Sunday, November 26, 2006

Maxaad ka taqaan ama kala socotaa Dalka Kabindha (Cabinda)?

Dalka Kabindha waa dal ka mid ah dalalka Afrika. Waa dal ay Midowga Afrika iyo Quruumaha Midoobay iska yeelyeelaan inaanu jirin sida Somalilandba ay indhaha uga dul laliyaaan ee anay u aqoonsanayn inay dal jira tahay. Tiyoo dhab ahaantii Somaliland tahay dal dhan oo jira oo 3.5 malyuun oo qof ay ku nooshahay.
Kabindha waxa ku nool 1.5 malyuun oo qof. Waxy ku taal Afrikada Galbeed, Dalalka hareeraha ka gedaaman ee ay deriska la tahay waxaa ka mid ah, Congo-Brazzaville oo ka xigta dhinaca woqooyi, dhinaca koonfuureed iyo barina waxa ka xigga dalka Congo-Kingshasa (Zaïre-tii hore), dhinaca galbeedkana waxa ka xigga badda Atlaantikada, oo waa dal xeeb leh oon gay'i go'doonsan (land locked Country) aan ahayn.

Waxa cagta mariyay oo xoog ku qabsaday ilaa haatan ka amar-ku-taaglaysa, jabahadda shuuciga ah ee Markiiska (Marxist) ah ee MPLA. Waxay ka soo galeen jabahddaasi xuurtada ku haysata dalka Kabindha, buuntada loo yaqaan Point Noire, Noofambar 11-dii, 1975. Maalintaasi waa maalin madow oomugdi ku ah sooyaalka dalka Kabindha iyo dadka reer kabindhaba.

Dhibicaha dhabta ah ee dalka Kabindha:
Baxadda Dhul ahaaneed ( Land Area): 12000 Km oo is ku wareega ah.Dal ahaan, dalka ay xagga baaxadda iyo tooxda isku barbar dhacaan waa dalka Gaambiya (Gambia).

Xeebta uu leeyahay dhererkeedu waa: 150 km.
Cimilada: Waa dal kulaalaya xariiqa badhaha adduunka ee loo yaqaan Equatorka, waana roobanayahay inta badan. Waxana uu leeyahay kaymaha dhaadheer ee hadhaca ah ee loo yaqaan afka qalaad Tropical rain forest.

Xagga beeraha waxa ka baxa oo lacag adagi ka soo gashaa: Geed Kokowa (cocoa) , waa keedka iniintasa laga sameeyo kooka-koolaha iyo daroogada khatarta ahee loo yaqaan heroine,saliid naar jiin, muuska. Dabcan, maadaaama dalku uu bad leeyahay waxa kaloo doorweyn oo firfircoon dhaqaalaha dalka ka ciyaara: kaluunka, dagaalantada( Red lobster), qow-qabka, casaanyada,iwm.

Waa dal Allah ugu roonaaday kana haqab tiray biyo macaan. Wuxuu leeyahay wabiyo aan gu'iyo jilaaltoona aan kala gu'in, gudhinna. Wabiyadu waxa ay madhmadheen oo ku faro badanyihiin dalka geestiisa woqooyi-bari.

Deegaanka waxa faro ba'an ku haya oo haddaan haatan loo gurman oon si degdeg ah wax looga qaban, shirkaddaha bitroolka qoda waa Chevron iyo Texaco eh, oon bii'adda iyo deegaankatoona wax iskaga tirin, dan iyo muradtoona ka lahayn, waxaan ka hayn inay khayraadka dhulka calooshiisa ku jira lasoo baxaan oo ay woxogaa doolarro ah siistaan. Waxa kaloo jira iyaguna shirkadaha alwaaxda oo aad mooddo inay tartan ba'an iyo loolan ba'ani ka dhexeeyo oo kaymihii qariniyaal soo jireenka ahaa, haamay oo gamta u joogsaday.

Alla a sahlee waxa laga cabsi qabaa inuu dhulka Kabindha, haddaan si dhakhso ah wax looga qaban, labaatan ilaa soddon gu' ka dib uu nabaad guuro, oo sida Angoola ka dhacday amintii uu gouumaysan jiray Bortaqiisku ay ka dhacdo dalka Kabinda.

Anigu, qof ahaan ma tigin waanse ku talo jiraa inaan tago, mar Allah ka yeelaba. Xoggahan aan idiin soo tabinayo waxaan ka helay internet-ka oo qof weliba siduu u adeegsado uu uga haqab baxayo. Xag aqoon korodhsi iyo xag war raadinba door weyn ayuu internetku ku leeyahay noloshayda.

Mohamoud H Nugidoon

Ottawa, Canada
November 25, 2006
***************************************************************************
Intaa wixii dheer waxaad ka eegi kartaa meelaha aan xogahan ka soo ururshay:
References (xog bogasho)

1. British Broadcasting Corporation. http://news.bbc.co.uk/
4. Lexis-Nexis Academic Search (through 2003). http://web.lexis-nexis.com/universe

Waxa kalood eegtaa:
6.. http://www.cabinda.net/Cabinda_Somaliland.pdf (waxaadse u baahantoontaa inaad ku akhridid sofware-ka la yidhaa "Adobe Reader". Haddii anad kombyuutarkaaga ku haysan Adobe Reader, waxaad geshaa oo aad ka soo daarsata (dowload): www.adobe.com. deetana qaybta "Adobe Reader" ama "Adobe Page Reader" ku taal eeg. Iib iyo lacag la'aan labadaba wuu leeyayay, hadba kii ku cajibiyaa ka xulo. Waa ku kaa. Waxaan kuu rajaynayaa nasiib wacan."

No comments: