Friday, November 03, 2006

Xuska sanad guurada 13aad ee aasaaska ciidanka bileyska Somaliland iyo khudbadii madaxweyne Riyaale

Waxaan maqlayaa Xamar hadaaq ka baxay oo loo soo bu’ayo Somaliland. Waxaan leeyahay ragga Muqdisho jooga, kolba magacaad rabtaan la baxa,..” Madaxweyne Riyaale.

Hargeysa, November 02, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayaa farriin digniin iyo dayro ah u diray kooxaha gacanta ku haya maamulka magaalada Muqdisho, oo uu ku tilmaamay qaar hadaaqaya.

Madaxweyne Riyaale oo waxa uu hadalkaasi ka jeediyay munaasibadda sannad-guurada 13aad ee ka soo wareegtay dhismaha ciidanka Bileyska Somaliland oo manta lagu qabtay xarunta ciidanka Bileyska Somaliland ee Caasimada Hargeysa,kaas oo kaga warramay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; hanjabaadaha ka soo yeedhaya qaar ka mid ah kooxaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho, waxqabadka Booliska, marxaladihii uu soo maray muddadii uu jiray iyo qorsheyaasha ku talogalka mustaqbalka. “Waxaan maqlayaa Xamar hadaaq ka baxay oo loo soo bu’ayo Somaliland. Waxaan leeyahay ragga Muqdisho jooga, kolba magacaad rabtaan la baxa, waxaad tihiin raggii aannu kala tagnay 1991-kii, waxaanan leeyahay kala-tagnaye aan kala qoomamo la’aano.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Daahir Riyaale oo shalay hadal jawaab-celin ah ka bixinayey baaqyo iyo hadallo ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland, kuwaas oo ka imanaya kooxaha koonfurta Soomaaliya. “Wax aannu kaga dayano Muqdisho iyo koonfur ma hayno baan leeyahay, haddii ay diin tahay annagaa [Somaliland] naloo daba-fadhiisanayaa, haddii ay sharci tahay annagaa naloo daba-fadhiisanayaa, dawladnimo hadday tahay annagaa naloo daba-fadhiisanayaa,” ayuu ku daray Md. Riyaale. Madaxweyne Riyaale, waxa uu sida oo kale digniino iyo talooyin u soo jeediyey shacabka reer Somaliland, oo uu ku boorriyey in ay ka digtoonaadaan dad uu sheegay in ay Xamar doonayaan, balse aannu si cad u tilmaamin kuwa ay yihiin, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Kuwa Xamar jecel ee qiil ka dhigta Xamar bay wax ka soo socdaan; belaayaa Xamar ka soo socota ee khayr ka soo socdaa ma jiro. Waxaan leeyahay ummad yahay feejignaada, mar labaadna la idin khiyaamayn mayo.

30 sannadood ka hor baa la ina khiyaameeyey. Soomaalidu waxay tidhaahdaa; mar I dage Alle ha dago, mar labaad I dagana annaa is-dagay.” Madaxweynaha oo ka hadlayey qaddiyadda Somaliland, ayaa sheegay in aan waxba iska beddelin mowqifka madaxbannaanida ah ee Somaliland qaadatay 18 May, 1991-kii. “Qarannimadeennu waa tii aynu go’aansannay, wax iska beddelay ma jiro, wax aan ka baranayno koonfur oo aan nidaam-darro ahayni ma jirto. Waxaan leeyahay aan ilaashano waxa Ilaahay ina siiyey.

Qaddiyaddeenna waxaan aaminsanahay samirka haddii aynu adkaysano meel Ilaaahay aynu ugu mahad-naqno ayaan joognaa, halkaana hore baynu uga sii soconaynaa, dibna uga soo noqon mayno. Huuu…huuu ciddii innoola timaaddana indhaha aynu ku hayno,” ayuu yidhi Mr, Riyaale. Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, waxa uu intaa ka dib khudbaddiisa u jiheeyey dhinaca Bileyska, oo uu si weyn ugu ammaanay dedaal iyo waxqabadkooda, taas oo uu ku tilmaamay wax lagu faani karo. Isaga oo dhinaca kalena ka codsaday in ay sii laban-laabaan waxqabadkooda.

“Waa xasanaad waxa [hawsha] aad haysaan, ummaddiina ayaad u haysaan baan leeyahay.” Madaxweyne Riyaale, waxa uu ka dhawaajiyey bixinta derejo ciidamada la siiyo, ayaa marka hore ka cudurdaartay dib-u-dhaca ballanqaadyo hore oo ahaa in la bixinayo derejooyinka, isaga oo ku sababeeyey qabyo ka jirtay dhinaca diyaargarowga. “Insha Allaahu waxaan rajaynayaaa sannadka bilowgiisa derejooyinkii ciidanku in ay baxaan oo aanay waqti dambe innagu qaadan,” ayuu yidhi Md. Riyaale oo markale ku celiyey ballanqaadkii xukuumadda ee derejo-bixinta ciidamada. Madaxweynuhu inkasta oo uu ballantii hore ku celiyey, haddana meesha kamuu saarin in ay jiraan arrimo weli dhiman, kuwaas oo ay
dhammaystirkooda wax badani ku xidhnaan doonaan.

“Waxaannu UNDP ku heshiinay in ay Madheera ka dhisaaan Akaademi Booliska ah. Markaa intii aad ballanqaadeen waan idinka sugayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale, oo isaguna dhankiisa ballanqaaday in deg-deg loo bixinayo qaybta xukuumad ahaan ku soo hagaagtay.

“Waxaan leeyahay aqoon baa loo baahan yahay derejada. Inamadii mujaahidiintii, qolyihii Milateriga akaadeemik baannu u dirnay, kuwa Booliska iyo Asluubtuna iyaguna way gelayaan, si ay derejadooda u qaataan. Laakiin, Booliska iyo Asluubta intooda badani Madheera ayey geli doonaan,” ayuu ku daray, isaga oo intaa raaciyey in waxqabadku ku xidhnaaan doono hadba sida ay tahay awoodda dhaqaale. Waxa kale oo Madaxweynuhu ku ballanqaaday dhismaha xarun akaademi oo Milateriga Somaliland yeesho, isaga oo sii sharraxayeyna waxa uu yidhi; “Cadaadley-na in ay ta Milateriga noqoto oo halkaa aannu ku tabobarno, waayo, waan haysanaa saraakiil aqoon leh oo waxbarta ciidamadeenna, inta kalena waxaan la kaashan doonaa ciddii gacan innaga siisa.”

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland.

No comments: