Thursday, October 19, 2006

Gef Iyo Gadood Waxa Tiriyey Ibrahim Hassan Gaagale

Gabay: Gef iyo Gadood

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Gef iyo Gadood, waxaanu ka koobanyahay 114 beyd. Gabayga waxaa sannadkii 1992 curiyey Ibrahim Hassan Gaagaale. Gabaygu waxa uu ka hadlayaa af-gembigii uu Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969 iyo ballan-furkii, qabyaaladii iyo dulmigii uu ku kacay. Waxaa kale oo gabaygu ka hadlayaa dembiyadii cuslaa ee uu Taliskii Siyaad Barre ka galay dadka Isaaqa intii u dhaxaysay 1982-1990 iyo Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM iyo shacabka Somaliland la galay Taliskaas laguna riday xukunkii Siyaad Barre sannadkii 1991. Gabaygu waxaa uu ugu dambaynta uga digayaa ummadda Somaliland inay mar kale dawladnimadooda si fudud ugu loogaan Somalia.

Nabad weyn dhulko lagu gam`oo, loona kala goosho Naxariista Eebboo godlano, doogga lagu guuro Gasiinkoo raqiisiyo dharkaad, gadan midkaad dooni Oo doorashada guud jirtoo, gole la soo doorto

Siyaad gudaya oo goob kastaba, goosan ku horgooyay Gar-maqaate waa tuu qabsaday, goor habeen badhahe Barlamaanki waatu gembiyey, oo dastuur gabaye Guddiyada watu nagu xukumay, goostay taladiiye


Watu yidhi god dheeriyo qarbaan, idinka soo gaadhay Dadweynuhu u guuxee waxbadan, ubax guddoonsiiyay Shacabku godlanayee darxumo, muu gilgilaneyne Keli-taliye gooduu ahaa, raadka gadanaayay

Siyaad wacadki geesbuu ka maray, oo qabiil guraye Aqoon iyo intii garad lahayd, gees ayuu daraye Suldaaniyo garaadiyo ergada, waanshey garanwaaye Gujee talada boqorada garnaqa, garawna siin waaye

Gar-maqaate waa lagu yaqaan, talo gar-diidkaase Garboweynta duulbaa ka riday, uu tol guud bidaye Bixisadu ninkay goobaysaa, daawo garanwaaye Gacan-saydhka taladu ku dilay, gebi bal aan sheego

Garawsaa la yidhi dawladnimo, waw gudboonahaye
Gobollada u daa baa la yidhi, maamulka u gaara Beelaha gudboon baa la yidhi, garab ha siin taada Haw gefin awoodaa la yidhi, godobna yey keenin

Geeljiraha ka daabaa la yidhi, jago gef loo siiyo Nimaan geyin ka daabaa la yidhi, darajo guudkiisa Gunno maal hasiin baa la yidhi, gelin nimaan xoogsan Guubaabo daabaa la yidhi, faanka iyo giirka

Haw adeegsan gaasbaa la yidhi, beeshad garanweydo Gawraca ka daabaa la yidhi, geesi kula dooda Go`e nolosha dhaaf baa la yidhi, yaanay gaagixine Geyigaba ka daabaa la yidhi, guri colaadeedka

Haw adeegsan gaasbaa la yidhi, beeshad garanweydo Gawraca ka daabaa la yidhi, geesi kula dooda Go`e nolosha dhaaf baa la yidhi, yaanay gaagixine Geyigaba ka daabaa la yidhi, guri colaadeedka

Aayihii markuu madaw galee, xaalku halis gaadhay Taladiina midho ay gabtee, waano gamashaysay Garbay noqotay in markaas halgan, guuda lagu qaado Oo SNM gaashaandhigiyo, gaasas la alooso

Qori caaradiis wuu gayee, gulufka uu eedo Guuraha habeenkii la gudo, foore iyo geydhe Gudguduudka waaberi la galo, cadaw gariiraaya Gaadmada uu geesigu ku liqo, gaasas iyo guuto

Dulmigii ku gaammuray Isaaq, ciilki lagu gaaxshay Gebogebo dalkii laga geshiyo, maato lagu goobtay Gadoodku ka dhigay tacadigii, cadawgi uu gooyay Guulbaa Ilaah nagu galladay, oo nasii garabe

Geeshkii markii uu jabee, qaybo laga gooyay Oo Taliski gondihii u dhacay, oo rafaday gawrac Sanku neefle wixii Geeska yiil, soo gur nacabkiiye Galaayuus qaxootigi hubee, uuman kala gaara

Guullow magaaliyo miyiba, dhiillo wada gaadhay Gudahaa Hargeysiyo Burciyo, Gebiley guudkeeda Galladweyn Berbera waa naftee, gacaladii Shiikha Ceerigaabo dhinacaa Gar`adag, Daalo garabkeeda

Balli-Gubadle Dhagaxdheeriyo, guriga Oodweyne Arabsiyo gudaha Caynabiyo, goobta Balli-dhiiga Qorulugud Waraabeeye gudub, Sallaxley geesteeda Lug-hayada galbeedkaas jirtiyo, Saylac gudaheeda

Geyigaas hubkii lagu galee, guuxu damiwaayey Ama raxan gantaalaha riddaa, guudka kaga tuurtay Daaraha gawaan lala simee, ee madfacu goostay Gummaadkii carruurtiyo ku dhacay, hooyo garab joogtay

Gawrac wadara inta goor gudcura, xawda laga gooyay Godad weyn dadkii lagu guree, guudka laga duugay Kontankii Gasiiriyo la dhigay, Koonfur gudaheeda Hablihii gayaankooda sugi, guun hawada maagay

Guunyo maal wixii layska dhacay, dahab guduudleyda Xoolaha garnayl lala dhiciyo, gumuca baaruudda Gurgurshaaga miinadu la kici, geeddi-gibilweynta Berkadaha gingimane garaac, hoobiyuhu goostay

Sooyaal Isaaqoo geyiga, Geeska lagu uumay Dhulka duulki hawadood gashaday, goostay lihidiisa Garaadkoodu badh ku gawrac yidhi, badhna gawaan-raaci Ee gobolba reer siiyayee, beenti lagu guuray

Maatadii geyiga barakacdee, gaajo la hulleeshay Ee derisku guuraha gasiin, nabad geshee siiyay Giddigood waxmay galabsaniyo, godob la eedaaye Abtirsiimo baa lagu galoo, maanku garanwaaye

Taangiyada gurguurtiyo ma dumay, gaasas daba jooga Madaafiicda goobtana duqayn, cadaw ma sii gaabshay Guutoweyn gantaalaha riddaa, siigo gamid tuurtay Geerida dhul waa loo huraa, galaw miyuu qayshay

Miig wixii gorfaha laga dhigee, saamku kala gooyay Wixii taangi suuqyada la gubay, ama hub gaashaaman Gaadhiyada wixii laga gediyay, ee gurmad u roori Meydkoodu wuxuu geylanaa , goob kasta Waqooyi

Nabsigay galeen baa gondaha, gaadhayo dilaye Qaranbaa qabiil uga gedmee, gaag ma laga reebay Jananadu gadaal maw gurteen, goloslahee dhuuntay Korneeladu gudaha maw galeen, guri sariir taalla

Duul haduu kibroo oo geyiga, ganafka uu taago Diintiyo hadday gees-maraan, Guulle sidu sheegay Dagaalba dulmiga lagu gubaa, diriri waa guule Ka hulleeshay giddi dooxatadii, oo habeen guda`e

Afrikada gumaad baa ka dhacay, maato garab beeshay Gobonimo shucuubtii dhashee, Yurub ka guuraysay Giddigood hungay kala kulmeen, guuldarriyo ciile Goblamooyin diirkood lehbaa, loogu daw galaye

Qalalaaso Qaaradaa gashee, ciirtay gebigeedba Dagaallada sokeeyuhu gubeen, qoysku kala guuray Ee qaxootiyadu goohayaan, diiftu wada gaadhay Somaliduba eed kala geshiyo, gawrac wadareede

Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay Geedigu hayaan koonfur degay, garabsi uu doonay Soddon guuradii kala tagtoo, kala go`doo maagtay Kala guradka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye


Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay Gummaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay Bendaradi garbaha uu u dhigay, geeshki lagu hoogay

Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha (Dhammaad)

No comments: