Friday, October 27, 2006

Sheekh Sharif Oo Beeniyey Hadalki Xasan Turki & Madax Laga Mamnuucay La Hadalka Saxafada

Waridaad (Muqdisho) Guddoomiyaha guddida fulinta ee Maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal uu dhowaan Hasan Turkey ku sheegay inay Maxkamadahu weerari doonan Somaliland. Guddomiye Sharif oo shalay saxaafadda la hadlaya aya waxuu yidhi: "Hadalka Sheekh Xasan Turkey uu jeediyay ee uu ku sheegay inay Maxkamaduhu weerarayaan Somaliland, waa mid aan sax ahayn"
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisi sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Wuxuu ku hadlay (Xasan Turkey) ra'yigiisa mana ahan ujeedada Maxkamadaha inay weeraraan Somaliland ama goob kale oo ay ka jirto Nabad". "Somaliland waxaa ka jira nabad, mana dhacayso inay Maxkamaduhu weerar ku qaadaan goob ay nabadi ka jirto, waxaase taas baddalkeeda ay Maxkamaduhu ay sameynayaan inay heshiis la galaan Gobollada Nabdoon" ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Dhinaca kale waxa wararku intaa ku darayaan in xubno ka mid ah madaxda sar sare ee Maxkamadaha laga mamnuucay inay la hadlaaan saxaafadaha gudaha iyo ta dibedda labadaba. Xubnahaas loo diiday inay saxafadda la hadlaan waxa ka mid ah : Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan Axmed C/llaahi (Xasan Turkey), Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde iyo xubno kale oo aan magacyadooda hayn ilaa hadda.


Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Maxkamadahu ay saxaafadda gudaha qaarkeed sida Idacadaha ay gaadhsiiyeen warqado ay ugu digayaan, isla markaana ay ugu sheegayaan inaysan wareysan karin xubnahan. Xubnaha loo ogol yahay inay la hadlaan saxaafadda ee ayaa la sheegay inay ka mid yihiin: Sheekh Shariif Shekh Axmed oo ah guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha iyo Sheekh C/raxiim Cali Muudeeye oo ah af-hayeenka Maxkamadaha ee dhinaca Warfaafinta.


Cali Maxamed Farsamo,


Muqdisho, Somalia

No comments: