Wednesday, January 17, 2007

Kulankii Toddobaadkan ee Jaalliyadda S/L Ottawa

  • Waxa toddobaadkan ka dhacay magaaladda Ottawa, magaala madaxda dalka Canada, kulan warbixin iyo waraysi ah oo loo qabtay labada aqoonyahan ee kala ah Cabdiraxmaan Xasan Cawl iyo Cabdi Ismaaciil Yoonis. Labada aqoonyahan oo deggan Ottawa, waxay ka mid ahaayeen Guddidii socdaalka ku tagtay Jamhuuriyadda Soomaliland ee uu qaban qaabiyey Ururka SOPRI.

    Kulankan oo ka dhacay Centre Francphone De Vanier, Waxa isku soo durbaridey soona agaasimay Guddiga Odayaasha iyo waxgardka Soomaaliland ee magaalada Ottawa.

    Ujeeddada kulanku waxa uu ahaa in labada aqoonyahan ay warbixin sugan oo ku saabsan socdaalkii ay ku tageen Soomaaliland ay siiyaan lana wadaagaan dadweynaha reer Soomaliland ee deggan Magaalada Ottawa .

    Cabdiraxman Xasan iyo Cabdi Ismaaciil iyaga oo qaybsanayey warbixintooda , waxay si mug leh ugu faahfaahiyeen dadweynhii badnaa ee golaha joogay arrimahan soo socda:

    Ujeeddada keentay safarkooda.
  • Warbixin ku saabsan gobbolladii ay tageen iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen kana soo korodhsadeen.
  • Kulannadii goonni goonnida iyo kuwii wadajirka ahaa ee ay la yeesheen Hayadaha Dawaladda Soomaliland , Axsaabta Siyaasiga ah iyo Ururada Bulshada.
  • Xaaladda cusub ee ku soo korodhay mandaqadda geeska Afrika
    Kaalinta uu Qurbajoogga Soomaaliland ka qaadan karo horumarinta
    Soomaaliland .

    Warbixintii dalka gudihiisa ka sokow, labada aqoonyahan , waxay si aad ah oo aqoon yahannimo ah, ugu dheeraadeen waajibaadka ka saaran Qurbajoogga Soomaliland ee ku beegan Horumarinta dalkooda. Waxayna si aad ah u muujiyeen in awoodda Qurbajooggu, haddii ay noqon lahayd dhaqaale , ama aqoon (fikrad iyo waxqabadba) ay Soomaaliland uga baahan tahay.

    Laba aragtiyood oo tusaale ah oo labada aqoonyahan soo jeediyeen aadna loogu diirsay waxay ahaayeen :

    Cabdi IsmaaciilFikraduhu way kala duwaanan karaan . Marka ay danta Soomaaliland joogto, Wadajir iyo Wada tashi ayaa loo baahan yahay”

    Cabdiraxmaan Xasan “ Qurbajooggu waxay Soomaaliland wax ka tari karaan dhinaca kobcinta tayada waxqabka ( capacity building)”.

    Labada aqoonyahan waxay kale oo sheegeen in warbixintooda rasmiga ahi ay soo bixi doonto dhowaan.
    Xidhiidhinta socodka kulanka oo uu waday Xuseen Cali Xuseen, waxa lagu bilaabay aayadaha Quraanka oo uu akhriyey Sh. Yuusuf Warsame.

    Waxa kale oo kulanka ka hadlay Maamulaha Dugsiga Ottawa Islamic School Maxamed Sh. Axmed Dalmar oo soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku aaddanaa sida ay Qurbajoogga Soomaliland iyaga oo kaashanaya cududooda dhaqaale ay wax ugu biirin Kari lahaayeen horumarinta Soomaliland.

    Abshir Nur oo ku hadlayey magaca Guddida Odayaasha Soomaaliland ee Ottawa ayaa isna golaha ka soo jeediyey warbixin ku saaban waxqabadka ay Odayaasha Soomaliland ee Ottawa ku tallaabsadeen , kuna waaneyey Jaalliyadda Soomaaliland ee Ottawa wadajirnimo iyo wax wada qabsi.

    Su’aalihii dadweynaha iyo Jawaabihii labada aqoonyahan ka dib, waxa isna eryo guubaabo ah ku soo gabagabeeyey kulanka odayga waayaragga ah Siciid Faarax Cabdi.

    Kulanka waxa dhinaca warbaahinta fidinayey :
    1. Caydiid A. Qalib - Kaah Video and Audio
    2.Maxmed Maxamud iyo Cabdulqaadir - CKCU- Somali Radio Show
    3. Axmed Xasan Axmed "Quick" - Waridaad Blog
    4. Abdirashiid Journalist – Sr. Year. Algonquin College

    In kasta oo magaaladda Ottawa lagu qabtay kulanno hore oo badan , laguna soo dhoweyey ergooyin badan oo Soomaliland ah , Kulankani, waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee noocisa ah oo lagu martiqaado laba xubnood oo magaaladda ka tirsan . Wuxuuna u soo kordhiyey dadweynaha Soomaliland ee Ottawa xaqiiqo dhab ah, wacyi iyo garasho dheeraad ah.

No comments: