Wednesday, December 20, 2006

Wefti Culus Oo Ka Socda Baarlamaanka Dawlada Kenya Ayaa Beri Lagu Wadaa Inuu Dalka Somaliland Yimaado

Hargeysa (HWN)- Wefti ballaandhan oo ka socda Baarlamaanka waddanka Kenya, ayaa la filayaa inay beri booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland.

Weftigan oo ka kooban sideed xubnood oo ka tirsan guddida Shuruucda Baarlamaanka waddanka Kenya, ayaa sida lagu sheegay qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahir (C/raxmaan Cirro) waxay martiqaad rasmiya ka heleen Baarlamaanka Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraalka maanta kasoo baxay xafiiska Guddomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaanCirro), waxa weftigan hogaaminaya Garyaqaan lagu magacaabo Paul Kidbugi oo ah guddoomiyaha guddida Shuruucda ee Baarlamaanka waddanka Kenya, waxaanay booqashada weftigu qaadan doontaa muddo saddex maalmooda.

Muddada weftigu joogaan dalka waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaal,e Arrimaha Dibadda C/llaahi Maxamed Ducaale, Komihsnaka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaanay maalinta Khamiista ee saadame fadhi wada jira kula hadlidoonaan Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), sidloo kalena waxay booqan doonaan suuqa Ganacsiga magaalada Hargeysa, Goobihii xasuuqa ka dhacay iyo magaalada Berbera, waxaanay xubnaha weftigu ka koobanaa kala ahaayeen sida:-

1. Guddoomiye Paul Kidbugi
2. Abdi Aziz Jim
3. Aadam Macalim C/llaahi
4. Beter Oloo Aringo
5. Putrice Ez Kiel
6. Da’udi Abyare
7. Richard Maoke
8. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaag/Hargeysa
janaale94@yahoo.com

No comments: