Sunday, November 26, 2006

Go'o:- Shir Beeleed Lagu Doortay Suldaan Cusub

(Waridaad)Shir balaadhan oo muddo Shan Maalmood ah uga socday Beesha Muuse Cabdalle (H/yoonis), tuulada Go’o oo ka tirsan Degmada Sheekh ee Gobolka ayaa ayaa shalay beeshu ku dooratay Suldaan Cusub.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen 154 ergay, kuwaasoo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawlada, Cuqaal, Culimo-Awdiin, Aqoonyahan iyo waxgarad kale, oo laga soo dhex doortay Afar iyo Tobanka ardaa ee ay ka kooban tahay beeshu, waxay ku kala reebeen 8 Musharax oo isu soo taagay Saldanada, waxaana ugu danbeyntii isugu soo hadhay laba Xubnood oo kala Maxamed Xasan Ibraahin iyo Nuur Faarax Xuseen.


Kala reebista musharaxiinta isu soo taagay qabashada jagada Saldanada beesha Muuse Cabdalle oo ay ahayd mid lagu kala reebayey si dimuqraadiyad iyo dhaqan isugu jirta, taasoo aan dhalin wax khilaaf ah kuna dhamaatay jawi lagu wada qanacsan yahay ayaa gunaanadkii shirka ayuu shirgdudoonka guddidu ku wargeliyey inay ergooyinku codk gacan taag ah u qaadaan labada xubnood ee u taagnaa saldanada, waxana Maxamed Xasan Ibraahin inuu noqdo Suldaanka ogolaaday 134 Xubnood, halka Nuur Faarax Xuseen ay u codeeyeen 17 Xubnood Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaana waxa jagadii Saldanada ku guuleystay Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim.


Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo doorashadiisa ka dib hadal kooban oo isugu jiray Mahadnaq, guubaabo, dardaan iyo talo soo jeedin ka jeediyey madashii shirka ayaa sheegay in xilka loo doortay uu yahay mid culus, waxaanu balan qaaday inuu u gudan doono xilka loo igmaday si daacadnimo ku jirto, isagoo ka codsaday ergadii shirka inay kala shaqeeyaan hirgelinta xilkaas culus. " "Maadaama xilkan lay doortay miisaan culus yahay, kumaan farxin ee waan ka warwarayaa, xilkuna waa wax Ilaahay kaala xisaabtamayo If iyo Aakhiraba. Sidaa daraadeed, waxaan dhamaantiinba idinka codsanayaa inaad Ilaahay iiga baridaan in uu ii fududeeyo xilka lay igmaday.” Ayuu yidhi Suldaanku.


Wefti balaadhan oo uu horkacayo Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa saaka u kicitay dhinaca Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, kaasoo ay gelbinayeen boqolaal ka mid ah eragadii ka soo qeyb gashay shirka lagu dooranayey suldaanka, iyadoo ay Magaalada Burco ku soo dhaweeyeen Salaadiinta, Cuqaasha, Madaxda, Culimo-Awdiinka, Waxgaradka Gobolka iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha reer Burco, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Suldaanka loogu caano shubi doono Magaalada Berbera.


Khadar Hussein Ibrahim

No comments: