Haddaba, waxa fajiciso iyo amakaag in masuulkaasi dhawaaqiisu yahay mid riyo ah kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada, sideedaba Jamhuuriyada Somaliland iyada ayaa ka masuul ah amaanka , maamulka iyo maaraynta dalkeeda, guud ahaanba, iyada oona cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda.
Haddalada ka soo yeedhay Cali Geedi, waxa qarankani u arkayaa soo kicinta xanuuno iyo ladh hore oo ummada reer Somaliland door biday inay is ilawsiiso iyadoo ka raacanaysa danaheeda iyo dhismaheeda.
Faran faraynta deg dega ah ayaa Jamhuuriyada Somaliland uga digaysaa duqaas isaga ah. Waxa qudha ee na dhex mari karaana waxa weeye waa Jaarnimo wanaagsan oo lagu wada noolaado.
Waxaanu xusuusinaynaa Cali Geedi in ay u taalo hawl iyo dhibaato ku filan halka uu uga soo bu’ayo Jamhuuriyada Somaliland oo aan isaga iyo cid kale toona waxba ka khusaynin haba yaraatee.
Waxaanu la socod siinaynaa shirkadaha Gaadiidka Badda iyo Cirka ee ka goosha JSL inaanay u hanqal taagin hadalada ka soo baxaya Maamulka Cali geedi, cidiise fulisa amaba u dhego nuglaata hadaladaasi , JSL waxay kala noqon doontaa ruqsadihii ay ka haysteen dalka Somaliland.Waxa kaloo arrinkaasi saamayn ku yeelan doonaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Samo falka ahba haday ku dhaqmi waayaan go’aamada JSL.
Alla Mahad leh
Mudane C/laahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada JSL
No comments:
Post a Comment