Wednesday, December 27, 2006

Xildhibaan Ikraam oo ka Hadashay Warar aan Sal iyo Raad lahayn

Hashim Goth, Harowo = Boorama, 26 Dec. Xildhibaan Ikraam ayaan Shir Jaraaid ku qabatay Gurigeeda ay degen tahay, halkaas oo weriye Hashim Goth oo ka tirsan Shabakada Harowo. com ku waraystay, Xildhibaan Ikraam Waxay ka hadashay warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo mar lagu soo qoray Wargayska Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargaysa, Kaas oo Wargayska Jamhuuriyana ka bixiyay Raali gelin.

Hadaba Xildhibaan Ikraam waxay ku bilawday Shirkeeda Jaraaid hadalkan " Ugu Horayn waxay salaam u diraysaa dhamaan Akhristayaasha warbaahinta, salaamtaas oo ah salaamta Islaamka Asalaamu Calaykum waraxma tulaahi, Intaas ka dib waxaa farxad ii ah in aan la kulmo Qoraalo Canaan ah oo maalmihii tegay la iigu soo qoray Websiteka Shabakada Harowo.com, taas oo dareenkaygu i siiyay in aan wax ka idhaa, inta aanan gelin dulucda hadalkayga waxaan bixinayaa dardaaran guud, waxaanan qabaa in ay caawinayso, Bulshada qayb ka mid ah oo u degdegta dhinaca Caadifada siiba Sharka, qolyahaas oo aan u degdegin dhinaca Khayrka, waxa Bulshada Soomaaliyeed ku badan Malo-Awaalka, Beenta, Qabiil Jacaylka, Warxumo tashiilka, waxa kale oo dheereeye si xun wax u sheega, Runtuna waxay noqtay mid aad u gaabisa.


Hadaba Waxaa iga waano ah hadaan u qaybsanahay Bulshadeenu, In Masuul ah iyo Masuul laga yahay, waa in aan u fiirsanaa wax walba oo qofku maqlo ama uu Arkaba, taas oo looga baahan yahay in uu qofku ka taxadiro in uu ku degdego, si aanu meel ka dhac u samayn isla markaana xog waraysi badan uu sameeyo. ka dibna marka uu ogaado xaqiiqda uu jawaab ka bixiyo isaga oo aan sharafta qofka meel kaga dhacayn, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaa " Haddii degdegsiimo door dhalo, Kaadsiimana Kiish lacaga ayuu dhalaa".


Dulucda Hadalkaga hadaan u galo waxaan u qaatay sababta dhalisay in Canaani iiga timaad dadkayga qurba jooga ah ee daacadnimadu ku dambayso, in ay tahay Warkii ku soo baxay Wargayska Jamhuuriya kaas oo ahaa mid aan sal iyo raad lahayn oo been ah, Isla maalintii ka dambaysayna uu Wargayska jamhuuriya raali gelin ka bixiyo warkaas uu qoray, Warkuna wuxuu ahaa mid lagu tirtiraaya magacayga aan ku leehay Bulshadayda reer Somaliland siiba Gobolkayga la iga soo doortay ee Awdal, Waxaana lagu masaxayay shirkaygii jaraaid ee aan ku sheegayay qabyada badan ee ka muuqata G/Awdal iyo Somaliland.


Waxaan qabaa in qof walba oo jecel wanaagayga in uu is waydiinayo hadalan siday uga dheceen Ikraam iyo maxay ula jeeday ? intii sidaa isweydiinaysay iyo inta igala soo hadashay warbaahinta waxaan idiin cadaynayaa in aysan warkaas iyo suaashaas wargaysku qoray midna waxba ka jirin, waxaan kale oo aan idiin sheegayaa in aad dhawrtaan Caadifada Qabiilka, oo aysan noqon mid idinka saarta xadka, Qof walbana wuu jecel yahay in uu dhawro sharafta meesha uu ka yimid iyo sharafta dadka kaleba, waa haddii uu damiir wanaagsan leeyahay.


Halkan aan Joognana ma jiraan Isaaqiisam iyo Gadabuursisam balse waxaa jira Axsaab siyaasi ah oo ah kii aan ku tartanay ee aan kaga soo baxay Kulmiye, balse qof walba Gobolkii laga soo doortay iyo dadkii soo doortay wuu dhawranayaa, mana ogolaanayo in ay gaadho magac xumo iyo cadaadis, Xisbiga Kulmiyana uguma jiro dan shaqsi ee waxaan ugu jiraa dan guud, iyo sidii aan gobolkayga ugu soo dhicin lahaa xuquuqda uu leeyahay, hadiiba uu noqdo xisbigaasi mid ku guulaysta mustaqbalka talada Dalka, qof ku xigana Alaah ayaa kaa xiga, mucaaradayduna maaha mid aan qof iyo Shaqsiyo u galay ee waa dadkaaga waxa ug adeeg.


Intaas ka dib waxaan waydiina Suaal ahayd mala odhan karaa in Xantaas Wargaysku qoray ahayd mid aad ku sheekaysataan xisbigiina Kulmiye oo la idinla maqlay markaas?


Xildhibaan Ikraam Waxay Ku jawaabtay Maya ma dhacdo in aan kelmdehaas ku siraysano amaba iskaga raali nahay waxyaabaha noocaas ah, waxaa naga dhaxaysa is qadarin iyo wada tashi aysan ku jirin qof nacbaysi iyo qolo nacayb.


Waxaan kale oo aan waydiinay Xildhibaan Ikraam, Madaxweynaha ma waxaad ku dhaliishay cadho aad ka tirsanayso Loolankaagii Musharaxnimo oo cadaadis kaaga yimid dhanka Xisbiga Udub garabkiisa Haweenka mise waa mid aan Cadho lahayn oo ah Mid aad waxqabadkiisa ku dhaliishay?


Waxay ku Jawaabtay Ikraam, waxaan u malaynayaa in ay musharaxnimadii soo dhamaatay, hadii cadaadis la igu hayay dhinac Haween iyo dhinac kalaba,taasi waa mid soo afjarantay oo ilaahayna igu guuleeyay, Waxa keenay waa aniga oo u damqaday waxqabad la'aanta Xukuumada, markaan codka ka doonayay wakhtigii tartanka doorashada waxaan shacabka Awdal u sheegi jiray hadii aan soo baxo in aan waxqabad iyo Xuquuqdooda uga dooni doono Xukuumada dhexe ee Somaliland.


Waxan golaha ka sheegi doono kolba baahida jirta, iyo weliba xuquuqda Haweenka guud ahaan Somaliland. isla markaas golahayagu maaha gole fulineed ee waa mid sharci dajineed, markaas waan ku khasbanahay in aan mar walba ka dhawaajino baylahda aan aragno. haddii aann ahay xildhibaanada ka soo jeeda mucaaradka ma nihin kuwo wax dumiya balse waxaan nahay kuwo xisbiga talada haya kolba wixii ka khaldan saxa isaguna (Xisbiga Talada haya) waa in uu naga faaidaystaa marka aan tusno wixii ka khaldan.


Waxa Jirta Xildhibaan Ikraam beryahan dambe in Warbaahintu waxyaabo badan ka hadasho oo marmar qaarkood ay samayso Shakhsi weerar iyo Cambaarayn Qabiil, taas marka horana ay u badnaayeen Websidada hadana Wargaysyadu ku darsameen maxaad ka odhan lahayd Arintaas ?


Xildhibaan Ikraam waxay ku Jawaabtay, Waxaan si guud talo uga bixinayaa taas oo aan kula hadlayo gudaha iyo dibadba wixii ku dhaqan dadka Somaliland, in ay iska dhaafaan sidii aan horeba u soo sheegay Shaqsi Jacaylka iyo Qabiil jacaylka, Qof walbana ay ku raacaan wuxuu qabtay iyo horumarka uu sameeyay, qof walbana wuxuu qabtay Taariikhda ayaa Qori doonta.


Qofka madaxda ahna ha lagu dhaliilo masuuliyadiisa uu umada u hayo, balse yaan wax laga sheegin shaqsiyadiisa iyo meesha uu ka soo jeedo, amaba waa reer hebel siiba qurba jooga waxaan idinkala talinayaa in aad iska dhaaftaab qabiilaysiga, dadkii dhulka joogayba way ka koreen, Warbaahintuna waxaan kula dardaarmayaa in ay iska ilaaliyaan wixii Bulshada ku kala Abuuraya isnacayba iyo coltooyo dhexdooda ah, noqda mid ka shaqaysa horumarka iyo dib u dhaca Somaliland.


Wariye: Hashim Goth,


No comments: