Thursday, October 26, 2006

WADAADYOHOW DAWAAFKII!.


Waxaanu halkan idiinku soo gudbinayaa tixdan la yidhaahdo Wadaadyahow dawaafka ah ee uu tiriyey abwaan Muuse Cige Cali .anagoo rajeynayna inaad ka heli doontaan midhaha gabayga iyo micnaha uu xambaarsanyahayba.





Wadaad yahow dawaafee
Xamar dacalldeedii
Durba gebagabeeyee
ku darsaday kismaayee
weli sii durkaayow,
Waxan kaaga digyeyaa
duulaanka caammada,
dumarkiyo carruurtaad
iyagoon diginiin qabin,
isu soo dabbaashee
isku soo daraysii
igu soo diraysaa.


Somaliland waa;
dal nabddoonoo,
waa dowlad calanloo
jecel deris wanaaggee,
neceb darayadiinee,
duni idil taqaanee,
kuma iman dalxiisee
dhiigbaa u daatee,
Duul kaa horeeyaa
ku danseegay taladee,
duhur buu ka haayiray
sayidkii darwiishkii
sida awr duqoobee,
mid-kaloo gadaal degey
waxba kama danbeynee
waa tuu ka daba-tegey
markuu ciinka daaqee.


Dalku wuxuu ku caanyahay
Culimada ducaysee
diintana u hiishee
dadka fara wanaagee
debec wax ugu sheegee
samhana u doodee
xumahana ka diriree,
iyo dumar xishoodoo
ku danbeeyey dhaqankee
ubadkana daryeelee.
Oddayaal duqooboo
rabbi deeqdi mooyee
ifka deraja doonayn
daba dilif cid u ahayn
iyo caaqil duubloo,
kala haga dadkiisee,
iyo diran barbaaro
danahooda raacdee
markay diriri joogtana
gala duullimaadkee
Wadaad yahow dawaafkii
dalka waabad joogtee
debed kuma maqnaynee
taariikhdda duugga ah
waxba kuma darayside
kuwii daalka korodhsaday
waxba kuma dunadee
waad ka sii darraatee

DIB U JOOGSO WAA TALO.
Haddad diiddo yeelkaa!.
Soo duub cajaladaha
soo daabac beenaha
soo badi dacaayadda
ku soo daadi meeshaad
way dagi isleedahay
Doolliga ninkii diley
dad u daahi maayee
soo tababar daayeer
dunbukhana u soo dhiib
doofaarna soo raro
dabgeliska ku adkey
heensay dameeraha
adna dacal ka soo fuul
Abshir-bacad ku soo dara
haka daba danaaniyo
xayawaanka soo didi
cayayaanka soo daa
dad haruu uquustee.


Muusa Cige Cali


Ottawa, Canada


madoobeh@hotmail.com

No comments: