Thursday, November 02, 2006

SHIRKADDA TOTAL OO U DIIDAY IN HAAMAHA SHIDAALKA BERBERA LAGU SHUBO SHIDAAL AY LEEDAHAY SHIRKADA AL-XARBI

Hargeisa ( Somaliland Future ) Markab weyn oo shidaal u sida Shirkadda Shidaalka ee AL-XARBI, ayaa maalintii shalay baroosinka looga furay Dekeda Magaalada Berbera, ka dib markii loo diiday inuu shidaalkaas ku shubo haamaha shidaalka ee Dekeda Berbera.

Sida wararku sheegayaan Markabkan ayaan shirkadda Al-XARBi oo keliya shidaal u sidin, hase yeeshee waxa kale oo uu shidaal u siday Shirkadda TOTAL, waxaana laga shubay qaybtii ay lahayd Shirkadda TOTAL oo keliya, ka dib markii ay shirkadda TOTAL u diiday in Shidaalka AL-XARBI leedahay lagu shubo Haamaha Shidaalka ee dekeda Berber.

Markabkan ayaan ilaa hadda la garanayn dhinaca uu tagay, isaga oo u dhaqaaqay dhinaca bad-weynta, ka dib markii maamulka Shirkadda Shidaalka ee Total uu ku adkaystay in aan shidaalka AL-Xarbi leedahay lagu shubayn Haamaha Shidaalka.

Dhinaca kale waxa jirtay isku day la doonaayey in arrintaas ay xal u helaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madax-dhaqameedyo iyo xildhibaano, balse sida wararku tibaaxeen waxay arrintaasi ku dhamaatay guul darro.

Mohamoud Mohamed Hashi

Somaliland Future Online

Hargeisa, Somaliland

No comments: