waajib in isaga iyo kuwa kale ee lamidkaa sida Moorgan maxakabad sharci ah la soo taagaa abaalkoodana lamariyaa oo laga gooyaa dadkii masaakiinta ahaa ee ay u laayeen sida naxariistarada ahayd.

Shiikh Xassan Al-turki oo xidhxidhay culamadii Cadaadlay 1984

1984 Shiikh xassan Al-turki wuxuu xidhxidhay wadaadadii reer Cadaadlay markii ay is yidhaahdeen dhiga mawlatanibigii sidii ay caadiga u ahayn jirtay ee sanadwalba u dhigijireen. Waxa hadaba nasiibdaro ah waxa laga naxana ah ninka waxaas oo dhan sameeyey ee maanta iska dhigaya nin wadaad ah oo u naxaya umada. Sidee buu ninkii mushaakilka dhigay uu u odhankaraa waxaan ahay xalkii mushkaladaan dhigay. Tan macnaheedu waxa weeye riwaayad baan jilayaa uu madana wuxuu u haystaa dad aan waxba fahmayn oo kolba sidii laga doono loola dhaqmo.

Hadaba waxa jirta oo soo ifbaxday in askartii ka hadhay Siyaad Bare ay soo gashadaan shaadh kale si ay u indhasarcaan umada.

Shaadhka ay gashanayaan oo ah iyaga oo iska dhigaya wadaado uu ku soogabanaya diinta Islaamka. Tan macnaheedu waxa weeye riwaayad ayey jilayaan waxay ogaadeen wax kakiyah ee xukunkii kula soo noqonkaraan waa iyaga oo wadaado iska dhiga oo umada khalda. Markaa waxaan u sheeganaa umada reer Somaliland in ay iska ilaaliyaan la dhaqanka dadka raacsan kuwan wadaada isku sheegaya ee ka jira Somalia.

Nimankan wadaada isku sheegayaa waxay doonayaan in ay dib u qabsadaan wadankiinii aad u soo hurteen naftiin iyo maalkiinba. Reer Somaliland ilaaliya wadankiin oo ka ilaaliya kuwa isku sheegaya wadaada ee doonaya in ay dinlaayaan markay u suurta gasho ee xukunka dib u la soo noqdaan. Yaan diinta laydiin soo marin oo laydinku khaldin.

Ogaada kuwa wadaada isku sheegayaa waa Askartii Siyad Bare waa kuwii sidanaxariistarada ahayd inii gumaadijiray dadkiinoo nool aasijiray. Sidaad ogtihiinNinka isku sheegay shiikh xassan Al-turki iyo ninka ka sareeyaa ee isna isku sheegay shiikh oo ah xassan Daahir Aweys iyo qaarkaloo badaniba waa Askartii Siyad Bare.

Haday wadaado yihiin waxay noqon lahaayeen intii ayna noqon gacan ku dhiiglayaal. Nin hadii uu seexdo oo uu soo tooso waakii uun ismuubedelin. Markaa Askartii Siyad waa ku wii uun.

Sh. Xassan Al-turki oo yidhi Somaliland daadka qaadayoo waan qabsanyaa. Shiikh Maxamed Ismaacil xoog baan ku soo daynayaa.

Sh. Xassan Al-tukri wuxuu ahaa qaxoondigii uu Siyad Bare soodajiyey Magaalooyinka Somaliland si ay u badelaan dadka ku nool Somaliland. Qaxoontiga markii uu soo dajinayey Siyad Bare Somaliland wax uu rabay in ay noqdaan khaasatan ragu askar uu kula dagaalamo dadka degin Somaliland.

Sida lawada ogyahay qaxoontigii waxay noqdaan askar sida Sh. Xassan Al-turki waxayna bilaabeen in ay laayaan dadkii deegaan ahaa oo ay xasuuq xun ay u geeysteen. Qaxoontiga markii laga keenayey dhulkooda waxa lagu yidhi dhul baan idiin haynaa aan ka tirtirayno dadkii deganaa. Qaxoontiga waxay u soo ogalaadeen in ay yimaadaan Somaliland waxa lagu yidhi Somaliland ayaanu idin siineeynaa ee laaya dadka iminka ku dhaqan. Waxa lagu yidhi nin walba guri ayaa la siinayaa marka dadkaa waxna la laayo waxna qaxaan.
Markaa Sh.
Xassan Al-tukri dadkii loo keenay in ay yeeshaan Somaliland markaa markii hore way suurta geliwayday markii labaad ayuu doonayaa in uu isku taxalu jiyo sidii uu u qabsanlahaa Somaliland.

Laakiin sh. Xassan waxa uu ilaawayaa kuwii markii hore kuu cararsiiyey sidii Cabdi Bele ayaa jooga Somaliland oo waliba siinaaxay. Waxaan filayaa in aad u baahantahay in aad soo noqotid si laguugu xidho Jeelka Hargeysa. Al-tukri, tan macneedu waxa weeye hadaad soo fara geliso Somaliland in aan kumarin waajibkaaga oo kugu soo hidhi doono jeelka Hargeysa si maxakabad sharci ah laguula beeksado. Adiga iyo Moorganba iyo kuwa kale ee farabadan ee laayey dadkayagii.

Aduunyadana waanu u sheeganaa in aad tahay gacan ku dheegle. Sh. Xassan Al-turki, Waxaad cadeeysay in uu sh. Maxamed Ismaacil ahaa nin meesha idiin joogay afkaaga ayaa ku cadeeysay markaa dawlada Somaliland iyo dad reer Somalilandba waxaanu ku adkeenanaa in ay aad u ilaaliyaan wadankooda waayo waxa jooga qaarbadan oo ah sh. Maxamed Ismaaciil. Waxaan ciidamada abniga faranaa in aad feekjignataan oo cadawga wadanka jooga qabqabataan iyo kuwa ay ku shaqaystaanba. Sh. Xassan Al-tukri, bal intaad leedahay sh. Maxamed Ismaaciil baan soo daynaa yaan adiga lagugu dhinac xidhin. Adigaba sidaa sh. Maxamed Ismaaciil ayey Somaliland ku deedayeysaa maxaa yeelay gacan gudhiiglaa tahay dadkii reer Somaliland laayey.

Kelmada UCID ee Shiikh Xassan Tukri iyo Maxaakiintaba

Waxaad tidhi Somaliland daadbaa qaaday waanu qabsananaa. Tani waxay ka dhigantahay habartii xaabadii ay soo guratay lagicgariwayday ee dabadeed tidhi xaabakale iigu soo kordhiya. Somaliland waxaad qabsankariwayday markii aad ciidanka ku dhexhaysatay macadalaa waa adiga oo manta debada ka jooga. Adiga bushaaro ayaan kuu haynaa jeelkii Hargaysa ayaa ku sugaya in lagugu soo xidho. Caalamkana waanu u sheeganaa in aad gacan ku dheegle tahay. Maxakabad sharci ahna waanu kukeeni marka alla raali ka noqdo (Insha’allaa). Umada reer Somaliland way ogtahay in aad ka mid ahayd guutadii la magac baxday Dabargoynta Isaaqa. Maxaakiinta waxaanu leenahay dadka reer Somaliland wadankood way idinka difaaci hadaad faraha soo gelisaan derisna way idinsiin.

Somaliland ma’aha meel nabadxumo taalo oo u baahan in nabada lagu sooceliyo sida Xamar. Somaliland way isdifaacasaa dadka reer Somaliland waa diyaar waxba dhulka nagama yaalaan.


Kelmada UCID ee dawlada Somaliland

Dawlada Somaliland waxaan u sheeganaa in markii wadanka haysteen maamuladii ka horeeyey ayna kudhici karijirin in ay soo hawaystaan amba in ay isku dayaan in faragelin ku sameeyaan Somaliland dadka ah sida Cabdillahi Yusuf, Cademuse, Askarta wadaada isgu sheegtay sida gacan ku dheegle Xassan Al-turki, Xassan Daahir Aweys iyo kuwa kale la midka ah. Waxa ka siidaran in ay iminka soo shaacbaxday in dhalinyaro badan laga ururiyey lixda gobal ee ay Somaliland ka goobantahay laguna soo tababarayo xamar si ay uga dhex toosaan Somaliland tan oo ah riyada nimanka isku sheegay wadaadada. Waxa tan ka sii daran intii maamulkiinu haystay Somaliland in musuqmaasaqii, cadaalad daradii, saboolnimadii, isdhicii, biyo la’aanta, iyo sharciga wadanka u yaalo oo aad baalmarteen ay wadanka si xun uga jiraan maalinba maalinta ka danbaysa wax yaabahanu ku soo kordhayaan wadanka. Tani waa ta Maxaakiinta dhiirigelisay in ay Somaliland soo farageliyaan maxaa yeelay dadkii reer Somaliland ayaa dhulka ku dhufateen oo aad ku baabi’iseen musuqmaasaq, cadaaladaro iyo wax qabad la’aan.

Cabdillahi Yusuf ayaa wadankii badh siiseen. Cademusena waxa uu ku tala jiraa in uu intiikale qabsado isagoo awood lahayn. Hadaba dawladyey waxaanu idin leenahay tani mashaqaynayso oo waxa keliya oo iidiin hadhay waa dadka shicibka reer Somaliland oo idinku gadooda taas waa dhamaadkii maamulkiina.

Waxaanu idiin sheegaynaa si dhakhso ah waa in aad ciidanka u siisaan awood uu ku soo xidho xuduudada Somaliland ee bari inta ayna wadaadadu soo gaadhin majeerteeniya. Hadii aad tan samayn waydaan Xusbiga UCID go’aan adag ayaanu idinka kaadhanaa oo aad u qadhaadh oo aan hore la noogabaran. Meel cad ayaanu iska taaganaa maamulkiina.

Uma adkeeysanano in uu wadanku dumo oo shisheeye qabsado.

Kelmada UCID ee reer Somaliland

Dadka reer Somaliland waxaad tihiin dad aad u fiican u soo halgamay wadankooda sidii ay uga dhicin lahaayeen cadawgii haystay. Iminkana sidii aad uga dhiciseen cadawgii Siyad Bare uga ilaaliya in uu qabsado cadawkale sida Askarta wadaada isku sheegtay, Cabdilllahi Yusuf iyo kuwa kale ee la midkaa. Yaan diinta laydinku khaldin oo wixii lixdankii inagu dhacay marlabaad inagu dhicin. Lixdankii muxubi Somaliweyn ayaa inagu dhacay dabadeedna dawladeenii aynu Xamar geeynay. Maanta tiiyoo kale ayaa laydin la raadinayaa ee ogaada oo yaan diinta lay dinku soo gaban. Kuwa doonaya in ay diin idinku qabsadaan waa Askartii Siyad Bar ee idin laynjirtay. Wadankiin ilaashada oo u diyaargarooba difaac dalkiin.

Kayse Cali Geedi

Gudoomiyaha Noorat Ameerika ee UCID

(UCID chairman of North America)

Allaa Mahad Leh

No comments: