Tuesday, December 26, 2006

Hogaamiyaha ciidamada Xabashida ee difaacaya Baydhabo oo si kulul u weeraray Cabdillahi Yey iyo Geedi Abgaal.

Hogaamiyaha ciidamada Xabashida ee difaacaya Baydhabo oo si kulul u weeraray Cabdillahi-Yey iyo Geedi-Abgaal.

Janaraalka hoogaaminaaya ciidamadda Xabashida weerarka ku ah Somalia ayaa si kulul u eedeeyey Cabdillaahi Yusuf-Yey Iyo Cali Geedi-Abgaal. Warar laga helay saraakiil iyo wasiiro ku sugan magaalada Baydhaba oo kana agdhow Cabdillahi-Yey iyo Cali-Abgaal, ayaa soo tabiyey in Janaraalka xukuma ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhabo uu ku eedeeyey labada xubnood ee ugu sareeya kooxda Embagathi in ay ka been sheegeen awooda iyo quwada ciidamada Maxakamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya, iyaga oo ku sheegay tirada ciidanka Maxkamadaha labo kun oo wiil oo hadba dhinac u yaacaaya, kuwaas oo aan awoodna u lahayn in ay iska difaacaan ciidamada Itoobiya ee la keenay gudahaha dalka.

Eeda iyo Cabasha jananka ayaa ka damebaysay dagaalo shan casho ka socday Gobolka Bay siiba inta u dhaxaysa Idaalle iyo Manaas oo labada dhinac ee dagaalamayaa ay si xun ugu hoobteen.

Wararka ayaa intaa ku daray in masuulku uu aad uga xumaaday war-bixino been ah oo ay soo gaadhsiiyeen Maamulka Baydhabo ku sugan ee hogaaminayaan Geedi iyo Yey. waxa kale oo la sheegay in masuulku ka aamin baxay in ciidamadiisu ay ka barbar dagaalamaan maleeshiyada Cabdillahi Yey ka soo uruursaday degaanka uu ka soo jeedo ee Majeerteenia.

By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.com

No comments: