Wednesday, December 20, 2006

Dagaalo Culus Oo Ilaa Hadda Ka Soconaya Idaale Iyo Daynuunay Oo Ah Gobolka Bay

Dagaalo aad u qadhaadh ayaa saaka ka bilowday ilaa iminkana ka socda degaanka Idaale iyo Daynuunay ee Gobolka Bay. Dagaaladdaas ayaa waxa iskaga horyimi dhinaca dawladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka iyada oo labada dhinac dhan kastaaba sheeganayo guulo uu kazoo hooyey dagaalkaas.

Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga dawladda Federaalka Salad Cali Jeele ayaa ku eedeyey Maxkamadaha inay soo weeraren fadhiisimihi dawladda oo ay Baydhabo kusoo duulaan yihiin, halka Mohamed Bilaal oo ah Madaxda Maxkamadaha oo ku sugan Buur Xakaba uu sheegay in dawladdu ay weerar kusoo qaaday fadhiisinyo ay Maxkamadahu ku lahaayen agagaarka degaanka Daynuuney.

Dagaalkan oo ilaa hadda soconaya ayaa waxa uu kusoo beegmay xili ay magaaladda Baydhabo ku sugan yihiin wafdi sare oo ka socda midowga Yurub.

Sida dad goob joogayaal ah ay kusoo warameen dagaalkan ayaa waxa laysu adeegsanayaa madaafic iyo hubabka noocyadisa kala duwan kuwa ugu cul culus. Deeganada uu dagalku ka socda ayaa waxa ay u kala jiraan magaaladda Baydhabo oo dawladda Federaalku ku sugan tahay min 30km iyo 70 km.

Wararkii ugu danbeeyey ee degaanka laga helo ayaa sheegaya in ciidamaddu Maxkamadahu ay ilaa hadda ku gacan sareeyen dagaaladaas.

Maxamed Cali Farsamo,

Somaliland.Org

No comments: