Wednesday, November 01, 2006

Dood Dhex martay Sh. Shariif, Faysal Iyo Cabdiraxman Cirro.


Dood ku dhex-martay Idaacadda SOA ee london Somaliland iyo Maxkamadaha Muqdisho oo ay ka qayb galeen: Cabdiraxmaan Maxamed Ciro oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha fulinta maxaakiimta Somalia Sheekh Shariif.


Idaacadda SOA ee london ayaa soo qaban qaabisay dood ku saabsan Somaliland iyo Maxkamadaha ka taliya Muqdisho taas oo ay ka qayb galeen: Cabdiraxmaan Maxamed Ciiro oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ucid faysal Cali waraabe iyo Gudoomiyaha Golaha fulinta maxaakiimta islaamka Somalia Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in haba yaraatee Maxaakiimtu aysan qorshaynayn wax weerar ah oo ay ku qaadaan Maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay ku talaabsadeen hormar iyo amaan, waxaana Shariifku uu intaasi ku daray in hadalkii kasoo yeeray Sheekh xasan Turki uu ahaa mid isaga u gaar ah oo aanay la ogayn Maxaakiimtu.

Sheekh Shariif ayaa been abuur ku tilmaamay waraaq la sheegay in uu ku saxiixayahay Xasan Daahir Aweys oo warbaahinta Somaliland ay aad uga hadlayeen mudooyinkan.
Horay ayaa qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxaakiimta Islaamku ay u sheegeen in ay weerar ku qaadi doonaan Somaliland oo ay sheegeen in ay ka tirsantahay Somalia isla markaana ay ka hor imaanayaan in Somalia ay kala go'do.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Midnimada iyo wax wada qabsiga dadka Soomaaliyeed ay tahay waajib isla markaana labada shacab ay isku baahanyihiin mar hadii ay yihiin isku af, isku diin iyo isku dhaqan, ha yeeshee waxaa uu sheegay in dadka Reer Somaliland ay iyagu ka tashanayaan Mustaqbalkooda.

Faysal Cali wareebe ayaa ugu baaqay Maxaakiimta in marka hore ay samaystaan maamul ka hor inta aanay soo jaleecan Siyaasadda Somaliland oo uu sheegay in ay tahay mid ku salaysan rabitaanka shacabka isla markaana ay dhistaan nidaam iyo maamul.

Cabdiraxmaan Maxamed Ciiro oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland ayaa sheegay in Somalliland ay xaq u leedahay oo kaliya in ay difaacato xuduudeeda oo aanay diyaar u ahayd xiligan in ay difaacaan Soomaaliya hadii ciidamo ka socda dawladaha dariska sida Ethiopia ay soo galaan Soomaaliya isagoo ka jawaabayay codsi ka yimid Golaha Maxaakiimta Islaamka Somalia oo ku baaqay in Puntland iyo Somaliland ay ka qayb qaataan difaacidda dalka Somalia.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay markii horaba iyadu ku darsatay Soomaaliya, xiliganna aysan diyaar u ahayn in ay ku biiraan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991kii ka dib bur burkii Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Maxaakiimtu in aysan kala hadal, isagoo sheegay inay si weyn uga xumaaday hadalada ka soo yeedhaya hogaanka Maxkamadaha oo qaarkood ay sheegeen in ay weerarayaan Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Calanka Somaliland lagu xardhay tawxiidka Alle isla markaana uu yahay calanka labaad ee Aduunka oo lagu qoray (Laa Ilaaha Ila-alaahu Muxamadun Rasuulu al-laah), diinta Islaamkana ay ku dhaqmaan oo aysan diyaar u ahayn in Maxkamadaha Mudisho ka jira ay ka.
Xigasho: Qarannews.com

No comments: