Monday, October 02, 2006

Sheekh Cali Warsame Oo Ka Hadlay Ujeedada Uu u Tegay Muqdisho

Meesha awelba waan iman jiray oo reer baa iga jooga.. kuwa sirdoonkana waan la kaftamay oo waxaan ku idhi hadhow baad meelahaa dhubuq-dhubuqlayn doontaane”

Sh. Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Burco, haatana socdaal ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay mid shakhsi ah oo uu ku booqanayo reerkiisa (xaas) u deggan magaalada Muqdisho, isla markaana aanay jirin cid uu xidhiidh la leeyahay iyo wax ku lid ah Somaliland oo uu ku maqan yahay.

Sh. Cali Warsame oo aanu telefoon kula xidhiidhnay xalay isagoo jooga magaalada Muqdisho, waxa uu ka jawaabay war ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii shalay oo sheegayay in Sheekh Cali Warsame iyo wefti uu hoggaaminayaa ay u amba-baxeen magaalada Muqdisho, warkaas oo muujiyay tuhun ku saabsan in socdaalkaasi xidhiidh la leeyahay kacdoonka Maxkamadaha Islaamiga ahi ka wadaan Somalia.

Sheekhu, ugu horeyn waxa uu ku dhalliilay wargeyska Haatuf hubsiimo la’aan, waxana uu u soo jeediyay inay hubsadaan had iyo goor wararka ay qorayaan.“Waxa loo baahan yahay marka suxufi aad tahay in qofku iska hubsado waxa uu qorayo, in badanna waxaanu idinka aragnay waxaananu ka raali ahayn oo dacaayad ah oo ka dhan ah wadaadada Burco,” ayuu yidhi Sheekh Cali.

Isagoo ka hadlaya socdaalkiisa, Sheekhu waxa uu yidhi: “Meesha [Muqdisho] awelba waan iman jiray oo reer baa iga jooga oo carruurtaydii baa qaar deggan yihiin, kolkaa miyaan u daayaa sidaas iyo sidaas baa lagu odhan haddii aan carruurtayda soo siyaarto?”

“Waxaan idiin sheegayaa inaanan halkan u iman cid kale oo aan la xidhiidho ama cadow aan Somaliland ku soo wado ee booqashadaydu socdaalkaa reerkayga ayay ku kooban tahay, meeshaydii [Burco] ayaanan ku soo noqon doonaa haddii Alle idmo,” ayuu raaciyay Sh. Cali Warsame.Sh. Cali Warsame waxa uu sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu ahaa mid laga warhayay, cid ku wehelisay iyo wefti uu hoggaaminayay midna aanu jirin.

“Intii aanan Burco ka amba-bixin waxaan la kaftamay qolada sirdoonka oo ninka la yidhaahdo Cabdi Saleebaan [Madaxa socdaalka gobolka Togdheer] baan ku idhi, imikaba hadhow baad meelahaa dhubuq-dhubuqlayn doontaane ogaada reerkaygii baan gaadhayaaye,” ayuu idhi Sheekh Cali Warsame.

Sheekh Cali Warsame waxa uu intaas raaciyay inaanu ahayn nin imika colaad iyo dibindaabyo u wada Somaliland, reer Burco-na ay ogyihiin taas, hase yeeshee aanu garanayn halka reer Hargeysa ay ka keenaan wararka taas khilaafsan.

Sheekh Cali Iyo Mawqifkiisa SomalilandSheekh Cali Warsame waxa uu mar madax ka ahaa ururkii Al-Itixaad Al-Islaami ee horraantii sagaashanaadkii xoogga ku yeeshay Somalia. Dad badanina waxay rumaysan yihiin in wadaadada ururkaasi ka tirsanaan jiray ay ka soo horjeedaan gooni-isu-taagga Somaliland.

Haddaba, Sheekh Cali Warsame waxa aanu weydiinay isagu shakhsi ahaan sida uu u arko Somaliland maadaama dadka qaar ay muran geliyaan mawqifkiisa Somaliland. Isagoo taas ka jawaabayana waxa uu yidhi Sheekhu: “Aniga mawqifkayga wuu cad yahay, waana la ogyahay oo madaxda waanu is aragnaa, Badhasaabka, wasiirada… Madaxweyne Rayaale-na markii ugu dambaysay ee aanu kulanay waxaan ku idhi, anigu mucaarid baan ahay, mucaaridnimadayduna waxay ku salaysan tahay waxaan ahay nin u doodda in dadka lagu xukumo Shareecada Islaamka, laakiin taasi mid xoog ku imanaysa maahee waa mid dadku ikhtiyaar u leeyihiin. Koley anigu marnaba ogolaan maayo in Somaliland dhexdeeda cidi fadqalalo ka geysato. Wax badan baanan mawqifkaygaa dadka ugu soo bandhigay jaraa’idka iyadoo aanay Haatuf-ba jirin.”

Xigash: Haatuf

No comments: