Sunday, November 26, 2006

Guddoomiyaha UCID oo ka Warramay Nuxurka Qodobadda Heshiis Dhexmaray Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in uu kulan fool-ka-fool ah oo uu xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin maalintii Salaasadii toddobaadkii hore 21 November, 2006, ay Madaxweynaha wada gaadheen heshiis qabyo ah.

Guddoomiyaha oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramayey, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha ugu tegay salaan, isla markaana uu ku wargeliyey in haddii dalku sidan ku sii socdo uu halis ku jiro jiritaankiisu.

"Sidaa darteed, waxaannu ku heshiinay," ayuu Faysal Cali-waraabe yidhi; "in arrimaha wadatashi lagu soo celiyo, isla markaana la taageero go’aamada ka soo baxa guddiga turxaan-saarka goleyaasha iyo in saddexda xisbi qaran wadahadal u furmo."
Faysal Cali-waraabe, waxa uu tilmaamay in ay wadahadalladu sii socon doonaan, isla markaana ay xisbiga KULMIYE ku wargeliyeen in uu kala soo qaybgalo.

Guddoomiyaha UCID oo faahfaahinayey asbaabta xilligan keentay wadahadalka uu la yeeshay Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi; "Waxaannu doonaynaa in aannu khilaafaadkii u beddelo wadashaqayn, si looga hortago cadowga. Mucaaradadii aannu lahayn wax ha la toosiyo ayaa cadowgeennu u qaatay in aynaan midaysnayn oo aynu jilicsanahay, waana ta dhiirigelisay in Cadde Muuse yidhaahdo waxaan imanayaa Buuhoodle."

Eng. Faysal Cali-waraabe, oo la weydiiyey sida ay ku dhasheen wadahadallada uu Madaxweynaha la yeeshay, waxa uu sheegay in bishii July ee sannadkan uu xisbiga UCID u qoray xukuumadda, Guurtida, Wakiillada iyo axsaabta in loo baahan yahay xaaladda aynu hadda ku jirno [wadahadallada], taas oo ay guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu hore ugu soo jeediyeen in xukuumadda iyo goleyaashu is-arkaan, ballantaasina ay ku xidhnayd markii uu Madaxweynuhu ka soo laabtay safarkiisii Yurub horraantii bishii August, "Aniguna [Faysal] aan safar dibadeed u baxay, markii uu soo laabtay Madaxweynuhuna uu qabsoomay kulankii."

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey waxyaabaha ay kulamada dambe kala hadli doonaan Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi; "Waxaannu Madaxweynaha kala hadli doonaa sidii gobollada bariga loo tegi lahaa, xuduudahana si dhakhso ah loogu soo xidhi lahaa, gudaheenana u adkaysano, isla markaana iska moosno fidnada Xamar ka soo socota, dadkeenana wacyigelino, una sheegno arrinta Soomaaliya in aanay ahayn diin, balse ay tahay tartan awoodeed. Taariikhdana weligeed Xamar innagaga iman wax khayr qaba."
Waxa kale oo uu sheegay in ay ka arrinsan doonaan Komishanka Doorashooyinka oo xilligoodu dhammaanayo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, hawlaha doorashooyinka foodda innagu soo haya [degaanka iyo Madaxtooyada], sidii loo xoojin lahaa ciidammada, si aan cid waliba u soo hungurayn Somaliland iyo arrimaha ganacsiga oo uu ku tilmaamay in ay qaarkood yihiin kooto (monopoly).

Guddoomiyaha oo la weydiiyey sida ay ula muuqatay, maadaama ay axsaabta mucaaradka ahi in badan Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu yahay nin aan talo oggolayn, waxyaabihii uga soo baxay kulanka uu hadda la yeeshay, waxa uu ku jawaabay; "Madaxweynuhu wuxuu u ekaa qof oggol in uu talo qaato oo aan koox qudh ahi wax wadi Karin keligeed."

Mar la weydiiyey Faysal Cali-waraabe in ay xisbiga KULMIYE ku wargeliyeen in uu isbeddel ku keeni karo wadahadalka uu la yeeshay Madaxweynaha isbahaysigii ka dhexeeyey labada xisbi ee mucaaradka ah [KULMIYE iyo UCID], waxa uu yidhi; "KULMIYE waannu ku wargelinay kulankaas, wax iska beddelaya isbahaysigiina ma jiro, waanuna ka midaysanahay danta guud, balse markii hore xukuumadda ayuun baa is-adkaynaysay."

Guddoomiyey oo ka jawaabayey su’aal ahayd; maadaama uu doonayo in khilaafkii lagu beddelo wadashaqayn, ma ka wadahadasheen awood-qaybsiga, waxa uu yidhi; "Weli halkaa [awood-qaybsiga] islamaanu gaadhin, waxase noo furan wixii dalka dan u ah. Kulankii aannu la yeelanayna [wuxuu u ekaa Madaxweynuhu] mid furfuran oo doonaya in wadajir wax loo qabto."
Mr. Faysal Cali-waraabe, oo ka hadlayey weftigii xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo celiyey madaarka Jabuuti, waxa uu ku tilmaamay arrin naxdin leh oo muujinaysa waddada khaldan ee ay marayso xukuumadda Jabuuti iyo nabsiga ay ka gelayaan Somaliland, isla markaana aannu garanayn waqtiga uu xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyey labada dal. Arrintanina tahay mid sii kala fogaynaysa xidhiidhka labada waddan ee wallaalaha ah, siina kordhinaysa tuhunkii shacabka Somaliland ka qabay madaxda dawladda Jabuuti.

Mar la weydiiyey aragtidiisa ku wajahan taageerada buuxda ee ay dawladda Itoobiya siiso maamulka Cabdillaahi Yuusuf iyo gaabinta xidhiidhka Addis Ababa iyo Hargeysa in ay ka wadahadleen Madaxweynaha iyo in kale, waxa uu sheegay in aanay ka wadahadlin, dawladda Itoobiyana u madaxbannaan tahay cidda ay taageerayso, "Balse," ayuu yidhi; "waa in ay ixtiraamto goonni-isu-taagga Somaliland. Hase yeeshee, wax kastaa waxay ku xidhan yihiin Somaliland, isla markaana waxa loo baahan yahay in aynu hab dawladnimo ah ula macaamilno caalamka, waajibaadkeena qabsano, xuduudaheenana adkaysano."

Ugu dambayn, Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu sheegay haddii aan la hagaajin arrimaha gudaha, in aanay waxba ka hagaagayn siyaasadda dibaddu.

Jamhuuriya Online

No comments: