Monday, October 16, 2006

QORAAL SIR AHAA WAA GO,AAMO AY SOO SAAREEN XUBNAHA GOLAHA SHUURADA EE MAXAAKIMTA SOMALIYA OO LAGU WAXYEELAYNAAYO AMNIGA IYO XASILOONIDA SOMALILAND

Waxa ay ku qorayd Afka Carabiga afka Carabiga iyadoo ku daabacnayd warqad leh sumadi u gaarka ahayd midawga maxaakiimta ee ahay kitaab iyo laba seefood oo is waydaarsan. waxay u qorayd sidan.

Kadib marki ay diyaarisay gudi ka tirsan goalaha shuurada ee midawga maxaakiimta ka jira somaliaya dirasad ku saabsan xaalada ay ku sugan yihiin shuyuukhda gobolada waqooyi.

Iyo marki warbixintu lagu sheegay magacyada iyo shakhsiyadihi ka danbeeyay jidh dilka wadaada oo ah daba dhilifka yuhuuda iyo maraykanka iyo kadib marki ay ka gulaysteen mujaahidiinti dhaliyarada ahaa dalimiinti ku caan baxday inay ka ganacsadaan dhiiga culimada diinta iyo muslimiinta iyo kadib marki ay daawadeen gudigaasi cajaladi lagu jidh dilaayay sheekh maxamed ismaaciil rabi haka raali ahaade iyo marki ay ogaatay gudida shuuradu in shakhsiyaadki ka danbeeyay jidh dilka sheekh maxamed ismaaciil au ahaayeen ciidamada amanka ee dawladi hore ee siyaad bare ee ku caan baxday dabargooynta culimaa uddinka iyo kadib marki ay heleen gudida shuuradu ee maxkiimtu oglaanshaha iyo kalsoonida xubno muhiim ah oo ka tisan xisbiyada mucaaradka ah iyo ganacsatada waaawayn ee gobolada waqooyiga Somaliland oo ka taageeraya dhinacyada kala ah siyaasada iyo dhaqaalaha iyo milatarigaba kuwaasi oo si buuxda u taageersan kacdoon islamiya oo looga gol leeyahay in diinta islaamka lagu dhaqo gobolada waqooyi , iyadoo laga duulaayo cajaladi fidhiyawga ahayd ee lagu jidh dilayay sheekh ismaaciil iyadoo ay asxaabta mucaaridku nagu waafaqsanyihiin arintaasi sidaasi darteed waa in la sameeyo gudi gaar ah oo qaybisa cajaladaasi lagu jidh dilayoo sheekh ismaaciil iyo in la qaban qaabiyo banaanbaxyo lagu sameeyo meelo ay ka mid yihiin gobolka togdheer oo lagag faaiidaysanaayo taageerada mucaaradka iyo ganacsatada gobolada waqooyi halkasi oo uu ka taliyo maamul diinta ka fogaaday oo uu madax ka yahay daahir rayaale .


Goalaha shuuradu waxaa uu go,aan ku gaadhay in la fuliyo qodobada soo socda si looga hartago khatarta ka soo foole kuwaasi diinta ka baxay. Qodobdiina sidan ayay u qoraayeen.

In la hirgaliyo ciidan ka kooban 30 ka mid ah shuhadada dhaliyarada ah si ay u fuliyaan isQarxita iyo dilka shaksiyaadka gaaloobay ee u adeega yuhuuda iyo maraykanka oo ay ka mid yihiin:-

Daahir Rayaale Kahin

Cabdilahi Ismaacil Cali

Cali Warrancade

Ismaacil Adam Ismaaciil

Adam Maxamed Waqaf

Axmed Daahr Cilmi

Cabdilahi Maxamed Ducaale

Cali Maxmed Xassan

Nuur aamiin

Xuseen Cali Ducaale

Cali maxamed ibraahim

Siciid ismaaciil

Adna aadan carab


In la sameeyo oo laga hirgaliyo kacdoono diimeed gobolada waqooyi iyo magaalooyinka ay ka mid yihiin laascaanood burco ceer gaabo iyo buuhoodle iyo in si dhkhso ah loo bilaabo tababarka 3000 oo dhaliyarada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee degan muqdisho iyo kismaayo iyo guray ceel oo kadibna loo diro gobolada waqooyi ee ay kasoo jeedaan , hadi uu qorshahaasi hirgali waayo sida loogu talagalay ee ah dilka 13 kaasi qof waa in lagu dhamays tiraa kacdoon kale oo aan dhiig ku daadan.

Hadi uu gaal daruuri yahay maamulka daahir rayaale waxa uu imanayaaa gabagabda hawlaheena waxaana kasoo hor maraysa gobolka bari ee lagu magacaabo puntland.

Waa in aanay ka qayb galin hawlgalkaasi lagu fulinaayo gobolada waqooyi galbeed mujaahidiinta ka soo jeeda gobolka Ogaadeeniya si aan xaalku uugu muuqan aar goosi.

Ilaahay ayaa mahad leh

Waxaana ku saxeexan xasan daahir aways oo ah gudoomiyaha golaha shuurada ee midawga maxaakiimta somalaiya.

Waxaa soo tarjumtay

Shukri Aadan Hassan

No comments: