Monday, October 09, 2006

“Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aabaheed Dilay”

Somalidu waxay ku maahmaadaa “waxay abeeso leedahay ilmaheedna leh” waxa kale oo ay tidhaa maahmaah kale “Ilko abeeso hoostay ka xidhiidhsan yihiin”

Waxaan uga socda “walaalaheenna” reer Somalia hadday yar yihiin iyo hadday weyn yihiin, hadday askari yihiin, hadday siyaasi yihiin, hadday waranle yihiin iyo hadday wadaad yihiinba waxay u haystaan inay xaq u leeyihiin inay ina xukumaan ama inoo taliyaan. Somaliland waxay u haystaan inay tahay amaano aynu u sii hayno intay soo kala jeesanayaan iyagu. Inta badan maba sugi karaan intay kala dhamaanayaan ee iyagoo qoladii wax eryatay kuwii ay eryadeen u sii muuqdaan ayaabay soo jeestaan oo yidhaahdaan “meeday Somaliland?” “iska soo celiya amaanadii”
Waar illayn belaayo habeen kama tegin!

Inaguna waxaynu mar walba ku ducaynaa “Ilaahayow walaalahayaga reer Somalia nabad iyo degenaansho sii” arrinteenu se waa “ninkaad kabahiisa tolayso ayaa kafantaada tolaaya”
Aan u soo noqdo kuwan u danbeeyay ee la yidhaa Maxkamadaha.
Maxkamadahu iyagoon cagahaba isku taagin ay markiiba waxay ina yidhaahdeen:
Maxkamadaha: fiiri walaalow, midnimaa la rabaa no. Somaliland wax la dhahaa ma jidho. Iska dhaafa warkaas. Anaagaa idin xukumayna haddi kale xoog aan idinku qabsanaynaa.
Somaliland: oo sheekh maxkamdaw siday wax u jiraan sawnagan dalka dhan ee jira ah ee dastuur leh ee golayaal baarlamaan leh ee ciidan qaran leh ee boolis leh. Ee shacab heegan ah leh. Ee nidhi xornimaydayadii aanu waa hore tuurnay waanu la soo noqonay. Miyaydaan ka war haynba?
Maxkamadaha: walaalkiis. Waxaas looma jeedo hadda. Koofur waa la xoreeyey. Waa la mideeyay. dalka dhan min Raas Kaamboonni ilaa Saylac shareecadda islaamka inaan ku xukunnaan rabnaa annaga. Sidee adiga waaye?ma jirrantahay? ma waalantay? Weligaas baad qaldaan ahayd.

Somaliland: Weger! oo sheekh maxkamadaw, distoorkayaga ma akhriday, af caribina waabu ku qoranyahaye, sawta ku cad inuu ku salaysan yahay shareecadda islaamka? Clankayaga se ma aragtay inuu tawxiidku ku qoranyahay? Inaanu se dad muslimiin ah nahay oo iyaba wadaadadooda leh oo ay diinta u dhigaan ma ka war qabtay? Anagu maantaabaanu u masaajid iyo malcaamad quraan baranay sidii Ilaahay noo abuuraye. Waar bal lama aragtan kaalaya.
Maxkamadaha: Waxaas oo dhan warkeed dhaaf. Looma jeedo ayaan ku dhahay. Midnimo ayaa la rabaa. “far keliyi fool ma dhakhdo” Taa ma maqal miyaa adiga?

Somalliland: oo sheekh maxkamadaw, haddaynu laba foolba kale leenahay maad kaaga adigu iska dhaqatid ama far keliyi ha kuu dhaqdo amay yay kuu dhiqini? Maxaa aniga wejigayga kaa galay? Ta kale anigu waaban dhaqday kayga oo weliba weyseystay. Waar bal bixisandan eega hadda?
Maxamdaha:Haddee “inamal mu’minuuna ikhwatun” ma maqlin miyaa adiga”
Somaliland : oo sheekh maxkamdaw, “Fil ixsaani wal khayri” miyaanay taasi ahayn? Ma khasab iyo jujuub baa?
Somaliland: sheekh maxkamadaw waxaan ku weyday. Horta goormaad wadaadka noqotay oo aad wadaaddada weliba intaa dheeraatay? Ma “subxaan. Almuqayir alxwaal” baa arrinkaagu? Nimankan se aan raadinayay ee godobta hore iga hayay ee berigii dadkayga xasuuqay ee Turki iyo Morganba ku jiraan ma sheekhyay noqdeen oo afka haddaydin gacanta ka gelisaan idin qaniini maayaan baad leeday? Mise waxay ku yidhaahdeen anagaa sida loo laayo naqaan oo markay magacayaga maqlaan bay goojo dhabarka saarayaan ee aan idin hor kacno?
Maxkamdaha: Xasuuq? Haddee Xasuuq maxaa waaye adiga. Somali oo dhan aa dhimatay. Taliskii Siyaad Barre somali waa wada laayay. Qabqablayaashi somali waa dileen. Adle kelikaas maa wax ku gaareen?
Somaliland: sheekh maxkamadaw waxaan ku weyday. Horta goormaad wadaadka noqotay oo aad wadaaddada weliba intaa dheeraatay? Ma “subxaan. Almuqayir alxwaal” baa arrinkaagu? Nimankan se aan raadinayay ee godobta hore iga hayay ee berigii dadkayga xasuuqay ee Turki iyo Morganba ku jiraan ma sheekhyay noqdeen oo afka haddaydin gacanta ka gelisaan idin qaniini maayaan baad leeday? Mise waxay ku yidhaahdeen anagaa sida loo laayo naqaan oo markay magacayaga maqlaan bay goojo dhabarka saarayaan ee aan idin hor kacno?
Maxkamdaha: Xasuuq? Haddee Xasuuq maxaa waaye adiga. Somali oo dhan aa dhimatay. Taliskii Siyaad Barre somali waa wada laayay. Qabqablayaashi somali waa dileen. Adle kelikaas maa wax ku gaareen?
Maxkamadaha: Haddee waxaas maxaa ka nool yaaqii? Kuwaas dhintayna waa shahiideen Alla ha u naxariistaa ku filan no? adduunkaan aad ka warramaysona waxaa la dhahay “inama dunyaa licibun wa lahwo” Haddee maxaa ku flaysiin. Wixii oo laydinka dhacayna. Aakhiraas helaysiin kii oo toman jibaaran. Sadaqo waaye.
Somaliland: oo sheekh maxkamadaw, iminkana ma waxaad leeday haddana aanu idin layno jannadaydin geliye. Oo aan idin burburino waxii baaba noqda aakhiro aydin ka heli haddana eh? Idinku janada ma ku gelaysaan markaa na laysaan? Mise anaguumbaa janada nala jeceshiin?
Maxkamadaha: maxaa? Haddee Sidee adiga waaye? Anagana jannada waa rabnaa. Anaga diinkaan fidinaynaa ka dib idinkaan idin dilaynaa anagana janaan gelaynaa maxaa wacay diinkii aan fidinnay idinkana janaa gelaysaan shahiid baa noqon rabtaan.
Somaliland: haaaa!oo sheekh maxakamdaw, ma waxaad leeday agoontii aydin waalidkood layseen hantidoodiina waxna burburiseen waxna biliqaysateen haddana aan idinkana idin layno oo bisinka idiin qabato oo waxii aydin dib u dhabdhabateenna aan misna burburino?
Wallaahii sheekh maxkamdaw horaa loo yidhi “isma oga agoon iyo ninkii aabaheed dilay” anaguna aargoosi iyo xumaan baanu ku xishoonnay, adiguna maanta ayaad leeday haddana qoorta soo dhigo. Waaba “kaaf iyo kala dheeri.” Weliba hadda sheekh arrinka ku noqo oo sida xabadda loo rido ee dulmiga laysa ridana anaa ku baray oo kugu qacan qabtay. “shabeel nin rabbaystay riyahuu ka cunaaye ma isku kay rogay rafiiqay” Tii Allay noqon.
Waar hoy sheekhoow ka joog.

A.Geeljire

No comments: