Sunday, January 14, 2007

Abaalka Reer Puntland: Xasuuqa Lagu Hayo Beelaha Absame ee Gobolka Jubada Hoose

Sida aydun ula socotaan, xiligii ay Jamhuuriyada Somaliland ay dhowr Guuto oo ka mida ciidamadeeda qalabka sida ee xoogan ay soo dejisay degaano ka mid ah dalkeeda sida Yigoori, Adhi Cadeeye, iyo goobo kale, waxa judhiiba ka argagaxay qaar ka mid ah Beesha Majeerteniya iyo Beesha Hartiyeed ee Somaliland Diidka ah kuwaasoo judhiiba qaylo dhan xoogan oo ku saleysan qabyaalad iyo colaad huris oo ah: Hayaay…Hayaay…Tola’ay iyo yaa Daarood aheey…Isaaq iyo Somaliland baa na soo weerari rabe’eey ...waa nala gumaadi raba’eey…naga soo gaadhaay...!!

Gurmadka Beelaha Absame iyo ONLF:

Qaylo dhaantaas iyo weedhahaas colaadeed ee kor ku xusan ee ku ladhan qabyaalada sumeysan, beenta qayaxan, iyo baroobagaandaha foosha xumi, waxay keentay in Puntland ay u soo gurmadaan beelo badan oo ka mid ah Beelweynta Darood gaar ahaan Beesha Absame ee Kilinka Shannaad iyo Jabhada ONLF kuwaasoo maliishiyada taagta daran ee Majeerteniya ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ku soo xoojiyey dhowr kun oo ka mid ah dagaalyahaniintooda si ay uga dhiciyaan “cadowga” la sheegay ee “gumaadi” raba walaalahooda Kablalax Daarood!!

Dhinaca kale, waxa ay Besha Absame iyo Jabhadooda ONLF ahi ay fursadaas colaada iyo nacabnimada huwani ku sii xoojiyeen:

In ay dadka rayidka ah ee Reer Somaliland ee aan waxba u geysan ee degaanadooda safarka ku maraya ay dhul jiif u galaan una geystaan jidh dil, dil, iyo dhac kibir ku jiro oo Aadnimada, Soomaalinimada, dhaqanka, iyo Diinta Islaamka ka fog taasoo ah godob iyo aakhiro seeg ay soo korodhsadeen.

In ay dab qabadsiiyaan baabuurta xamuulka ah ee shacbiga Somaliland ee dadyowgooda tabaaleysan iyo degaanadooda bad xidhanka ah sida sharciga ah safarada muhiimka ah ee quutal daruuriga u sida taasoo dhibaato iyo dibu dhac dhaqaale u geysatay dadyowgooda la jaaha wareeriyey.

In ay guud ahaan carqaladeeyaan baayac mushtarkii qadiimiga ahaa ee walaaltinimadu iyo wax wadaqabsigu ku dheehnayd ee u dhexeeyey Reer Somaliland iyo Beelaha Absame ee Kilinka Shannaad taasoo dhibaato weyn u geysatay dadyowgooda rayidka ah ee jiidahaas.

In ay goosteen inay baayac mushtarkooda u duwaan Puntland iyo Dekeda Bosaso iyagoo is leh Somaliland iyo Dekeda Berbera baad cuna qabateyn kartaan taasoo ay ku hungoobeen.

Abaalka Reer Puntland:

Beelahi Absame iyo Jabhaddii ONLF ee walaalahooda hadhkood ka cararka ah ee Reer Puntland ee hore ugu qayshaday sida hagar la’aanta ah ugu soo gumaday, waxa loogu abaal guday:

In Reer Puntland iyo Col. Abdullahi Yusuf ay dad badan oo rayid ah oo ka mid ah Beesha Absame oo si nabad ah magaalada Bosaso ugu dabaal degayeysay aasaaskii Jabhadda ONLF kuwaasoo munaasabadii laga burburiyey qaarkoodna la xidhay qaarna Ethiopia lacag laga siistay.

In Reer Puntland iyo Col. Abdullahi Yusuf ay ku shaambadeeyaan inay Besha Absame oo dhami ay ka mid yihiin Maxaakiimta Islaamka, Al-Itixaad, Al-Qaciida, Jabhada ONLF, iyo argagixisada caalamiga ah si xoogaga shisheeyuhu gaar ahaan Mareekanka iyo Ethiopia ay fursad ugu helaan hawlgalo joogto ah oo lagu fulinayo waxa lagu sheegay La Dagaalanka Argagixisada Calamiga ah ee ka jirta Somalia iyo Dabar Goyntooda.

In dagaaladii dhowaan lala galay Kooxdii Maxaakiimta Islaamka lagu gumaaday dagaalyahano badan oo Beesha Absame iyo ONLF ka mid ah kuwaasoo ay Beelweynta Hawiye gaar ahaan Besha Cayr ay dalka Somalia soo gelisay si ay fursad u siyaan inay Somalia dhexdheeda kaga aargoostaan ciidamada guumeysiga madow ee Ethiopia ee dulmiga, xadhiga, iyo dilka joogtada ah ee aan loo aabo yeelin ku haya dadka rayidka ah gaar ahaan maatadooda tabaaleysan.

In ciidamada shisheeye ee Mareekanka iyo Ethiopia, ay degaano badan oo ka mid Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Ras Kambooni, Dhoobley, Af-Madow, iyo nawaaxigooda lagu hayo weeraro xoog leh oo beriga iyo cirka ah taasoo lagu xasuuqey dadyow farabadan oo rayid ah oo aan waxba geysan.

In duqeynta ciidamada cirka ah ee Mareekanku ay xasuuq baaxad weyn leh u geysteen Beelaha Absame ee Jubada Hoose gaar ahaan reer miyiga, maatada, iyo xoolaha nool.

In Reer Puntland iyo Col. Abdullahi Yusuf, ay ku sii taageerayaan duqeynta Mareekanka iyo xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah ee Beelaha Absame ee Jubada Hoose degan iyadoo lagu andacoonayo in argagixisadii Maxaakiimta Islaamka iyo argagixisadi shisheeye ee qarxisay safaaradaha Mareekanka ee dalalka Kenya iyo Tanzania, ay weli ku dhuumaaleysanaya Raas Kambooni, Dhoobley, Af-Madow, iyo gobo kale oo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose.

Hadal iyo dhamaantii, Reer Puntland iyo Col. Abdullahi Yusuf ugumey hambeyn sida Besha Absame iyo Jabhada ONLF ay ugu listay kuwaasoo ujeedadoodu tahay in Beelaha Absame ee Jubada Hoose degan gaar ahaan magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda ilaa iyo kuwa dega xadka Somalia iyo Kenya, waxna la xasuuqo waxna la baaraakiciyo si ay Beelaha Hartiyeed ay fursad ugu noqoto sheegashada iyo lahaanshaha degaanadaas Islaameed taasoo si cad uga turjumaysa dadnimada iyo Abaalka Reer Puntland iyo Col. Abdullahi Yusuf taasoo anigoo Reer Somaliland ahi aan aad uga gubanayo iguna keliftay inaan Soomaali u soo ban dhigo.

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: