Friday, January 12, 2007

Abdillahi Yusuf oo ka bilaabay Villa Somalia, xasuuqii u horeeyey.

Xasuuq cad oo badheedha ah ayey maleeshiyaddii Majeerteniya la beegsatay, ugu yaraan 9 nin oo Hawiye ah, dhowr kalena dhaawac halis ah ay u jiifaan.

Xasuuqa ayaa la sheegay in uu bilawday kadib markii ay u diideen maleeyshiyada Majeerteeniya inay galaan ama ka soo agdhowaadaan Villa Somalia(Guriga Madaxtooyada) maleeyshiyadii Hawiye ee ilaalada u ahayd Kaabo Kooxeedyadoodii hore ee Muqdisho, oo maanta shir kula lahaa Cabdulaahi yusuf Villa Somalia.

Muran yar oo afkahadal ah ka dib ayey maleeyshiyadii Majeerteeniya si gaadmo ah Rasaas isdaba joog ah ugu fureen nimankii hawiye islamarkiina waxay qudha ka jareen 9 marxuun dhowrkalena waa ku dhaawaceen.

Wararku waxay sheegayaan in dhamaan maydka daadsan goobtaasi ay yihiin maleeshiyadii Hawiyaha ee la socday Kaabo Kooxeedyadooda oo iyagu aan labisnayn ama aan haysan dirayska lagu yaqaano maleeyshiyada Majeerteeniya ee uu Cabdulaahi Yusuf kala soo guuray Puntland.

Maleeyshida goobtaas ku nafwaayey ama ku dhaawacmay inkastooy u badan yihiin kuwii u daacada ahaa Maxamed Qanyare hadana wararku waxay sheegayaan in Qabqablayaal kale ay sidoo kale ku jiraan maleeshiyooyinkoodii kuwa dhintay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dhaawicii iyo maydkiiba loo diiday in la qaado sida uu sheegay afhayeen u hadlay Maleeshiyadaasi oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Warsame. Maxamed Qanyare oo ka hadlay dhacdadaas wuxuu ku tilmaamay xasuuq ay maleeyshiyada Majeerteeniya si badheedha u gaysteen.

Courtesy of emabassy

No comments: