Thursday, October 05, 2006

Somalia: Diinta Qabiilullah iyo “Nebi” Cayr Bin Mooryaan Bin Biliiliqo

Somalia: Diinta Qabiilullah iyo “Nebi” Cayr Bin Mooryaan Bin Biliiliqo

In aakhir saben lagu jiro, waxa kuu cadeyneysa in dalka Somalia gaar ahaan magaalada Xamar uu ka soo kacay Daquuq Diin ku-sheeg la yidhaahdo QABIILULLAH (Tribullah/Maxaakiim) wata iyo Kitaab ku-sheeg Quraan-dhurwaa ah oo Soomaali manta u sheeganaya awood iyo nebinimo aanu lahayn!!

Odhaahdan Soomaaliyeed, “In cimrigaagu raago, geel dhalaya uu ku tusaa”, waxay ka turjumaysa qisadan “Sheikh” Xassan Daahir Aweys kaasoo ah Daaquudka sheegtay inuu yahay “Nebi” Cayr Bin Moryaan Bin Biliiliqo!!

Quraan-dhurwaaga uu daaquudkani la roorayona, wuxu ka kooban yahay saddex iyo sodonkan suurad ku-sheegan Alle ka kootnimada ahi ee Maxaakiim Islaami ah iyo Shareecada Islaamka ka dheer ee guud ahaan Diinteena suuban, Soomalinimada, iyo Aadnimadaba ka baxsan sida hoos ku xusan:

1. Suurati Jaahiliya 18. Suurati Afduub
2. Suurati Cawaannimo 19. Suurati Budhcad Badeed
3. Suurati Qabiileysi 20. Suurati Tahriib
4. Suurati Beenawaas 21. Suurati Qaxooti
5. Suurati Munaafaqnimo 22. Suurati Doroogo Beerid
6. Suurati Soomaaliweyn 23. Suurati Xaaraan Ku Naax
7. Suurati Shir Dib u Heshiineed 24. Suurati Xasuuq
8. Suurati Dowlad Ku Meel-Gaadh 25. Suurati Baarakicin
9. Suurati Dagaal Ooge 26. Suurati Dhul Balaadhsi
10. Suurati Maliishiyo 27. Suurati Xukun Doon
11. Suurati Tikniko 28. Suurati Cadaalad Daro
12. Suurati Dil 29. Suurati Car Juuq Dheh
13. Suurati Umula Doox 30. Suurati Xuquuqal Insaan Daro
14. Suurati Kufsi 31. Suurati Shaydaan Caabud
15. Suurati Biliiliqo 32. Suurati Dijaal Kalkaal
16. Suurati Dhac Agoomeed 33. Suurati Naar-Gallow
17. Suurati Jidh Dil

Hadaba, su’aalaha meesha ku jira, waxa weeye: Ka Diin ku-sheegaas gala ama ku jira ee Quraan-dhurwaagaas akhrista kuna camal fala, miyaanu gun ahayn? Miyaanu munaafaq ahayn? Miyaanu mujrim ahayn? Miyaanu kufri ahayn?

Dhina kale, iyadoo lagu jiro bishii barakeynayd ee Ramadan, ayaa Daaquudkan Mujrimka ahi ee bilaa xadka ahi iyo xulufadiisa sida Horor Indhocade, Doqon Xassan “Trurki”, iyo maliishiyadoodu ay hadana ku sii duuleen degaanadii beelaha aan hubeysneyn ee laga tirada badan yahay taasoo ay waxyeelo iyo dhib lixaad leh ugu geysteen masaakiin iyo maato farabadan oo aan waxba galabsan.

Weereeradaas socda ee xaq darada ahi ee is dabajoog ahi ee ay Qabiilullah ku hayaan degaanada Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe ama Soomaalidaas muslimiinta ahi ee dhibaateysani ee jiidahaas wada dega, waxa looga dan leeyahay Dhul Balaadhsi iyo hanti boob ee Dal iyo Diin difaac ma’aha. Colaadan nacabkani wado iyagoo weliba ku sii jeeda Gobolka Gedo, waxay keliftay in kumanaan maato ahi oo u badan dumar, caruur, iyo waayeel ay hoygoodii, hantidoodii, iyo degaanadoodi uga qaxaan bishan Ramadan ee Barakeysan sidaasna ku gudan kari waayeen cibaadadoodi ama waajibaadkoodi soonka.

Waxa iyana wararka caalamku ay sheegayaan in maato ka badan 30, 000 ay bishan oo keliya ay Mujrimiinta Qabiilullah u qaxiyeen dhinaca galbeedka kana talaabiyeen xadka Kenya kuwaasoo ay badeen qaxootinimo iyo dhib weyn oo aaney muteysan haatana ku sugan darxumo iyo cunto la’aan ka jirta goobaha qaxootiga lagu uruuriyo. Bal, maxaa masaakiintan bishan Ramadan ee Barakeysan dhibaatada, dilka, dhaca, iyo baarakinta intaas le’eg loogu geysanayaa? Ma waxaas baa Islaannimo, Soomalinimo, iyo Aadnimo ah?

Hadaba, waxaanu u sheegaynaa kuwa Eebe ku caasiyey ee shacbiga masaakinta ku amar taagleynaya ee raacay Diin ku-shegan Qabiilullah iyo “Nebi” Cayr Bin Mooryaan Bin Biliiliqo in If iyo Aakhiroba lagula xisaabtami doono lana jebin doono; Insha Allaah.

Ugu dambeyn, waxaanu u sheygaynaa Qabiilulaah, “Nebi” Cayr Bin Mooryaan Bin Biliiliqo Bin Faqash, iyo mujrimiinta war moogaha ahi ee durbaanka colaadeed u tumeysa sida Doqon Xassa “Turki” iyo Abwaan ku-sheega la yidhaahdo Bacadle ee beryahan ku hadaaqa inay Diin Ku-sheega Qabiilullah gaadhsiin doonaan magaalooyinka Burco iyo Hargeisa ee sida aan haboonayn afkooda xun ugu soo taagaya kuna duraya kelmadahooda jaan shacbigan gobta ah ee geesiga ahi ee Reer Somaliland, inay filimkaas ay wataan ee Diin ku-sheega ahi ee basiilka ah ee bilaa xisaaha ahi, ay hore u soo daawadeen mid la mid ah oo uu watay Horor Maxamed Cabdulle Xassan kaasoo la isla tuuray sidii kab iyo xaarkeed.

Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.

No comments: