Sunday, November 26, 2006

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Iyo Madaxweyne Riyaale Oo Kulan Albaabadu u Xidhan Yahay Isku Hor Fadhiistay

Hargeysa, November 25, 2006 (Somaliland Today) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa kulan gaar ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada toddobaadkii hore. Waana kulankii u horreeyey ee ay isku horfadhiistaan labada Guddoomiye muddo sannad ka badan.


Sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa Hargeysa, kulanka Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Riyaale waxa suurageliyey ergeyn ay sameeyeen dad labada dhinacba xidhiidh la leh oo ka hawlgalay inay isu soo dhoweeyaan labada dhinac.


Waxaana uu wargeysku ka soo xigtey ilo xog-ogaal ah in Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan marayo, khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaridka ah iyo weliba khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.


Xisbiga UCID ayaa iskaashi la sameeyey xisbiga kale ee mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib doorashadii Golaha Wakiillada, iskaashigaas oo suurageliyey in xisbiyada mucaaridka ahi ay hoggaanka u qabtaan Golaha Wakiillada. Isla markaana Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa si kulul u dhalliilayey Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisa sanadkii u dambeeyey.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika, Madaxweyne Riyaale iyo Faysal Cali Waraabe garnaqsi dheer ka dib waxay isla qaateen in ay meel uga soo wadajeestaan cadowga Somaliland. Waxayna u ballameen kulan dambe.
Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda ayaa beryahan dambe si weyn ugu kala fogaadey xaaladda ka taagan mandaqadda iyo muddo-kordhinta Guurtida.


Warar uu helay Somaliland.org ayaa iyagu sheegaya in kulanka Madaxweyne Riyaale iyo Faysal Cali Waraabe lagu soo bisleeyey socdaalkii uu ku tegey dalka Maraykanka ee uu kaga qaybgalay shirkii SOPRI, halkaas oo sida wararku sheegeen uu ka soo bilaabmay xidhiidhka iyo wadahadalku.


Dareenka ku saabsan xidhiidhka u socda Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Madaxweyne Riyaale wuxuu soo baxay dhowaan markii Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu ku soo laabtay dalka, markas oo soo dhoweyntiisa ay ku kulmeen Masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB.


Waxa kale oo warar la isla dhexmarayaa sheegeen Madaxweyne Riyaale inuu hore kulamo ula yeeshay xubno ka mid ah mudanayaasha Xisbiga UCID ee Golaha Wakiillada.


Liibaan Maaweel ShireSomaliland Today

No comments: