Monday, November 06, 2006

Wasiirka Ganacsiga Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Arinta Markabka Shirkada Al Xarbi U Sida Shiidaalka Oo Laga Celiyay Dekedda Berbera

Hargeysa, November 05, 2006 (Somaliland Today)- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasim Qodax oo ayaa markii u horeysay ka hadlay markab shiidaal u siday shirkada Al Xarbi oo loo diiday inuu shiidaal ku shubo haamaha kaydka shiidaalka Berbera.

Mr Cismaan Qaasim wuxuu arimahaa kaga hadlay shirjaraa’id oo manta uu ku qabtay xafiiskiisa,kaas oo uu ku caddeeyey in Wasaaradda Ganacsigu ay siisay shirkadda Al-Xarbi ruqsadda soo dejinta Shidaalka. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in shirkaddu ay keentay shidaalka iyada oo aan wada dhammaynin nidaamkii, isla markaana aan heshiiskii kaydinta iyo dhaaminta la gelin Shirkadda TOTAL.

Wasiirka Ganacsiga Mudane Cismaan Qaasim oo sheegay inuu isagu Shirkadda Al-Xarbi siiyey warqadda fasaxa keenista shidaalka, waxa uu ka waramay dariiq dheer oo ay tahay inuu muro qofka shidaal soo dejinayaa. Waxana uu sheegay in qofka marka Wasaaraddu siiso ogolaanshaha inay u dirto TOTAL si ay ula gasho ayuu yidhi “Handling Agreement” [heshiiska wareejinta iyo kaydinta], isaga oo sheegay in TOTAL ay xukuumadda kula jirto heshiis, sida heshiiskaasi dhigayona ay uga wakiil tahay Somaliland kaydinta iyo hubinta tayada Shidaalka [Quality Control]. Heshiiska TOTAL kadib, waxa uu sheegay in ganacsaduhu uu ku soo noqonayo Wasaaradda Ganacsiga si uu u qaato ayuu yidhi, “Ruqsad kale oo ah keenista Shidaalka”, ruqsaddaas oo uu sheegay inay ku qotonto Wareegto Wasiir oo uu soo saaray Wasiir hore oo soo maray wasaaradda wakhtigii Madaxweynihii hore, Marxuum Cigaal, kadib heshiistii TOTAL iyo xukuumadda.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in 12kii Oktoober 2006 uu shirkadda siiyey ogolaanshaha keenista shidaalka, 17kii bishana ay TOTAL u soo qortay warqad ay ku sheegayso in shirkadda Al-Xarbi ay ku wargelisey in shidaal u soo socdo, iyada oo aan buuxin shuruudo ay ka mid yihiin: Heshiis inay la gasho TOTAL iyo 14 maalmood ka hor ogeysiiso TOTAL in shidaal u imanayo iyo iyada oo aanay hubinin tayada shidaalka ay keenayso shirkaddu.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in iyada oo arrintu halkaa marayso uu markabku yimi, kadibna xaalad weyn laga abuuray.

Wasiirka oo shirkaa jaraa’id uu la qabtay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas, isaga oo ka hadlaya sababta uu shirka jaraa’id u qabtay maanta, waxa uu sheegay inay iska difaacayaan eedaha loogu soo jeediyey celinta markabkaas. Waxana uu yidhi wasiirku, “Shirkan jaraa’id waxa kellifey wasaaraddu inay qabato waxa had iyo jeer laga hadlaa oo xildhibaano badani ka hadleen, muwaadinkaas [Al-Xarbi] oo markabkiisaa laga celiyey isaga oo haysta ruqsad … Maaha wasaaraddu muwaadiniinta iyo waddanka inay “Crisis” [qalaanqal] ka abuurto, eed aanaan lahayn in dhakada nalaga saarona ma doonayno”.

“Waannu bixinay warqaddii muwaadinkaasi ku soo codsaday inuu shidaal keeno, ciddii “procedure-ka” iyo sharcigu u tilmaamayey ayaanuna u dirnay. Waxa naga baxay wasaarad ahaan waa intaa,” ayuu wasiirku ku soo gebagebeeyey hadalkiisa shirka jaraa’id.

Wasiirka Ganacsiga, mudane Cismaan Qaasim Qodax, ayaa ilaa shalay waxa la isla dhexmarayey in Madaxweyne Riyaale xilka ka qaaday, iyada oo lagu sababaynayo inay isugu dhaceen wasiirka iyo Madaxweynuhu arrimo la xidhiidha Markabkan.

Wasiirka oo shirkaa jaraa’id lagu weydiiyey wararkaa la isla dhexmarayey iyo inuu isaga laftiisu doonayo inuu is casilo, waxa uu sheegay inuu maqlay wararkaas. Waxana uu sheegay in Madaxweynuhu uu xor u yahay inuu xilka ka qaado, maadaama uu isagu magacaabay, balse ilaa iyo hadda aanay jirin xil laga qaaday iyo iscasilaad uu isagu iscasiley.

82 mudane oo ka tirsan labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa shalay soo saaray bayaan ay ku cambaareeyeen Madaxweyne Riyaale go’aanka uu ugu diidey shirkadda Al-Xarbi in shidaalkeeda lagu shubo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera. Waxaana la sheegay in bayaankaasi uu Madaxtooyada ku noqday gantaal lama filaan ah.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today

No comments: