Thursday, October 19, 2006

Bogsanmaayo Jeero

Gabaygan magaciisa waxa la yidhaa Bogsanmaayo Jeero.Waxanu soo baxay Bishan Oktoobar 15-dii, 2006. Cidda hadlaysa aniga ma aha ee waa Somaliland oo ubadkeedii, wadaadkeedii, waranlaheegii, cirrolaheegii, caruurteedii, Siyaasigeedii, aqoonyahankeegii, ardaydeedii, xukuumadeeddii oo ta meesha salaaduba ka xidhmi laadahay ah ee shakaladu ka dacsayaan, taayiraduna ka banjarsanyihiin, ee bitroolku ka habayo, ee injiinku ka haskadaynayo, ee woxoo dhan marka la isku wada daro ee la isku wada duuduubo ugu darani waa dawladda. Aan garina gali, garina ka bixin. Wadana galin, wadana ka bixin. Ee ardufan. ee al malaaska ah.Ee indhaha, dhagaha iyo qalbigaba ka dem ah ee intii wax malaysay, ama wax maqlaysay ama wax arkaysay ama wax dareemasayna la colka ah een wax loo sheegona aan qaadan waxna handisi karin. Tamar darro iyo diciifnimo awgeed waa ta maanta kuwii mooryaanta shalay Xamar ka ahaa ay noo bootaynayaan.

Waxa kaloo jiraa Wadaado kitaabkoodii u uray oo kitaabka lagu akhristo Somaliland u haysta mid macmal ah oo ay Somaliland samaysatay. Kitaabka Xamar, Balcad, Jowhar, Kismaayo, Baldweyn, Baardheere iyo Guri Ceel iyo meelo kaloo badanna u haysta inuu yahay kitaabkii Saxaabigii waynaa Allah ha ka raali ahaadee Cusmaan Bin Cafaan, isku gayntiisa amray waqtigii u ahaa Amiral mu'miiniin ee lagu xuso Musxaf Ashariif "bi-khadi rasmi cuthmaaniyi' uu isku soo uruurshay inuu yahay.


Waa nimanka caqligoodu siiyay kuwii dabargoyntooda u dalacay ee weliba kusii dalacay inay maanta u rixiyaan oo ay daba dhaqaaqan. Neefka xoolaha ah yaaba ilaa caws yar ama woxogaa buushi ah ama biyo walax guunteed ku jira ilaa la hor qaado aan yeelin inuu ciduun iska daba galo. Waaba qof dhan oo Bin Aadmi ah, oo Eebbe maskax iyo garasho qoto dheer ku manaystay. Xataa waxa ka soo dhago weyn inay dadkooda iyo dalkoodaba dhabarka u jeediyaan kana dhex toosaan iyagoo u adeegayaa cadow oo miyaydaan arag kuwa Allow dumi ku soo qora mareegaha? Xataa reer "Buglaan" way ka xishoodeen inay eraygaa adeegsadaan. Sow ma aragtaan halkay kala taaganyihiin iyo intay isku jiraan cadaawadda qalbigooda xanxantaynaysa?
Maxay wargeyska u gubeen bay idinla tahay? Waa wargeyska kaliya ee wargeysyada Somaliland ka soo baxa wadaada Somalia (Gunti-Buurta-Maxaakiimta), lafaguray ee si geesinimo iyo wadaninimoba ku dheehantahay uga hadla wixii kolba jira ee markaa taagan.


S: Maxaa hadda u geeyay ee ay ku qoonsadeen?


J: Wadaada Somalia inay boqolaal dhalin yaro ah oo reer Somaliland ah lagu soo tababaryo Muqdisho [ iyo meelo kale oo dahsoon] ayuu qoray wargeysku. Waana run oo way jirtaa arrintaasi. Waxana caddaynayaa qaraarka ka soo baxay golaha isbahasysiga gaashaan buurta ku qadhaabata Kitaabka Allah, ee hadba magac la soo baxa sidii oo ay ku filnaan wayday: Amanaa billaahi wa rasuuluh wa naxnu mu'minuun.


Waxana lagu talo jiraa si tartiibtartiib ah oo aan la dareemin loo soo galiyo gudaha Somaliland. Inta hawlahaasi dhinac u dhacyaan afhayeenka maxaakiimtu waa "Sheikh" Shariif e u yidhaa: "Somaliland waa walaalahayo dhib lama rabno. Balse inaan cadowga meel uga soo wada jeedsano ayaan rabnaa".Hoostana arrimhii qalqaalada iyo ka dhex tooska laga ababulo.Sidii Kismaayo iyo baldweynba ka dhacday.Haddaan edab loo yeelin inta goori goor tahay, way ka dhex toosanyaan. Waa hubaal midhkaasi. Rumayso ama ha rumaysan. Dadkaygu dhoohanaa ma dhagweynbaa. Oo jeeroo dhegta dhiiga loo daro miyaanay wax garan. Siday yihiin? Anigu kolay nimaan ahay kuwan ciilkooga inaan u dhinto ma laga yaaba? Bal dad kii shalay dabar goyntooda iyo dun go'da ku taamayay ayay weli daba socdaan oo ay walaalan nahayda meelahaa ka leeyihiin. Oo shalay markuu ku tumayay ee u ku rukaasayay ee xataa markuu kaa daalay caddaankii Koonfur Afrika kuu soo kiraystay miyaanu ahayn, kan aad leedihiin walaalaalnu nahay? Muxuu se isagu u garan waayay inaad walaalo tihiin? Walaatinimadu ma xagiinnu bay ka soctaa?


Kuweena innagu dhex jiraa kun jeerbay ka khatarsanyihiin Cabdillaahi Yuusuf iyo baasaanboydiisa cagaagan ee aradan ee gaajaysan. Kuweeno waa niman nastay oo cayilay oo tunka dibida yeeshay oo meel ay musaaracada ku taba bartaan raadinaya. Magaalo wal oo Somaliand ka mid ahna way joogaan. Waa ubadkeenii, waa inamadeenii, balse waa la innoogga hor maray, intaynu qaad ruugaynay!!! Maskaxdaa inta laga maydhay wixii horee ku jiree, laga shubay ee laga dhaqdhaqay ayaa dib loogu qabtay suxuun cajaa'ib ah oo aydaan malaysan karin. Sidaa waxa samayn jiray KGB-dii Ruushka waqtigii dagaalka qaboobi jiray.Arrintani waa dhab, balse dadkeenu indhahay ka laliyaan sidii waxaan jirin ama ay riyo tahay oo ay iska dhammaan doonto !!!. Hadda bal eega waxay soo wadaan haddaan dadweynuhu ka hor tagin.


Markaa Somaliland oo cabashadeedii, cataabkeedii, cabaadkeedii, calooyowkeedii, ciflaynteedii, cabudhkeedii, cifcifteedii iyo qaar kaloo badan aan khad, warqad iyo waqti loo wada helaynin waa kuwane, akhris wacan. Balse dhuuxis iyo dhadhansasho fiiro badani ku la dhantahay, kuna dheehantahay ayaa la idiinka fadhiyaa.


Bal Riyaaliyo buguxiiso ha iiba danbeeyaane

Col baadiyasanbaan arkoo haatan soo baraarugay e

Bal xaggee bay jireen goortii la is gale la isku baalbaalay


Ee bilaawaha iyo magligiyo baaruudda la isku ayshaaday

Barbaartii waa kuwaa bahdilee gubay wargeyskiiye

Bansiiniyo waxay la roorayaan bowsi meel madhane


Bararaftii Turkiyo la dhugay been ku sheekh laha e

Bin Bililiqiyo Indha Cadday Bilaal Bin Ribaax uba maleeyeene!!!

Bin Mooryaan iyo waxay magansadeen Beer-laxawsyada e


Waa kuwii Birjeex iyo labaxay Boqonna goystiiye

Waa kuwii Boqolsoon iyo haligay culimo baaxuure

Baaraxbaabay u wada baxeen ubaaxii laandkiiye


Baaqyay iiga soo direen balad idaylkiiye

Bigil baa loo afuufiyo bararaf shaydaane

Banaadir iyo waxay eegayaan Balcaddii hore e


Bartay joogaan uma muuqatiyo nabad bisaylkeede

Ma waxyaa ka soo burqaday baladka maansheeya!

Bal maxay ka sii eegayaan bixiso waa yaabe?


Bogsanmaayo intay iga mid yihiin kuwaas leh beerka xuushada e

Bogsanmaayo intay daba baqoolayaan kii haraatiyay e

Bogsanmaayo intay arrin nin kale daba bagaafaane


Afartaa baddo guuxday iyo badayskii qodhac dheer dhe!

Afar kalena waa bugaanbugiyo bigilo aan baano

Afar kalena waa biriijka maansadoon soo balaysimaye


Bogsanmaayo intay biyo nin kale shushubi dhacarsanaayaane

Bogsanmaayo intay buul nin kale u rixinayaane

Bogsanmaayo intay guurti biiqday soo hataatuqine


Bogsanmaayo jeeroo buugiyo la saxo musuq ragaadkiise

Bogsanmaayo jeeroo balwad iyo la naco qaadkan lagu waashay

Bogsanmaayo jeero bawaar iyo la naco dhuuni raacyada e


Bogsanmaayo jeeroo laga haamo kuwan bowdka iibsadaye

Bogsanmaayo jeeroo la saro arrimihii baydhsanaan jiraye

Bogsanmaayo intay baloodh iyo aqaar maanka ku hayaane


Bogsanmaayo intay laba boglaynayaan kuwii la soo xulaye

Bogsanmaayo intuu Jawaan bahday meeday leeyahaye

Bogsanmaayo intay bayt nin kale hoos hadhsanayaane


Bogsanmaayo is qabsiyo jeero la naco biidhi qaataha e

Bogsanmaayo intay baylahi muuqatee laga aguugaayo

Bogsanmaayo intay baaba'sanyihiin kuwii guusha noo sidaye


Afartaa baddo guuxday iyo badayskii qodhac dheer dhe!

Afar kalena waa bugaanbugiyo bigilo aan baano

Afar kalena waa biriijka maansadoon soo balaysimaye

Afar kalena waa beertoo ii baxdiyo barwaaqo hadalkay dhe


Bogsanmaayo intay balan iyo wacadkaba sii gambiyayaane

Bogsanmaayo intay badhifuraayaan distoorkii jiilanaan jiraye

Bogsanmaayo intay borobagaandaha nin kale hoos dhuganayaane


Bogsanmaayo jeeroo idaacadiyo la helo baafiyoo kale e

Bogsanmaayo jeeroo bugaanbugtiyo le helo laliye baaxuure

Bogsanmaayo jeeroo madihii la sugo halkuu beri ahaan jiraye


Bogsanmaayo jeeroo Buglaan marin la qaadsiiyo

Bogsanmaayo jeeroo badhkayga maqan soo dhacsado maanta

Bogsanmaayo jeeroo Bilan soo dhacshoon muujo tamartayda


Bogsanmaayo jeeroo Bu'aysane ka dhigo marin xadhaadhoobay

Bogsanmaayo dalkay giddi dhammaan anoon baalka waada saartin

Bogsanmaayo jeeroo bari iyo galbeed meersho madahayga


Bogsanmaayo jeeroo bad iyo barriba haykalku islaaxo

Bogsanmaayo jeeroo nacabku ka jabo liilka bawdada e

Bogsanmaayo jeeroon gar eexo iyo gardarro beerka kala gooyo


Afartaa baddo guuxday iyo badayskii qodhac dheer dhe!

Afar kalena waa bugaanbugiyo bigilo aan baano

Afar kalena waa biriijka maansadoon soo balaysimaye


Bogsanmaayo jeeroon dulmane xaqiis bixiyo oo samuhu daahiro e

Bogsanmaayo intaan beertaan tabacaday cidi ku taamayso

Bogsanmaayo jeeroon buraashadda u biyaystoo meel aan garanaayo


Afartaa baddo guuxday iyo Banfas geddiisii dhe!

Afar kalena waa bugaanbugiyo bigilo aan baano

Afar kalena waa biriijka maansadoon soo balaysimaye

Afar kalena waa beertoo ii baxdiyo barwaaqo hadalkaye


Maqalloocshiyo bahdaa fariin baacsaniyo taar u dirayaaye

Waa bishaaro dabayluhu wadaan iyo saxal baxeeniiye

Baladkii Hargeysiyo hadduu ka bilig yidhi waqal diraac hooray


Ooy barad iyo hilaac waa lama huraane dagalka baabiinin

Asuu maansheeyay beelihii Maroodi jeex baaraxa u yiilay

Budulkiyo boodhkiyo intii shuxlee biqil ragaadsiiyay


Iyo intii bahal halaq jibaaxduu burxaan bixine

Waa barkhad Alloo bakteeriyay idinka dilaysaaye

Markuu baraf dhalaalana waa biyo durduuriyo nimco siyaada ahe


Ba'nay inaad tidhaahdaan idinkuma banaanayne

Waa la idin bilkeedinaayee khayr basiid dhaha e

Bisinkuna waa tawasulka Eebbee yay bishimihiin daynin


DHAMMAAD


Mohamoud H Nugidoon


Ottawa, Canada

No comments: