Sunday, November 05, 2006

Xisbiga Kulmiye Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Xaalada Ka Socota Mandaqada Geeska Iyo Maxkamadaha Islaamiga

Hargeysa, November 04, 2006 (Somaliland Today)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa warsaxaafeed uu maanta soo saaray mar kale ku caddeeyey mawqifka uu ka taagan yahay xaaladda haatan ka aloosan Mandaqadda Geeska Afrika ee ka dhalatay Maxkamaddaha Islaamiga ah ee gacanta ku dhigay Muqdisho iyo meelo badan oo Koonfurta Soomaaliya ka mid ah, isla markaana talooyin u soo jeediyey Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland, Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, Dowladda Cabdillaahi Yuusuf ee Baydhabo iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan waddamada Gobolka.


Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbigaas, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” isaga oo dhammaystiran wuxuu u qoran yahay sidan:

“Waxa Geeska Afrika uu noqday meel hadda caalamku si weyn indhaha ugu hayo, kaddib markii saaxada siyaasadda ee Geeska gaar ahaan Soomaaliya ay ku soo kordheen Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Maxkamadaha Islaamiga oo ka faa’iidaystey kuna soo beegmay waqti ay dadka reer Soomaaliya ka rajo beeleen nabadgelyo, deganaansho iyo maamul dawladeed oo hanan kara nidaamka iyo kala danbaynta lagama maarmaanka u ah jiritaanka ummadeed, ayaa waxay soo nooleeyeen rajadii dadka reer Soomaaliya iyagoo melihii gacantooda galay ku soo dabbaalay nabadgelyo iyo deganaansho, soo jiidatey dadkii dhulkaa ku noolaa, isla markaana kaga helay taageero iyo kalsooni. Xisbiga KULMIYE wuxuu hore u caddeeyey mawqifkiisa ku wajahan waxyaalaha Geeska gaar ahaan Soomaaliya ka socda, waxaanu soo dhoweeyey nabadgelyada iyo deganaanshaha ka dhashay in badan oo dhulka Soomaaliya ka mid ah, isla markaana wuxuu talooyin ugu soo jeediyey labada dhinac ee maxkamadaha iyo maamulka Baydhaba labaduba inay dhawraan degaanshaha iyo nabadgelyada mandiqadda Geeska gaar ahaan dalalka jaarka la ah oo ay Somaliland ku jirto. Hadallada beryahan danbe ka soo baxaya dhinacyada somaliya isku haya gaar ahaan maxkamadaha dartood waxa uu xisbiga KULMIYE mar kale caddaynayaa mawqifkiisa ku wajahan siyaasadda Geeska Afrika.

XUKUUMADDA IYO DADWEYNAHA REER SOMALILAND

1. Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in goonni isu taagga iyo jiritaanka qaran madax bannaan oo la yidhaahdo Somaliland uu yahay waxaan marnaba gorgortan iyo muran geli karin.

2. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa shacabka reer Somaliland inay u midoobaan sidii ay u ilaashan lahaayeen qarannimadooda.

3. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa shacabka iyo xukuumadda Somaliland labadaba inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara nabadgelyo darro gudeheenna ah.

4. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland inay la timaaddo istiraatiijiyad cad oo ka duulaysa wada tashi qaran, si dhibaatooyinka wejiyada badan leh ee inagu xeeran loo wajaho.

5. Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa in xukuumaddu kaga dhabayso si buuxdana u dhaqan geliso dastuurka dalka.

6. Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa sida dastuurku qeexayo in la sameeyo guddi culimo kuwaas oo ka talo bixiya ku dhaqanka shareecada islaamka.

MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH EE SOOMAALIYA IYO MAAMULKA BAYDHABO.

1. Walaalahayga Soomaaliya waxaannu u soo jeedinaynaa inay ogaadaan in dantooda iyo tan mandiqadduba ku jirto inay u aqoonsadan Somaliland dal ka goonni ah oo aan ka mid ahayn Soomaaliya isla markaana leh dawlad iyo nidaam u gaar ah.

2. Walaalhayaga Soomaaliya waxaannu u soo jeedinaynaa inay wada hadal, is afgarad iyo isu tanaasul ku dhamaystaan khilaafaadkooda iskana ilaaliyaan wixii keeni kara dagaal.

3. Waxaannu u soo jeedinaynnaa dhinacyada isku haya Soomaaliya inay sidoo kale wada hadal la yeeshaan cid kasta oo ay iskaga soo horjeedaan arrimaha Soomaaliya , iskana ilaaliyaan wax kasta oo soo dedejin kara dagaal dhiig ku daato.

4. Waxaannu u soo jeedinaynaa oo kula talinayannaa walaalahayaga Soomaaliya inay iska daayaan wixii u keeni kara labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya colaad dhex marta, isla markaana damqaya xusuusta dadka reer Somaliland, annaga oo si gaar ah u tilmaamayna hadallada beryahan danbe soo noq-noqonaya ee ka soo baxaya dhinaca madaxda maxkamadaha qaarkood, kuwaas oo tilmaamaya in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya ama xoog ku qabsan doonaan, waa in ay arrintaa iska illaawaan, niyaddoodana ka saaraan.

5. Ha ogaadaan dadka reer Soomaaliya in dantooda iyo maslaxaddooduba ku jirto in ay iyagu si toos ah isu hor fadhiistaan, una wada hadlaan iyagoo isu muujinaya debecsanaan iyo isu tanaasul.

6. Waxaannu u soo jeedinaynaa dhinacyada Soomaaliya isku haya inay la yimaaddaan wax kasta oo keeni kara in si nabadgelyo ah loo wada noolaado.

URUR GOBOLEEDKA IGAD IYO DAWLADAHA CAALAMKA

1. Waxa xisbiga KULMIYE u soo jeedinayaa kana codsanayaa urur goboleedka IGAD iyo dawladaha kale ee caalamka inay si buuxda u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo wax badan ka tari karta kuna kordhin kata arriamaha Geeska gaar ahaan arrinta loo taag la’yahay ee Soomaaliya.

2. Waxa xisbiga KULMIYE u arkaa in dadka reer Soomaaliya maanta u baahan yihiin nabadgelyo iyo maamul u fuliya danahooda, sidaa darteed urur goboleedka IGAD iyo dawladaha kale ee daneeya xaaladda Geeska Afrika waa in ay dhawraan rabitaanka dadka reer Soomaaliya, kana ilaaliyaan wax kasta oo dabka ku sii hurin kara isla markaana colaad kala dhex dhigi kara dadyowga Geeska Afrika ku wada nool.

3. Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in dadka reer Soomaaliya aanay maanta u baahnayn ciidamo iyo hub debedda lagaga soo daad gureeyo, waxaanu u arkaa in ay mushkiladda ku sii kordhinayso haddii ciidamo iyo hub debadda lagaga keeno.

4. Xisbiga KULMIYE waxa uu kula talinayaa urur goboleedka IGAD iyo dawladaha kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya inay isa soo hor fadhiisiyaan Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dawladda Itoobiya oo aannu u aragno inay yihiin cidda ugu miisaanka weyn ee isku haya arrimaha Soomaaliya”.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland

No comments: