Thursday, December 21, 2006

Dawladda Jabuuti oo soo Caydhisay Wakiilkii Somaliland u Fadhiyey Dalkeeda

Jabuuti (Jam)- Xukuumadda Jabuuti ayaa albaabada u xidhay xafiiskii diblomaasiyadeed ee dawladda Somaliland ku lahayd dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana ku amartay wakiilka Somaliland u joogay Jabuuti iyo shaqaalihii kale ee xafiiska in ay muddo saddex maalmood ah (72 saacadood) kaga baxaan dalkooda.

Warar rasmi ah oo aannu ka helo ilo ku dhowdhow xafiiska diblomaasi ee xukuumadda Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, ayaa sheegay qoraal rasmi ah oo ay xukuumadda Jabuuti soo saartay shalay in ay ku wargelisay wakiilka Somaliland u fadhiyey dalkaas in xukuumadda Jabuuti joojisay cilaaqaadkii diblomaasi iyo xidhiidhkii dawliga ahaa ee ay la lahayd Somaliland. Sidaa daraadeed, waxa ay xukuumadda Jabuuti ku amartay wakiilka in uu joojiyo gebi ahaanba hawlihii uu ka waday xafiiska Somaliland uga furnaa magaalada Jabuuti, isla markaana isaga [Wakiilka] iyo hawlwadeennada kale ee xafiiskaa kala shaqaynayey ay muddo saddex maalmood ah kaga baxaan dalka Jabuuti.

Go’aankan ay xukuumadda Jabuuti albaabada ugu laabtay xafiiska Somaliland uga furnaa dalkeeda, ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ay xukuumadda Jabuuti ka cadhootay go’aan ay toddobaadkii hore xukuumadda Somaliland ku mamnuucday in xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera la sii mariyo dekedda Jabuuti, kaas oo qayb ka ah qorshe dawladda Jabuuti ku doonayso in dekedeedu marin u noqoto dhammaan xoolaha nool ee laga dhoofiyo mandaqadda Geeska Afrika.

Safiirka Somaliland, Ambassador Rashiid oo aannu xalay Jabuuti kula xidhiidhnay telefoon ayaa diiday in uu ka hadlo go’aanka xukuumadda Jabuuti ku xidhay xafiiska Somaliland, isaga [Wakiilka] iyo shaqaalahiisana dalka ka caydhisay.

Hase yeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo Jabuuti ku sugan, ayaa waxa la filayaa in saacadaha hore ee maanta ay safiirka iyo shaqaalihii xafiiskiisu ka soo ambabixi doonaan magaalada Jabuuti, iyaga oo geeddigooda ku soo mari doona dhinaca dhulka oo ay baabuur kaga soo gudbi doonaan xuduudka Lawyacaddo ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Waa markii labaad ee ay dawladda Jabuuti albaabada u xidho qunsuliyadda Somaliland ku leedahay dalkeeda. Sannadkii 2000, ayey xukuumadda Jabuuti xidhay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd dalkooda, isla markaana soo caydhisay wakiilkii iyo shaqaalihii kale ka hawlgeli jiray xafiiskaas, waqtigaas oo uu xumaaday cilaaqaadkii siyaasadeed ee xukuumaddii Cigaal iyo xukuumadda Madaxweyne Geelle, kadib markii dawladda Jabuuti u gogol dhigtay shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo ajendihiisu lid ku ahaa qaddiyadda goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Hase yeeshee, sannadkii 2003-dii ayey markale xukuumadda Jabuuti oggolaatay in xukuumadda Somaliland dib u furato xafiiskii ay ku lahayd dalkeeda, kadib markii Madaxweyne Rayaale socdaal ku tegay ay labada madaxda labada xukuumadood ku heshiiyeen in ay meesha ka saaraan khilaafkii u dhexeeyey, isla markaana ay dib u cusboonaysiiyeen cilaaqaadkii dawliga ahaa iyo xidhiidhkii sokoeeye ee u dhexeeyey labada dal ee walaalaha iyo ood-wadaagta ah.
Go’aankan cusub ee xukuumadda Jabuuti albaabada ugu xidhay xafiiska Somaliland ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin xukuumadda Somaliland.

Jamhuuriya Online

No comments: