Thursday, December 28, 2006

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Xabashida oo kasoo dhaqaaqay degmada Afgooye

(Waridaad) Muqdisho:- Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Xabashida oo saaka la wareegay gacan ku heynta degmada Afgooye ayaa hada usoo gudbay dhinaca Jaamacada Lafoole ee u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ee la socda kuwa Soomaaliya, aysan geli doonin caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Xabashida oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa hada ku jiheysan magaalada Muqdisho, ayadoo afhayeenka DFKMG Mr.Diinaari uu sheegay in ciidamada Dowlada ay amniga sugi doonaan.Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kacsan kadib markii ay soo baxeen maleeshiyaad iyadoo maleeshiyooyinkii maxaakiimta isu rogeen kuwo qabiil, waxaana jira amni xumo iyo dhac laga sheegayo qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho ay ka kooban tahay.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in uu cuqaasha iyo nabadoonada beelaha ay sugaan amniga inta ay Dowlada ciidamadeeda soo gaarayaan magaalada


.




























No comments: