Thursday, December 28, 2006

Qiimahii timo-jarka oo cirka isku shareeray

(Waridaad)Ka dib markii ay ciidamaddii Cabdillahi Yusuf iyo Xabashidu ay la wareegeen Jawhar una soo ruqaansadeen Balcad ayaa maleeshiyaddii maxaakiimtu u kala dheereeyeen dukaanaddii jeega xiiradda ee magaaladda Muqdishu.



Waxaa laga soo warinayaa inay magaaladdii Muqdhishi hadda gashay marxalad adag kuna abuurtay dadkii rayidka ahaa cabsi badan, ka dib markii ay maxaakiimtii ku wareejiyeen hubkii qabaayilkii ay hore uga qabsadeen, dhacii iyo fawdadiina dib u soo noolaatay, sidda la filayona ay dib u soo rogaal celin doonaan, isbahaysigii la dagaalanka argagixisadda ee uu Qanyar Afrax hormoodka ka ahaa.



Wakhtigan hadda la joogo waxaa magaaladda laga soo warinayaa inay hugii maxaakiimtu ku labisnaayeen iyo cumaamadihii ay laliyeen, iyagoo u kala dheeraynaya goobaha timaha layskaga xiiro, si ay dadka ugu dhax milmaan, iyagoo ka cabsi qaba in laga jaro waxii ay gaysteen mudaddii yarayd ee ay Xamar ka talinayeen.




Waxaa iyana hadda dadkii dhooban yahiin jidka afgooye ee soo gala magaaladda Muqdishu oo dadkii ku dhawaaqayaan erayo ah soo dhawaadda. In kastoo dadka qaarkii ay aad uga xun yahiin ciidamadda xabashida ah ee soo galaysa magaaladda.


Waa markii ugu horaysay taariikhda Soomaliyeed in ay ciidamo xabashi ahi la wareegto magaalo ka mid ah magaalooyinka waaweeyn ee Somaliyeed. Taasoo loo aanaynayo inay hormood ka yihiin ummadd damiirkii Soomaliyeed dhuuni iyo xukun ka doortay kuna soo hogaamiyey cadowgii koowaad ee ummadani abidkeed lahayd. Taasoo noqonaysa mid baal madow ka gali doonta taariikhdii ummadda Soomaliyeed.


Haddaba su'aasha taalaa waxay tahay, ma dhacday in qolo loo qabtay inay ummad u taliyaan, u taliyaan? Dawaladda Empigati ma u soo wareegi doontaa Muqdishu? Cabdillahi Yusuf ma aamini doonaa inuu Xamar soo caga dhigto? Maleesiyadda Puntland ma soo geli karaan magaaladda Xamar? Mar labaad Muqdishu diyaar ma u tahay inay u taliyaan hadhaagii Afweyne?


Su'aalahaa waxaan u daayey dadka.


Ahmed Quick
Ottawa-Canada

waridaad.saraar@gmail.com

No comments: