Monday, October 16, 2006

“Daadkaad Soo Diraysaan Rag Duwaa Jira, Ee

Bayaan – Ururka Samata-Bixinta Sumcadda Iyo Tacabka SNM Ee Gobolka Togdheer“Horta daadkaad soo diraysaan rag duwaa jira, balse duufaan Xamar dumin kara, haw durbaan tumina”

Marka hore haddaanu nahay Mujaahidiinta Samata-bixinta waxaanu ku hambalyaynaynaa Wargeyska Haatuf baalka “Ma-Qaloocshe” siduu isaga xilsaaro ilaalinta Qarannimada Somaliland ee basaasnimo iyo maanso-ba leh.

Mar labaad waxaanu jawaab cad siinaynaa kuwa sheegta Maxaakiimta Muslimnimada ku dhuumanaya, siiba Shariif Xasan, Xasan Turki iyo Xasan Ibraahim Cadow iyo riyada beenta ah ee ay idaacadda BBC ka shubayaan, waxaananu leenahay ma jirto cid waxyeeli karta jiritaanka iyo madax banaanida Qarannimada Somaliland, hadaad cumaamad yar degta soo saartaan iyo haddii Cabdillaahi Yuusuf uu Buubaa soo fuulaba, maxaa yeelay ilaalinteeda waxa u jooga iyagoo dihin oo weliba nastay Mujaahidiintii SNM ee naftooda u huray xoraynteeda Somaliland, waanad ogtihiin inaanay idiin suura-gelayn intaad diin u soo dhuumataan mar labaad in Xamar dalkan laga xukumayn, maxaa yeelay bulshadu way xusuusan tahay wixii loo huray ee rag ku hirdamay, dhiig loo hoorsaday, hanti loo qubay, Moorgan ku haftee, Gaas la heensaday.

Sidoo kale waad ogtahay Xasan Ibraahim Cadow inaanad diinta noogu soo dhuumanayn iyo Itoobiyaa sidan ah, maxaa yeelay dastuurkii SNM iyo kan Somalilandba waxa ku xardhan in shareecadda Islaamka lagu xukumo, calankayagana waxaa ku xardhan Tawxiidka, Muslimnimadana annagaa hide u lahayn oo annaga waa lanagu dhalay oo dhammaan bulshadan reer Somaliland meher asalka laysugu dhalay.

Haddaba daadka annagaa moosnee Shariif Axmedow adiga iyo Xasan Turki duullaan Xamar dumiya haw durbaan tumina, nasteexana allaa haya, waxaanad fishaan inaanay xabdi Somaliland ka dhacayn ee haddii aad soo jihaysaan ka bilaabmi mayso.Intaa haddaanu ku dhaafno riyada reer Xamar, waxaanu sidoo kale u sheegaynaa dadka taageersan fikrada cadowga, hadaad tidhaahdeen waxaanu u ooyaynaa Hamuunta kursi aad Xamar ka heshaa ama dumar iyo carruur soo kiciya, ama Internet-ka argagixisaa la jidhdilay dhaha, ama cumaamado isu eeg soo qaatoo, na dhaafi karimaysaan, idinkuna saacidi mayno qarannimadaanu dhuunta kaaraha kala soo baxnaye, ciidiina iyo calankiina aamina oo ummadda khalkhalka ka daaya, shillimada aad hesheena ilaashada nabaddaa keentaye.”

Cambe Aadan MaxamedAfhayeenka Ururka Samata-bixinta Sumcadda iyo Tacabka SNM ee
Gobolka Togdheer

Oodweyne, Somaliland

No comments: