Friday, October 27, 2006

Maxkamaddaha Oo Ku Laayey Dad Rayid Ah Magaaladda Baraawe


War lagu kalsoon yahay ee aanu ka helney odeyaasha degmada Barawe mar aan khadka telefoonka kula xirriirney ayaa noo xaqiijiyey in bishan Octoobar 21keedii magaalada Barawe si ula kac ah loogu toogtey wiil 23 jir ah oo la oran jirey Maxamed Cabdi (kunyo). Wiilkaas oo sababta loo toogtey ay ahayd isagoo cunto ku cunayey meel luuq ah maalin soon ah.

Wararku waxay sheegayaan in wiilkaas uu ka cararey marku arkey maleeshiyada maxaakiimta oo ku soo fool leh meesha u wax ku cunaayey, dabadeedna mid ka mid ah maleeshiyada maxaakiimta ayaa wiilka dhabarka ka toogtey, isagoo la sheegey in u meesha ku naf waayey.

Marxuumkaas oo isla galabtii lagu aasey magaalada Barawe ayaa waxaa aad uga xumaadey dhamaan dadweynaha ku nool degmada Barawe. Masuu’liyiin ka hadashey arrinkaas ayaa sheegey in falka foosha xun leh uu yahay mid aanan waafaqsaneyn mabaad’ida Diinta Islaamka. Qofka soon u furey dartii diinta ma qabto in loo dilo, waa arrin meel ka dhac ku ah xuquuqda Insaanka.

Maxaakiimta Islaamka oo maamulka Degmada Barawe la wareegey saddex usbuuc ka hor ayaan wax jawaab ah ka bixinin dilkan isaga ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka dil ula kac ah u geystaan dad aan waxba galabsan waxayna horay dil ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo badeeco hor iibsanayay agagaarka Shirkadaha Hormuud iyo Amal Express ee magaalada Muqdisho. Wiilkaas waxaa loo dilay sabab la xiriirta in uu gaari gacan uu ku shaqeysanayay uu gadaal u celin waayay.

Sidoo kalena waxay dil ugu geysteen wiil kale oo dhalinyaro ah oo ay ku murmeen iridka Dekedda weyn ee Muqdisho, kaasi oo sida ay hooyadiis sheegtay u foof tegay in uu Dekedda nolol ka soo raadsado. Dhamaan dhalinyaradaas ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha dileen ilaa iyo hataan la iskama warsan, waxayna eheladooda uga maqan yihiin si calool xumo ah.

Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan Maleeshiyooyinka Maxkmadaha Islaamka oo ay ka mid yihiin in ay dadka waddooyinka isaga garbaashaan iyagoo aanan wax sharci ah u heysan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka waxaa la gudboon in ay Maleeshiyooyinkooda xakameeyaan waa haddii ay dad u kala cadli soorayaan oo ay Diinta Islaamkana dadka ku dhaqayaan, sida ay sheegtaan.

Mohamed Amin Abubakar

Columbus, Ohio

No comments: