Tuesday, January 16, 2007

Banaabaxii ugu balaadhnaa taariikhda Somaliland oo maanta ka dhacay gobolada iyo degmooyinka dalka

London (Jam)- Banaanbax balaadhan oo ay ka qayb galeen dhamaanta qaybaha kale duwan ee bulshaweynta reer Somaliland ayaa ka dhacay gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada Somaliland ka kooban tahay.

Dad kor u dhaafay 50,000 oo qof ayaa isugu soo baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa, dadkaasi oo sitay kuna dhawaaqayay ereyo iyo halku dhigyo ay ku taageersan yihiin gooni isu taaga Somaliland, ayna kagana soo horjeedaan maamulka dowladda Mbeghati ee C/llaahi Yuuusuf, Dadkaasi waxay socod ku soo mareen dariiqyada waaweyn ee magaalada boodhan, ka dibna waxay isku soo urureen fagaaraha Beerta Xorriyada ee Hargeysa.

Dadweynaha banaanbaxa samaynayay waxa halkaasi kala hadlay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraame iyo kusimaha gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Maxamuud Faarax Nuur Fagadhe, kuwaasi oo dhamaantood ka waramay sida ayna gorgortan u gali Karin madax banaanida Somaliland, isla markaana aanay khuseynin reer Somaliland maamulka dowladda Mbeghati. Sidoo kalena waxay xuseen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, caalamkana waxay ugu baaqeen in aqoonsi caalami ah siiyaan jamhuuriyada Somaliland.

Dibadbax oo ahaa kii ugu weyna ee dalka ka dhaca waxa qaar ka mid ah dadkii ka qayb gala oo cadho badani ka muuqay ay ku gubeen halkaasi calankii hore Jamhuuriyada Soomaaliya, inkastoo masuulyiintii halkaasi ka hadashey ay sheegeen in aanu ahyn wax la sii qorsheeyay.
Dibadbaxyo la mid ah kanoo kale waxay ka dhaceen magaalooyinka iyo degmooyinka gobolada Awdal,Togdheer, Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Banaanbaxan waxa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay saddexda xisbi qaran ee Somaliland, waxay ujeedadiisu ahayd mid shacbiga reer Somaliland ay beesha caalamka ugu muujinayaan sida ay uga go'an tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalkoodu isla markaana ay beesha caalamka kaga dalbanayaan aqoonsi buuxa.

Jamhuuriya Online

No comments: