Thursday, October 05, 2006

BANAANBAX KALE OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADDA BURCO

Mudaharaad balaadhan oo ay ka so qayb galeen Dadweyne badan oo looga soo horjeeday Mudahaarada Shalay ka dhacay Magaaladda Burco Ayaa Maanta ka dhacay Magaaladda Burco.

Mudaharaad balaadhan oo ay ka so qayb galeen Dadweyne badan oo looga soo horjeeday Mudahaarada Shalay ka dhacay Magaaladda Burco Ayaa Maanta ka dhacay Magaaladda Burco Mudaharaadkan oo ay ka soo qayb galeen Dadweyne badan iyo gadiid ay ku xidhan yihiin cod baahiyayaal ay ka baxayeen Heeso wadaniya ayaa ku soo wareegay jidadka Magaalada Burco kuwaaso ugu danbeyntii isugu yimi Fagaaraha Khayriyada halkaas oo ay mudaharaad yaashi kula hadleen Cuqaasha Gobolka.

Chief Caaqil Maxamed Daahir Cabdi oo isagu halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi " Calanka Somaliland waxa laga taagay Burco 1991 Dhiiga badan ayaa ku daatay, Dhulbadana waa u burburay sidaas dartee waxa dib luugu noqdo Koonfur ma jirto. Waxa uu intaas ku daray Cajaladan la wad wadaa waa ben abuur Waxana Xaqiijinaaya in Hadiftimo qaarkeed lagu soo been abuuray waxanan leeyahay haduu wadaadku danbi galay Maxkamada iyo Dawlada ayaay u taala hadii kale ha la sii daayo waxan uu hadalkiisa ku soo koobay "Ha lakala Saaro Mucaaridnimada iyo Qaranamida".

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadalay Cumar Axmed Jaamac waxan uu sheegay in waxa la sheegaya in aanay sal iyo raad toona lahayaan, Tahayna waxa Dadka lagu jah wareerinaayo hasa yeeshe Qaranimadda iyo Jiritaanka Somaliland ma ah waxa dhayal dhayal looga noqon karo waana Muuqadas loo soo maray jid dheer dhiig badana ku baxay.

Dadweynaha Mudaharaadayay ayaa sitay boodhadh aya ku qornaayen Halku dhigyo ayaa kamid yihiin " Somaliland Waa Muqadas iyo ma ogolin la midawga Somaliya mudaharaadka oo socday mudo saacad iyo dheerad ah ayaa ku dhamaaday si nabad galyo ah .

Faarax Xuseen Maxamed oo kamid ah Banaanbaxayaashi oo aanu waydiinaya sida uu u arko Mudaharaadkan ayaa waxa uu yidhi : '' Waxan u arkaa si wanaagasan waxanan kala soo horjeeda beenta la soo dhoodhoobay ee Dumarka iyo waxmagartada loo qaybinaayo waxa uu intaa ku daray Dawladu waa mid Rayida oo Dadku wada leeyahay ee ma ah Dawladii milatariga ee Dadka Xasuuqi jirtay.

Xuseen Xaaji Xasan oo kamid Xubnihii soo abaabulay Mudaharaadka ayaa isaguna Yidhi " Kuwii naga diiday Bananbixii Cayda Nabiga loogag soo horjeeday ayaa Maanta waxan la garanayan u mudaharaadaya miyaanay waxa lala yaabo ahayeen ayuu yidhi.

Nafisa Cali Maxamed ayaa iyaduna sheegtay inaan Qaranimadda Somaliland tahay Muqads aan ka noqosho lahayeen wax kastana aanu u huraynoo Difaacideeda ayay tidhi Nafisi.

Si kastaba ha ahaate Mudaharaadkan oo ay soo qaban qaabiyeen Koox Dhalinyaro iyo Cuqaal ah ayaa ahaa mid nabad galyo ah Kuna dhamaaday dawladuna aanay wax lug ah ku lahayn.


Xigasho:Togdheernews.com

No comments: