Tuesday, November 21, 2006

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales, magaca reer Carwo, iyo kan xaaskeyga, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka , ubadka, iyo tafiirta meel kasta oo ay joogaanba ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xaaji MAHDI HURRE BUUBAA . Xaaji Mahdi waxuu ahaa ganacsade weyn oo caan ku ah bulsha weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan Somaliland iyo Kililka Shanaad. Waxaan dhammaan leeyahay samir iyo iimaaan, si gaar ah Reer Buubaa iyo tafiirtooda. Xaajiga waxa lagu aasay maanta oo ah Isniin 20/11/2006 magaalada Hargeysa.

Xaajigu waxuu ahaa ruux cibaado badan, naxariis badan, oo agoonta iyo danyarta gacan qabta. Waxuu ahaa oday dhaqan iyo siyaasadba, isagoo qayb lexaad leh ka qaatay halgankii SNM dhinaca abaabulka iyo nabadeynta beelaha.

Waxaan Illaahay uga baryayaa Xaaji Mahadi inuu ku abaal mariyo janatul fardoos, tafiirtiisa, iyo Reer Buubaa tafiirtooda, asxaabtiisa, ehelkiisa kale, qaraabadiisa iyo xiaalkiisna, waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan.

Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff

No comments: