Friday, October 27, 2006

Culimada Reer Awdal oo Maxkamadaha uga digay faro gelinta Somaliland

Hashim Goth, ANN =

BOORAMA, 26 Oct. 2006--Culimaaudiinka reer Awdal ayaa maanta Maxaakiimta Muqdisho uga digay in ay soo farogeliyaan Somaliland iyaga oo Islaamka ay foodsaarka ka soo dhiganayaan ku tilmaamay “Eray xaq ah oo baadil lagu doonayo.”

Shir bladhaan oo ay ku qabteen Hotelka RAYS, ayey kaga hadleen mawqofkooda ku aadan, hadalada mudooyinkan dambe ka soo baxayay Maxaakiimta Islaamka ee Koonfurta Somaliya Gobolada.

Shirka waxa furay Iskuduwaha Diinta iyo Awqaafta ee G/Awdal Sh.Xaamud Nadiif Axmed oo sheegay in culimadu ayidsantahay gooni isku taaga Somaliland, wax kasta oo ka horyimaadana ka horjeedaan, ayna diyaar u yihiin in ay ilaashadaan nabadda iyo dawladnimada ku timid dadaalka badan.

Waxa isna ka hadlay Sh,Maxamed Siciid Saaweer oo ka tirsan Culimada Boorama ka caanka ah, wuxuuna sheegay in dastuurka Somaliland ku dhisan yahay shareecada Islaamka oo aanay u baahnayn cid kale oo u sheegta sida diinta loogu dhaqmo.

“Anigu waxaan ahay Imaam isla markaana garsoore ayaa ka ahay Maxkamada Boorama, waxaan ku shaqaynaa oo aan wax ku xukunaa waa Shareecada Islaamka, haddaba maxaa la inoo keenayaa?,” ayuu yidhi.

“ Islaamku wuu ka soo horjeedaa fadqalalada wuxuuna oggol yahay kala dambaynta iyo nidaamka, Ilaahayna marka uu leeyahay Jannada gala wuxuu yidhaa nabadgelyo ku gala, Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha, dastuurka loo codeeyayna mar haddii uu waafaqsan yahay Islaamka waa in aan ilaashanaa.

“Kitaabku waa ka aan imikaba ku socono, Islaamnimaduna waa ta aan ku dhaqano, waana iimaanka ee wax khasab la ahi ma jiro(Laa Ikraaha Fi Diin) waa aayad quraan ah, qofka imanaya masaajidka afarta aroornimo waxa keenayaa waa ikhtiyaar iyo iimaanka ee khasab kuma yimaadeen,” ayuu yidhi Sheekh Saaweer.

Waxa Isna ka hadlay Sh.Maxamuud Cateeye, Imaamka Masjidka Geed Goble, wuxu yidhi: “Qolyaha Koonfurtana waxaan leehay culimo waan leenahay, dawlad maxkamado lehna waan haysanaa oo sharcigu shaqeeyo ee fawdo uma baahnin, ha na soo fara gelinina Somaliland, waanan iska difaacaynaa wixii na soo weerara gudaha iyo dibadaba.”

Ugu dambayna waxaa hadal kulul soo jeediyay Sh.Maxamuud Xoogbadane oo ah nin Caalim ku ah Diinta Islaamka, isagoo yidhi: “Somaliland waa dawlad kaamil ah oo dhisantay, kuwa ay la tahay in ay ceebaynayaana waa kuwo garab marsan diinta Islaamka. “

Wuxu sheegay in diinta Islaamkuna ka kooban tahay afar waaxood oo kala ah Cibaadada, Macaamilada Bayca (iibka), Macaamilada Nikaaxa oo Bani Aadamka dhexmarta iyo Jaraaxada oo Jariimooyinka lagaga hadlo.

“Afartaasi waxay biyo dhigeen Somaliland oo lagaga dhaqmaa. Haddaba yaa manta odhanaya soonku waa xaaraan? Yaa odhanaya baayca mushtar xalaal ahi kama jiro Somaliland oo waa la is dhacaa ama ribo ayaa la qaataa ? Ma jiraa cid odhanaysa saaxiibnimo ayaa la isku qabaa oo meherka shareecada Islaamku kama jiro Somaliland ? Kumaa odhanaya Maxkamadaha Somaliland jaraaxada kuma xukumaan sida shareecada islaamka.

“Hadadba waxaan leehay kuwa leh shareecada Islaamka ha lagu dhaqmo xaalkoodu waa kalimatu Xaqin Yuraadu bihaa Baadil (waa hadal xaq ah oo baadil lagu doonayo). Waayo ha lagu dhaqmadu waa xaq, laakiin haddii aan lagu dhaqmin ayay ahaan lahayd kalmad xaq loola jeedo, balse haddii lagu dhaqmo waxay noqonaysaa kalmad baadil ah.”

Sheekh Xoogbadane wuxu intaas ku daray: ” Somaliland waxaa u qabsoomay nidaam dawladeed oo ay samaysteen beelaha dega Somaliland. Dastuurka qodobkiisa 5aadna wuxuu sheegayaa wixii ka horyimaad diinta Islaamka waa khalad, markaas nidaamkeenu waa kii rasuulku inoogu tegay mar haddaan waafaqsanahay diinta Islaamka, raggii sameeyay dastuurka ayaanan ka mid ahaa ee waafajinayay diinta Islaamka iyo dhaqankeena ku salaysan caqiidada Islaamka.”
Isagoo ka faalloonaya gubitaankii jariidada Haatuf wuxu yidhi: “Qolyaha jariirada Haatuf gubay ee baaqyada soo saarayana waxaan leehay wixiinu waa fawdo ee haddii aad talo haysaan ula yimaada golayaasha Qaranka, am ula yimaada Axsaabta Qaranka ee mucaaradka ah oo u muuqda hab mucaarad, haddiise aad tidhaahdaan diin ayaan ka hadlaynaa waxaad tihiin Jidadgooyo, Fitna Abuur iyo Fawdo samays, kuwa wadaada sheeganaya ee noocaas ahna waxaan leehay u soo noqda diinta Islaamka, wadadiinu waa diinta oo aad u soo noqotaan.”
Sheekh Xoogbadane wuxu intaa raaciyey in uu qolada Mustaqiimiinta ah ee Jariirada Haatufna ka tacsiyadaynayo gubistii jariirada, isagoo yidhi” Waxan idin leenahay dulqaata waxa idin helay waxmagarato.”

Isagoo la hadlaya Maxaakimta koonfureed wuxu yidhi: “Qolada Koonfur waxaan maqli jirnay laba Qawlo ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya, qawlihii Dadaal Oogayaasha hadii laga adkaaday, oo loo hiiliyay kuwii huwanaa magaca islaamka oo shacabku raacay, waxaan leenahay shacabka ha ku ciyaarina dhiigoodana ha daadinina Somalilandana ha haybsanina way idinka tagtee.

“Wadaadada Hargaysana iyo Buracana waxaan leehay Idinku raaci mayno wixii fawdo wada ee Somalialnd nabadeeda duminaya dawladnimadeenana diidan.”

Ugu dambayna Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile ayaa isna soo jeediyay in ay ka soo horjeedaan isla markaana talaabo ka qaadi doonaan cid walba oo nabada khalkhal ku abuurta, wuxuu intaas ku daray in aysan hore u arag wadaad dhiigdaadsha, balse ay Arki jireen wadaad maslaxad Umadeed ka shaqeeya. Waxan soo baxayna yahay weji cusub oo lala yaabo, waxa lagu wanaagsan yahayna waa nabadgelyada.

© 2006 Awdalnews Network

No comments: