Monday, October 09, 2006

Maxaakiimta Muqdisho Oo Dhammaystiray Qorshe Ay Somaliland Ku Gambiyayaan Si Ay Gacanta Ugu Dhigaan

Waxaa lagu tababarayaa Muqdisho Boqolaal Dhallinyarada Reer Somaliland Ah Si Ay U Horseedaan Kacdoon Dalka Gudihiisa Ah

Muqdisho, October 8, 2006 (Haatuf) – Hoggaamiye-kooxeedyada Maxkamadaha Muqdisho ayaa diyaar-garow ugu jira hawl-gal ay doonayaan inay kula wareegaan talada dalka Somaliland, kaas oo ay qorsheeyeen inuu ka dhasho kacdoon ka qarxa dalka gudihiisa.Qorshahan oo hordhiciisu soo baxay toddobaadadan u dambeeyay sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaala oo ku dhowdhow hoggaamiyeyaasha Maxkamadaha Muqdisho, waxa gundhig u ah in Maxkamado Islaamiya lagaga dhawaaqo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, sida Hargeysa iyo Burco, iyadoo loo adeegsanayo kooxo iyaga ku xidhan oo ay Maxkamaduhu maal-geliyaan, kooxahaas oo loogu talo-galay inay marka hore qas iyo jaah-wareer ka abuuraan dalka Somaliland gudihiisa, kadibna marka ammaanka iyo deganaanshuhu faraha ka baxaan ay dalka gudihiisa kaga dhawaaqaan maamul Maxkamadaha [Waqooyi] oo ay hoggaamiyaan Maxkamadaha Muqdisho.

Qorshahan Maxkamadaha Muqdisho ay isku ballaadhinayaan oo markii hore la filaayay inay abaarayaan gobolada Bari [Puntland] iyo Baydhaba, balse waxa xilligan dambe isbedel ku keenay oo xaga Somaliland u soo leexiyay markii ay Maxkamaduhu qabsadeen Kismaayo, iskuna ballaadhiyeen gobolada Jubooyinka, taas oo wadamada gobolka iyo caalamkuba ku eedeeyeen inay jebiyeen heshiisyadii ay dawladda Mbagathi Khartoum kula galeen.

Sidoo kale, waxaa qorshahan Somaliland ku waajahan ku taliyay in fulintiisa xilligan la soo dedejiyo dawladaha iyo kooxaha Carabta ah ee taageera Maxaakiimta Muqdisho, kuwaas oo u sheegay Maxkamadaha in haddii ay ku guulaystaan Somaliland ay Baydhaba iyo Puntland hawl yaraan u soo geli doonaan gacantooda oo aanay jiri doonin wax caqabad dambe ah oo ka hortimaada inay noqdaan dawladda qudha ee Soomaaliya oo dhan ka talisa.

Qorshahan Maxkamadaha ee Somaliland ku aaddan ayuu wax ka sii iftiimiyay gudoomiyaha golaha Fullinta ee Maxkamadaha, Shariif Axmed oo khamiistii dhawayd sheegay in la gaadhay xilligii Somaliland dib loola midayn lahaa Somalia.

Qorshahan ay Maxkamaduhu soo dedejiyeen waxa qayb ka ah boqolaal dhallinyarada reer Somaliland ah oo in dhowaydba tababar milateri uga socday magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka tirsan gobolka Banaadir, dhallinyaradaas oo ay tababarka siiyaan macalimiin Carab iyo Bakistaaniyiin isugu jira oo ah raggii ku dagaal-bartay Afgaanistaan xilligii ay joogeen ciidamadii Ruushku, waxa loogu talo-galay in marka tababarku u dhammaado dib loogu soo celiyo gudaha Somaliland si ay ugu horseedaan kacdoon hubaysan oo ay Maxaakiimtu kula wareegayaan talada dalka Somaliland.

Sida Haatuf loo xaqiijiyay dhallinyaradan tababarku u socdaa waxay ka kala yimaadeen lixda gobol ee Somaliland iyo dalka dibadiisa, waxaana kharashka noolka iyo sahaydaba badankooda ka soo bixiyay Maxkamadaha Muqdisho iyo taageerayaashooda.Casharada dhallinyaradan lagu siiyo xeryaha tababarka waxaa ka mida dagaalka magaalooyinka, qaraxyada iyo shirqoolada dilalka (Assassination). Intaas waxaa u dheer casharo maxkaxdooda lagaga dhaadhicinayo in wixii aan Maxkamadaha Muqdisho taageersanayni ay yihiin gaalo oo ay mudan yihiin in lagu jihaado xataa muslimiinta kale.Waxa kale oo Somaliland gudaheeda laga arkay ifafaalaha qaybo ka mida qorshihii u dejisnaa Maxaakiimta ee ay doonayeen inay Somaliland ku mijo-xaabiyaan waxana ka mida cajalada ka been sheegaysa in jidh-dil lagu sameeyay Masbuuska Maxamed Sh. Ismaaciil, taas oo loogu talo-galay in lagu kiciyo bulshada loogana dhigo in maamulka Somaliland uu yahay dawlad gaalo ah oo culimada Islaamka ciqaab jidh-dil ah ku samaynaysa gacantana uga gelinaysa dawlado gaalo ah si ay dhaqaale u helaan. Sidaas darteedna ay xaq tahay in lala jihaado.

Inkastoo maxaakiimtu aanay ku guulaysan cajaladaas taageeradii ay ka filayeen inay ka helaan haddana Laanta Soomaaliga ee BBC-da ayaa weli sii wada hadal-haynta cajaladan, iyadoo Maxkamadaha Muqdisho weli la baacinaysa buun-buuninta wararka cajaladan.Dhinaca kale, magaalada Hargeysa waxaa bisha Ramadaan laga dareemayay guux iyo dhaqdhaqaayo ay wadaan kooxo taageersan Maxaakiimta Muqdisho. Walow kooxahaasi ay hawlahooda si qarsoodiya u wataan, haddana waxa dhaqdhaqaaqyadooda laga dareemayay suuqa madow ee hubka lagu iibiyo, kaas oo ay lacag xoogga soo geliyeen, waxaana kor u kacay qiimihii qoryaha AK-47, kaas oo cirka isku shareeray oo haatan jooga $500 (shan boqol oo doollar), halka uu laba bilood ka hor ahaa $100 – 200 (boqol ilaa laba boqol oo doollar). Qoriga BKM loo yaqaano ayaa isaguna qiimahiisu gaadhay $5500 (Shan kun iyo shan boqol oo doollar).


Xigasho: haatuf

No comments: