Thursday, October 26, 2006

HOGGAANKA SARE EE WAHAABIYEENTA OO KU KALA QAYBSAN WEERAR LAGU QAADO BAYDHABO

Muqdisho(W.Wararka)- Hoggaanka sare ee Wahaabiyeenta Muqdisho ayaa isku maandhaafay weerar ciidamadoodu ku qaadaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah dawladda Imbigaati ee Cabdillaahi Yuusuf....




Ninka lagu magacaabo Xasan Ogaadeen "Turki" oo ka mid ah guddiga fulinta ee Golaha Shuuradaha Wahaabiyeenta Muqdisho ayaa habeen hore saxaafadda Muqdisho u shegay inay weerari doonaan magaalada Baydhabo “Anagana waxa naga go'an inaan diinta islaamka ka baahino dalka Soomaaliya oo dhan min Raas Kambooni illaa Raas Caseyr, marka waa la qarin hayaa mooyiye qolada meel ku gaarka ee Baydhabo mar dhow Boorsooyinkooda ayay kala carari doonaan Baydhabo, haddana waanba u dhow nahay oo ciidamadeenu waxay joogaan meel u muuqata Baydhabo”. Ayuu Xasan Ogaadeen "Turki" oo u waramay saxaafadda Muqdisho isaga oo hoosta ka xariiqay inay wakhti dhow si fudud uga tallaabsan doonaan magaalada Baydhabo.


Hase yeeshe Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Wahaabiyeenta Muqdisho Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa sheegay inaanay ciidamadoodu weerari doonin magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawladda Cabdillaahi Yuusuf oo ay si adag isaga soo horjeedaan, “Annagu ma weerari doono Baydhabo ilaa la naga soo weeraro” ayuu yidhi Xasan Daahir Aways oo u waramay Wargeyska Sharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London.


Hadalkan Xasan Aweys ee ku saabsan inaanay duulaan ku ahayn magaalada Baydhabo oo ay dunidu isha ku hayso ayaa laga bixiyay aragtiyo kala duwan. Dadka qaar ayaa u macnaystay inuu hadalka Aweys jawaab u yahay ninka lagu magacaabo Xasan Ogaadeen "Turki" oo dadka Muqdisho u arkaan nin sal fudud, kaas oo haddii uu sidooda noqdo muujinaya khilaaf inuu jiro, halka kuwo kalena u macnaysteen inuu Aweys daaha saarayo qorshaha uu ka dhawaajiyay Xasan Ogaadeen "Turki" ee qabsashada Baydhabo kaas oo dadkani aaminsanyihiin inay tahay sir ka fakatay Xasan Ogaadeen "Turki"


Source: Geeska Afrika...

No comments: