Thursday, December 21, 2006

Ninkii Suuqu Ku Xumaadaaba KULMIYE Waa Inuu Aflagaadeeyaa Madaxdeeda

Waxaa hada noqotay wax iska caadiya oo aanu dadku aad ula yaabin in ninkii suuqu ku xumaado uu KULMIYE madaxdiisa caayo si madaxtooyada looga yeedho.

Waxaa dhowaan warsaxaafadeed lagu durayo afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE mujaahid Maxamed kaahin Axmed soo saaray ama suuqa isla nashiray afhayeenka xisbiga talada kharibey ee UDUB kaas oo aan aniga iyo in inta badan maanta u aragno inoo adhaxda ka jebiyey ujeedooyikii iyo himilooyinkii loo soo halgamey .

Waxaan dhaliishaa ku cadaynayaa horta waxa aad u soo dhibtooto iyo waxa aadan u soo dhibtoon isku si uma ilaalisid macnuhu waxay ila tahay hogaanka sare ee xukuumada riyaale ama madaxweynaha ha noqoto ama wasiiro badan ha noqotee iyaga dhib ka soo maray wadankan xoog iyo xoolo midna ma jirto markaa sidaa awgeed ayuu u dayacayaa.


Hadaan ku noqdo hadaladii gefka ahaa ee uu shaarica ka nashirayey Huseen Cali Xirsi waxaa ka mid ahaa Maxamed kaahinow markii snm qabsatay wadanka waxaad tidhi ayaan sheegayaa hadaad aamusi weydo, laascaanood iyo buuhoodle adaa dayacay , anagu isgoo xuseen isu dhigaya inuu dawlada leeyahay laascaanood iyo buuhoodle ku duuli mayno dadku waa dadkayagii.
Intaa hadaan dhaafo waa run Maxamed Kaahin hadal yidhi inkastoo aanan anigu afkiisa ka qaadin hadalkaas oo ahaa war dadkaa aynu wada deganahy ee la khalday wixii hore ee xumaan ahaa ee aynu u tirinayney aan wanaag iyo walaaltinimo ugu bedelo sidaasaana if iyo aakhiraba inoo fiicane taasaana laqaatay saan maqlay waana lagu faaiidey. xuseena hada wuxu ina leeyahay dadkaa ku duuli mayno oo waa dad aan walaalo nahay oo la duufsaday hadaba waa yaabe maxaa kala duwan ee uu xuseen qarinayaa?


Aan u soo daadego xuseen iyo taariikh nololeedkiisii xuseen waa ninkii somaliya ama rajiimkii afweyne ugu guulwadaynta badnaa. waa ninkii maalintii snm soo gelaysey laba cisho ka hor baxay ee Farawene snmta kula kulmay waa ninkii inaadeerkii naagtiisii uga qaaday nin mareexaan ah ee weliba gurigii inaadeerkii ugu aroosay ee inaadeerkii dilka ku xukumay haduu dalka iyo reerkiisii soo galo hadaba , xuseen waxaan kula talin lahaa maaha maanta maalintii aad guulwadow siyaad meelahaa isla taagi jirtey ee lagaa aamusi jiree runtaa laguu sheegayaaye ka fadhiiso dadka.


In yar aan ku daree Xuseen waa ninkii madaxweynihii hore ku dhaliyey snm aan ku samayno dibuhabaynta SNM si ay u burburto anaana madax ka noqonaya markaasuu maanta doonayaa inuu xuseen snm iyo ka hadlo soo gal iyo waxaa.

Waan iska soo koobayaa ee Xuseen waxaan kula talin lahaa haduu suuqu kugu xumaaday maaha inaad madaxda iyo dad aadan sharaftooda gaadhayn meelahaa ka caydee billaa caleek ka fadhiiso dadka iyo dalkaba.


Wabilaahi Tawfiiq


Ali M. Jama


Oslo, Norwey
..

No comments: